Wasaaradda Caafimaadka Oo Ka Jawaabtay Warar Sheegaya In Xanuunka Covid19 Uu Hargeysa Soo Gaadhay

0
612

Hargeysa (Geeska) – Wasaaradda horumarinta Caafimaadka Somaliland ayaa ka hadashay Xaaladihii ugu dambeeyay Xanuunka dhibaatada ba’an ku haya Bulshooyinka Caalamka, kaasi oo toddobaadkii hore Somaliland lagu arkay labadii Kiis ee u horreeyey.

Toddobaadkii hore waxa Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadku ku dhawaaqday in laba Qof oo midkood u dhashay Shiinaha, midna yahay Muwaadin u dhashay  Somaliland ah isla-markaana haysta dhalashada Ingiriiska laga helay Xanuunka Covid_19, laakiin labadii Maalmood ee u dambeeyay waxa soo baxayey Warar sheegaya in Xanuunku soo gaadhay Caasimadda Somaliland ee Hargeysa, jiraana Dad qaba oo aan weli la shaacin.

Laakiin, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka, Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye oo la hadlay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sheegay in  kiisas cusub aanay ku soo kordhin labadii Qof ee hore Xanuunka loogu sheegay mooyaane, illaa haddana aanu Hargeysa soo gaadhin Covid_19.

Agaasime Xergeeye oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Coronavirus dalkeena ku fiday ma jiro, Caasimaddana muu soo gaadhin, Gobollada kale ee dalkana muu gaadhin, wax kiisas ah oo cusubna ma jiro, sida aanu ilaa hadda og nahay, kiisaskii hore loo sheegay mooye, intaasna baadhitaano waanu wadnaa, oo waxaanu ku jirnaa dedaal xooggan iyo wacyigelino joogto ah”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here