Awoodda Xakamaynta Nafta: Soo Koobidda Buugga Dr. Maxamed Fiqi (Q:1aad)

0
793

Awoodda xakamaynta nafta’ waa buug uu qoray qoraaga dhiirrigeliyaha nafta ee caanka ahaa Ibraahim Faqi. Sida magaciisaba ka muuqata waa buug xambaarsan xikmad iyo muhiimad aad u ballaadhan oo ay adagtahay in si sahal ah looga geyoodo. Waxa aynu isku dayeynaa in aynu qaybo ka mid ah soo koobno si cidda aan akhriyin ay ugu hesho fursad si guud mar ah faham uga sii haysan karto.

Ugu horreyn waxaa xiiso leh qisada uu qoraagu buuggiisa bud dhigga uga dhigay.

Waa maroodi aad u xoog badan oo rabbaayad ah. Ninbaa inta uu soo kaaystay beerta dambe ee qasrigiisa ku qurxistay. Waxa uu ku xidhay beer weyn oo xadiid ah. Maroodigu bilowgii uma uu hoggaansamin silsiladda cagta lagaga xidhay iyo xorriyaddiisa ninkani la wareegay. Laakiin maalmo iyo toddobaaddo uu isku dayeyey in uu ka fakado kaddib ugu dambayntii waxa uu gaadhay heer quus ah oo uu isu dhiibay silsiladdii ku xidhnayd. Waxa aanu joojiyey isku dayadii uu doonayey in uu xoriyaddiisa dib ugu helo.

Maalin dambe ayaa uu ninkii beddelay birtii u aasnayd silsiladda ku xidhan maroodiga, waxa aanu ka dhigay qor aan sidaa u itaal badnayn, oo haddii uu maroodigu faro lahaan lahaa uu si fudud kala jebin lahaa. Haddaba maalin maalmaha ka mid ah ayaa uu nin kale weydiiyey ninkii guriga lahaa, sababta aanu maroodigu isugu dayin in uu burburiyo qodinka uu ku xidhan yahay si uu isaga furo. Ninkii maroodiga lahaa waxa uu ugu jawaabay, “Maroodigani aad ayaa uu u xoog badan yahay, si fudud ayaanu isaga furi kari lahaa xadhiga ku xidhan. Dhibaatadu waxa ay ka taagantahay arrintaas aniga iyo adiga ayaa og, laakiin maroodigu ma oga. Mana garanayo ilaa inta ay awooddiisu gaadhsiisan tahay”

Qisadan waxa aynu ka arkaynaa wax isku ‘qufulka taban’ oo ah in uu qofku maskaxdiisa uun barnaamij iyo si ay isaga ula muuqato oo taban uga aamino. Maroodigu waxa aanu ku kalsoonayn awooddiisa, kelidiina kuma koobna ee innaga dhammaanteen waa aynu la mid nahay. Waxa keliya ee aynu kaga duwannahay innagu bani’aadam ahaan, waa in aynu awood u leenahay in aynu aaminsanaantaas iska saari karno, oo aynu beddeli karno barnaamijkaas taban ee aynu marka hore maskaxdeenna ku qufulnay.

Isbeddelkaasina waa in uu ku bilowdo tallaabooyin aasaas u ah, oo ay ka mid tahay in marka hore aynu go’aansanno isbeddel. Isbeddelka uu qofku samaynayaa waxa uu marka hore ka dhacaa qofka maskaxdiisa iyo sida uu u fikirayo. La soco…

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here