Culimada Dalka Oo Soo Jeediyey Inaan Lagu Deg-degin Xidhista Masaajiddada

0
525

Hargeysa (Geeska) – Culimada Somaliland ayaa Talooyin u soo jeediyey Guddiga u diyaar-garowga iyo ka hor-tagga Cudurka Covid_19 oo labadii kiis ee ugu horreeyay lagu sheegay Somaliland.

Culimada oo Qasriga Madaxtooyada kulan kula yeeshay Guddiga u diyaar-garowga iyo ka hor-tagga Cudurka Covid_19 ee Somaliland, ayaa kulankaa ka dib soo saaray bayaan xambaarsan 10 qodob, kuwaasi oo ku soo jeedinayaan Talooyin la xidhiidha sida looga gaashaaman karo Cudurkan dunida aadka ugu faafaya.

Qodobbada ay soo saareen Culimada ayaa waxa ka mid ah inaan lagu deg-degin in la xidho Masaajiddada, balse marka hore la xidho Goobaha Dadweynuhu ku kulmaan, sida Huteellada, Maqaaxiya iyo Goobaha Qaadka lagu cuno.

Qodobbada ay Culimada Dalku soo saareen oo dhamaystiran ayaa u qornaa sidan:-

In Dadku Ilaahay isku xidhaan, xaggiisana u noqdaan oo ay toobad keenaan, ogaadaana in wax kastaa ku dhacayaan Qaddarta Alle, iyadoon laga tagayn asbaabta ka hor-tagga.

Inaan la sugin inta cudurku faafayo, isla-markaana si dhakhso ah looga hawl-galo.

In la dedajiyo, lana dardar-geliyo baadhista Dadkii looga shakisnaa inuu cudurku haleelay.

In la joojiyo dhammaan goobaha lagu kulmo, sida Huteellada, Maqaaxiyaha, Goobaha Qaadka lagu cuno, IWM oo aan lagu deg-degin xidhidda Masaajiddada Alle.

In aanay ku waajibin Jamaca Salaadda ee Masaajidka Dadka Xanuunsanaya, Dumarka, Carruurta iyo Dadka Safarka ah isla-markaana ay Guryahooda ku tukan karaan.

In Shareecaddeena suuban ay u banaysay Ummadda in Jimcaha iyo Jamaacada laga maqnaan karo, haddii la helo lana xaqiijiyo duruufo adag, sida Xanuunnada faafa, IWM.

In la joojiyo qaadka, maaddaama oo uu leeyahay dhammaan sifooyinkii uu ku faafayey Xanuunkan halista ahi, sida Taabashada, kulanka goobihii lagu iibinayey iyo halka lagu cunayaba, sidoo kalena xal loo helo diyaaradaha Rakaabka ee dalka yimaadda.

In Dadka oo dhami iska kaashadaan wax kasta oo lagaga hor-tagi karo cudurkan, looga dhego-nuglaado Tallooyinka dhakhaatiirta iyo Amarrada Guddiga heer Qaran ee ka hor-tagga cudurkan.

Waxaanu Bulshada reer Somaliland ugu baaqaynaa in wakhtigan adag ay taageeraan kana war hayaan Dadkooda danyarta ah.

Waxay culimadu diyaar u yihiin inay ku taageeraan wixii talo iyo Tusaale ah ee ay ugu baahdaan Guddiga ka hor-tagga Covid_19..”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here