Aya Soofiya: Dhisme Nebi Muxamed Ka Horreeyey Oo Lahaanshiyaheeda Diimo Kala Duwani Isu Weydaarteen (11)

0
139

Dareennada ku xeeran masaajid ku soo celinta Aaya Soofiya

Dunida reer galbeedka iyo hay’adaha diiniga ah ee kiristaanku guud ahaan iyo si gaar ah kaniisadda Orthodox ku aad ayaa ay uga xumaadeen masaajid ka dhigista Aaya Soofiya. Muddo ka badan 900 oo sano ayaa ay Aaya Soofiya ahayd dhismaha ugu muhiimsan Kisitaanka Bariga Adduunka. Waxa ay ahayd fadhiga baaderiga ugu sarreeya Ordhodox ka, oo u dhigmayey baaderiga mad-habta Kaatoligga ee fadhigiisu yahay Vatican ka magaalada Rooma ee dalka Talyaaniga. Roger Crowley oo ah qoraaga buugga caanka ah ee ‘1453: The Holy War for Constantinople and the Clash of Islam and the West’ waxa uu sheegayaa in Aaya Soofiya ay koobsatay wax kasta oo ku xusnaa diinta Orthodox ka, gaar ahaan aragtida Giriigga. Waxa ay ahayd xarunta dunidooda diineed oo dhammaystiran, xitaa qaabdhismeedkeeda ayaa ay u arkayeen in ay tahay sawir yar oo Alle samada ka soo dejiyey, kaas oo tusaale u ah mucjisooyinka rabbaaniga ah ee kiristaanka Orthodox ka. Sida ay isaga la ahayd.

Aaya Soofiya intii ay kaniisadda ahayd waxa ay Orthodox ka u ahayd goob barakaysan oo Orthodoka barigu sida xajka u tagaan si ay uga soo barakaystaan ku cibaadaysigeeda, uguna soo waano qaataan waxa ay u arkayeen dhismaheeda Mucjisada ahoo ay aaminsanaayeen in aanay ka madhnayn farsamo rabbaani ah oo raadad la mid ahi aanay adduunka oo dhan ka jirin. Waxaa dhex yaallay qalaab aataar ah oo ay u arkayeen in ay dheertahay guud ahaan kaniisadaha waaweyn ee mad-haba kale, waxaa ka mid ah ‘Saliib’ weyn oo dhex yaalla Aaya Soofiya oo ay u arkayeen in uu yahay Saliibkii runta ahaa ee sida ay aaminsanyihiin lagu xidh-xidhay Nebi Ciise (CS). Waxa kale oo dhex taallay laan geedka Saytuunka ah oo ay aaminsan yihiin in ay tahay ‘Laantii ay shimbirta xamaamka ahi Nebi Nuux (CS) u keentay duufaankii kaddib’ sida ay ka sheegaan kitaabka Injiilka.

Aataarta diineed ee kale ee ay Orthodox ku aaminsanyihiin in ay Aaaya Soofiya yaallaan waxaa ka mid ah ‘Taajkii qodaxda ahaa’ ee ay aaminsan yihiin in ciqaab ahaan Nebi Ciise (CS) loogu xidhay. (Sida ay qaybo ka mid ah Injiilku aaminsan yihiin markii Nebi Ciise (SC) la dilayey ka hor, kooxda afduubtay waxa ay ku sameeyeen falal bahdilaad iyo quudhsi ah. waxaa ka mid ahaa in madaxa ay ugu xidheen taaj ka samaysan qodxaha geedka, si ay u xanuunjiyaan iyo si ay u bahdilaan sheegashadiisa awoodda qarniyada soo socda). Waxa kale oo ay u arkaan in Aaya Soofiya uu dhex yaallo raadka dhiiggii ka qubtay Nebi Ciise (CS) markii la dilay sida ay iyaga la tahay.

Qoraa Roger Crowley waxa uu sheegay in Aaya Soofiya ay ahayd kaniisadda hooyada u ah Kiristaanka, Masiixiyiintuna ay aaminsanaayeen in jiritaankeedu uu ishaaro san u yahay waarista Qustantiiniya iyo Imbaraadooriyaddu in ay abid jirayso.

Taas lidkeeda ayaa guud ahaan dunida muslimka iyo si gaar ah dadka Turkiga oo ay xitaa kuwo badan oo calmaani ah ku jiraan waxa ay si isku mid ah farxad ugu soo dhoweeyeen tallaabada masaajid ku soo celinta Aaya Soofiya. Inkata oo Aaya Soofiya intii ay matxafka ahayd ay ka mid ahayd hantida qaranka, dhaqaale badanna ka soo bixi jiray dalxiiseyaasha malaayiinta gaadha ee sannad kasta imanayey, haddana dadka Turkiga ahi masaajid ku soo noqoshadeeda waxa ay ku qaabileen dareen u muuqda sida hanti ay lahaan jireen oo muddo gacantooda ay ka maqnayd kaddib dib ugu soo noqotay. Waxaa sababaha ka mid ah dadka Turkiga oo u arkayey in masaajid ka dhigista Aaya Soofiya ay sumad u ahayd guushii ay Turkigu kula wareegeen magaalada Istanbuul, matxaf in laga dhigaana ay muujinaysay dib u noqosho iyo guushaas oo iin loo yeelayey. Sidaas awgeed soo celinta masaajidnimadeedu waxa ay u ahayd guushii Maxamed Al-Faatix iyo Cusmaaniyiinta ee daaha la saarayey oo mar kale la soo celiyey, iyo Turkida oo dunida u sheegtay in ay mar kale awooddoodii soo noqotay. Waana sababta loo arkayey dadka u dambaashaadayey masaajid ku soo noqoshada Aaya Soofiya oo ay qaarkood sitaa calankii dawladdii Cusmaaniyiinta iyo boodhadh muujinaya magaca iyo muuqaallo loo ekeysiiyey Maxamed Al-Faatax.

Sabab labaad ayaa jirtay oo ay dadka Turkigu isugu raaceen soo dhoweynta masaajidnimada Aaya Soofiya; Aaya Soofiya matxaf ka dhigisteedu waxa ay calaamad u ahayd burburkii dawladdii Cusmaaniyiinta. Go’aankii ay xukuumaddii koowaad ee jamhuuriyadda Turkigu Aaya Soofiya kaga dhigtay matxafka waxa ay dad badani ka dhadhansadeen tallaabo ay xukuumadda cusubi iskaga fogeynayso dawladdii Cusmaaniyiinta iyo guud ahaanba aragtiyaheedii Islaamiga ahaa ama aragtida imbaraadooriyadeed laga dhadhansanayey, waxa aanay doonaysay in ay dunida reer galbeedka oo masiixiyiintu ugu horreyso u muujiso nabad-doonnimo iyo wada noolaanshiyo in ay raadinayso. Taasi waxa ay xusuusta ku soo celinaysa ‘Axdigii Lausanne’ oo ahaa heshiiskii 24-kii Julay 1923 kii dawladihii guulaystay iyo Turkigu ku kala saxeexdeen nabadda. Kaas oo loo arko in uu soo afmeeray jiritaanka dawladdii Cusmaaniyiinta.  Marka ay sidaas tahay waxa ay dad badani u arkayeen in dib masaajid u noqoshada Aaya Soofiya ay tahay farriin cad oo muujinaysa in waqtigii jabka iyo ka gacan sarraynta Turkidu uu dhammaaday. Taariikhda ay xukuumadda madaxweyne Erdogaan ku beegtay furista Aaya Soofiya oo ahaaa 24-ka Julay 2020 ka ayaa iyaduna arrintan sii xoojianysay. Maadaama oo loo arkay in si badheedh ah la isugu beegay taariikhdan iyo taariikhdii la saxeexay heshiiska Lausanne. Taas oo ah farriin ay dawladda Turkigu dunida ugu sheegayso in ay mar kale ku soo rogaal celisay saaxadda quwadaha adduunka.

Waxaa jira dalal iyaguna u muuqda in tallaabadan iyo taariikhda lagu beegay ay u fahmeen in ay tahay farriin ka dhan ah xaaladihii keenay ‘Matxaf’ ka dhigista Aaya Soofiya. Waxaa ka mid ah dalka Faransiiska oo uu wasiirkiisa arrimaha dibadda Jaan Iif Ledriyaan war degdeg ah oo uu ka soo saaray go’aankan ku sheegay in ay dawladdiisu ka xuntahay xukunka garsoorka ee Aaya Soofiya ku soo celinaya Masaajidnimada iyo g’aanka uu madaxweynaha Turkigu maamulka Aaya Soofiya ugu wareejiyey hay’adda arrimaha diinta ee dalkiisa. Wasiirka Faransiisku waxa uu sheegay in labadaas tallaabo ay shaki gelinayaan mid ka mid ah tallaabooyinkii ugu waaweynaa ee calaamadda u ahaa Turkiga Casriga ah iyo Calmaaniyadda. Dalka Giriigga ayaa isaguna hadallo aan kuwaas ka qaboobayn ku dhaliilay go’aankan.

Si kastaba ha ahaato ee madaxweynaha Turkiga oo go’aanka kaddib jeediyey khudbad dheer oo uu arrintan kaga hadlayo, ayaa sheegay in go’aankii xukuumaddii Mustafe Kamaal Ataturk masaajidkan kaga dhigtay Matxafku uu ahaa khiyaamo iyo arrin sharci darro ah. Maadaama oo dhismaha Aaya Soofiya aanu ahayn hanti dawladeed ama hay’adeed, balse uu ahaa hanti gaar ah oo uu lahaa Suldaan Maxamed Al-Faatix, isaguna uu ka dhigay Waqaf. Sidaas awgeed loo isticmaali karo oo keliya waxa uu qofkii hantidaas lahaa ugu talagay.

Madaxweyne Erdogaan waxa uu sheegay in masaajidnimada Aaya Soofiya aanay diidi doonin in dadka muwaadiniinta ah iyo kuwa dunida kale ka imanaya oo kuwa aan muslimiinta ahayni ku jiraan ay booqdaan masaajidkan, sida ay masaajidda kale ee Turkigaba u booqdaan. “Masaajidka Aaya Soofiya waxa uu ahaanayaa hidde ay Aadamenimadu leedahay, waxa ay albaabadiisu u furnaan doonaan muwaadiniinta iyo shisheeyaha, muslimiinta iyo kuwa aan muslimiinta ahaynba” ayaa ka mid ahaa hadallada uu ku khudbadeeyey madaxweyne Erdogaan. Dhinaca kalana waxa uu hoosta ka xariiqay in go’aanka masiirka Aaya Soofiya uu u yaallo Turkiga, tallaabadanina ay tahay mid qarannimada Turkiga la xidhiidha oo aanay cid kale oo shisheeye ah iyo dawlado kale uga fasax qaadanayn.