Guddoomiyaha Ururka Sarrifleyaasha Somaliland Ee WADA-JIR Oo Beeniyey Inuu Jiro Sicir-barar

0
746

Hargeysa (Geeska) – Guddoomiyaha Ururka Sarifleyaasha Somaliland ee WADA-JIR, Barkhad Axmed Coofiye ayaa ka hadlay Xaaladda Sarifka ee suuqyada Somaliland, Xidhiidhka Ururka iyo Baanka dhexe iyo dedaalladooda la xidhiidha ka hor-tagga Sicir-bararka iyo tayeynta Shilinka Somaliland.

Guddoomiye Barkhad Axmed Coofiye oo Jimcihii Shalay soo booqday Xarunta Wargeyska Geeska Afrika ee Hargeysa ayaa isagoo daba socda Warar Maalmihii u dambeeyay soo baxay wuxuu sheegay in aanu xilligan dalka ka jirin Sicir-barar isla-markaana iyadoo Adduunka oo dhami dhaqaale xumo waajahayo, haddana Somaliland ka bedbaadbay oo aanu dalkeeda Sicir-barar ka jirin, isagoo arrintaana libinteeda siiyey Baanka dhexe ee Somaliland.

Guddoomiyaha Coofiye oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Waxaan ka warramayaa Suuqa Sarrifka ee bilihii u dambeeyay, taasi oo ahayd mid deggan iyadoo Waddankeena uu Xanuunka Covid_19 uu u saameeyay xagga dhaqaalaha iyo wax walba, Dekedda Berbera, Dekedda Saylac iyo Dekedda Qalalan ee Wajaale oo wax badan innaga soo geli jireen ay xagga Itoobiya ka xayiran tahay, haddana iyadoo la filayey inuu saamayn badan ku yeesho, haddana Ilaahay Mahaddii waynu ka bedbaadnay.”

Guddoomiyuhu wuxuu isbarbar-dhigay sida Itoobiya Lacagteedu hoos ugu dhacday iyo siday Shilinka Somaliland aanay dhibaato ka soo gaadhin dhaqaale xumada uu dunida ku keenay Covid_19 “Itoobiya markii Covid_19 uu ka bilaabmay wuxuu boqolka dollar ahaa 3500 (bir), halka uu Maanta ka marayo 4500 (Bir), laakiin innaga waxa mar walba isha ku haya dhaqdhaqaaqa Suuqa Baanka dhexe ee Somaliland, isagoo ilaalinaya hadba Xaaladda suuqa ku soo korodha. Waddamadii waaweynaa ee Adduunka ayuu dhaqaalahoodii khalkhal galay, laakiin innaga oo waddan yar oo curdina oo aan Cidna caawin dhaqaalaheenuna aad isaga liito, haddana Maskaxda Guddoomiyaha iyo Agaasimaha Baanka dhexe oo mar walba u heelan siday u ilaalinayaan Suuqa iyo dhaqdhaqaaqiisa (ayaa keenay inuu shilinku hoos u dhici waayo)..” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Waxaan u Mahad-celinayaa Baanka dhexe oo ay mar walba siyaasaddiisa tahay sidii loo tayeyn lahaa Shilinka Somaliland. Markii uu Guddoomiye-nimada Baanka dhexe yimid Baqdaadi wuxuu boqolka dollar marayey 1,150.000 Shilin, laakiin siduu u yimid ma dhaafin 8,60.000, Mahaddaana waxa leh Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Baanka dhexe u soo Magacaabay Guddoomiye Baqdaadi, waxayna Sicir-bararkii u waajaheen si cilmiyeysan.”

Guddoomiye Coofiye wuxuu ka warramay wada-shaqaynta ka dhaxaysa Baanka dhexe iyo Ururka Sarrifleyaasha ee Wada-jir “Annaga Urur ahaan, Baanka dhexe waxaanu leenahay wada-shaqayn iyo inaanu mar walba siyaasaddooda ku shaqayno, taasina waxay noo fududaysay inaanu is garabsano, si Xaalad Sicir-barar aanay suuqyada u iman. Annagu ka Ururka WADA-JIR ahaan, waxaanu Xaaladda ku soo korodha aanu garabsanaa Baanka dhexe oo aanu uga warranaa siday xaaladuhu yihiin, waxayna naga qaataan Talooyinka, sidaasi darteed Somaliland Maanta Sicir-barar laga cawdaa ma jiro, hadday Saxaafaddu tidhaahdo iyo hadday Cid walba tidhaahdo wax ka jiraa ma jiraan, ciddii waxaa sheegtaana waa Cid been-abuur samaynaysa.”

Guddoomiyuhu wuxuu been-abuur ku sheegay warar lagu sheegay in Baanka dhexe uu Sicir-barar dalka gelinayo “Been abuur bay noqonaysaa Ciddii Aniga iga been-abuurata ama cid kale ka been abuurata, Baanka dhexe ma wado Sicir-barar ee wuxuu wadaa tayeynta shilinka Somaliland, wayna ku amaanan yihiin.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey in Baanka dhexe uu Ururkooda garab istaagay markii la aasaasayba  “Annaga Ururka WADA-JIR intaanu jirnay Cidda na garab istaagtay ee na kaalmaysay ee mar walba Xaaladdayada eegtaa waa Baanka dhexe, markaa waxaanu leenahay aynu isku duubnaano, cid kasta oo innaga been abuuratana Gacan-bir ah ayaynu iskaga qaban.”