Awoodda Xakamaynta Nafta: Soo Koobidda Buugga Dr. Maxamed Fiqi (Q:2aad)

0
683

Dale Carnegie oo ah qoraaga buugga ‘How to Stop Worrying and Start Living’ waxa uu sheegay boqolkiiba 93 dhacdooyinka aynu aaminno inay dhibaato innagu keeni doonaan in aanay dhicin. Boqolkiiba toddobada ama in ka yar ayaa cabsidaas rumowda, inta badanna waxa ay la xidhiidhaan arrimo aynaan maamulistooda gacanta ku haysan, sida cimilada ama geeri timaadda.

Qoraagu waxa uu inoo sheegayaa in boqolkiiba 93 aanay dhicin arrimaha cabsida innagu abuura mar kasta oo aynu damacno in aynu tallaabo qaadno. Boqolkiiba toddobada soo hadhay ee dhacaana inta badan ay yihiin kuwo isku beegmay uun oo kollayba dhici lahaa, sida in geeri kedis ahi timaaddo ama guud ahaanba dhacdooyin awooddeenna bani’aadamnimo ka baxsan.

Ibraahim Fiqi buuggiisa ‘Awoodda xakamaynta nafta’ waxa uu ku sheegayaa in dabeecadda ah qofka oo maskaxdiisu wax isku qufushaa ay inta badan ka timaaddo afar meelood:

  1. Labada waalid

Qaabka ilmaha loo korinayo iyo ku dhaca lagu abuurayo ama cabsida waxyaabaha uu samaynayo ku ladhan sida loogu sheegayo iyo arrimo la mid ah ayaa sababa in qofku la weynaado cabsi ka hor istaagta tallaabo kasta oo uu qaadi lahaa, isaga oo aaminsan in wax aan fiicnayn ay horseedi doonto.

  1. Dugsiga

Dugsigu waxa uu ardayga oo dabcan macallinka ahi waxa uu ilmaha ku abuuri karaa kalsooni uu awoodaha naftiisa kaga faa’iidaysto, sida oo kale waa uu niyadjebin karaa, oo uu ka dhigi karaa qof tallaabo kasta oo uu qaadi lahaa ay u muuqato cabsi ka sokeysaa.

  1. Saaxiibbada

Saaxiibka aan kalsoonida ku qabin naftiisa ama aan diyaarka u ahayn in uu xoojiyo kalsoonida naftaadu waxa uu inta badan hor istaagaa ku dhiirrasho kasta oo uu qofku isbeddelka ku raadin lahaa.

  1. Warbaahinta

Warbaahintu waa macallinka daahsoon ee bulshada, waxa ay qofka u furtaa aduunyada ku xeeran. Waxa aanay u noqon kartaa il uu ka raadsado xogta isbedellada iyo horumarka uu doonayo in uu sameeyo. Laakiin warka ay baahinayso, faallooyinkeeda iyo guud ahaan qaabkeeda soo bandhigeed waxa uu qofka gelin karaa cabsi iyo in ay u muuqdaan dhibaatooyin ku soo fool lihi. Waxa aanay ugu dambayn qofka joogteeya u dhisi karaan derbi cabsi ah oo ka sokeeya tallaabo kasta oo uu hore u qaadi lahaa.

  1. Naftaada

Waxa aad maskaxdaada gelinayso ee togan ama tabani waxa ay ugu dambaynta noqdaan midho aad gurato waxtar iyo dhibaato mid kasta oo ay horumarkaaga ku yeelanayaanba.

Haddaba Ibraahim Fiqi buuggiisa ‘Awoodda xakamaynta nafta’ waxa uu innagula talinayaa in aynu nafteenna la soconno, gaar ahaan waxa ay aaminayso. Si taasi innoogu suurtagashana waxa uu ina siinayaa afar qodob:

  1. B) Ka fiirso aragtiyahaaga, waayo iyaga ayaa noqonaya falka aad samaynayso.
  2. T) Ka fiirso falalka aad samaynayso, waayo iyaga ayaa caadadaada noqonaya.
  3. J) Ka fiirso caadooyinkaaga waayo iyaga ayaa dabeecadahaaga noqonaya.
  4. X) Ka fiirso dabeecadahaaga, waayo iyaga ayaa noqonaya masiirkaaga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here