Dawladda Oo Sheegtay Inay Dhaqangalisay Nidaam Cusub Oo Shaqaalaha Dawladdu Ku Shaqaynayaan

0
664

Hargeysa (Geeska) – Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay inay si toos ah u dhaqangalisay nidaamka ay ku shaqeeyanayaan Shaqaalaha Dawladda ee fasaxa galay, iyagoo guriyahahooda jooga, waxayna tilmaantay inay Wasaaradaha qaar ay ku shaqaayeen, Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dawladda ee hadhsana ay bilaabayaan, waxayna sheegtay inay gaba ahaanba joojisay adeeggii Boosaha.

Wasiirka Wasaarada Isgaadhsiinta iyo technolajiyada Somaliland Dr Cabdiwali Sheekh Cabdilaahi Suufi Jibril oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sheegay inay Wasaaradda Waxbarashada ay iska kaashan doonaan sidii ay Ardayda dhigata Dugsiyada Dawladda ay u sii wadan lahaayeen Waxbarashadooda iyagoo ku sugan guriyahooda,  waxaanu ugu horeyn yidhi “Adeeggii Boosaha waanu joojinay, maadaama aanu muujinayno taxadri aad iyo aad u badan oo ku waajahan ka hor tagga Coronavirus, waxaanu bilawnay nidaam casriya oo Shaqaalaha Dawladdu ay ka soo shaqeeyn doonaan iyagoo Guriyahooda ku sugan, khamiistii ayaanu bilawnay oo Wasaaradihii ugu horeeyey ayaa bilaabay, oo Shaqaalihii Wasaaraddahaasi way ku shaqeeyeen, halka Wasaaradaha kale iyo Hay’adaha kale ee Dawliga ahina ay iyana bilaabi doonaan maalmaha soo socda sida Sabtida ilaa Axada, markaas nidaamkan waa nidaam aad u fudud, oo aad loo soo dhaweeyey”.

Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo technolajiyada mar aanu wax ka weydiinay Ardayda dhigata Dugsiga Dawladda ee fasaxa galay iyo waxaa uga meel yaala ayaa ku jawaabay “Dugsiyadii gaarka loo lahaa waxay bilaabeen in Ardayada dhigata ay Waxbarashadooda sii wataan iyagoo guriyahooda ku sugan, Ardaydeena dhigata Dugsiyada Dawladda iyana waxay xaq u leeyihiin inay Waxbarashooda sii wataan iyagoo guriyahooda ku sugan, sidaas darteed anaga Wasaarad ahaan iyo Wasaaradda Waxbarashada ayaa ka wada tashanayna, oo iska kaashanayna sida ugu haboon ee Ardayda dhigata Dugsiyada Dawladduna ay ku sii wadan lahaayeen Waxbarashadooda, insha allaahna Waxbarashadooda wey bilaaban doonaan”.

Wasiirku mar uu ka hadlayey xanuunka Coronavirus iyo Somaliland ayaa yidhi “Dawladdu waxay u fasaxday Shaqaalihii Dawladda iyo waliba guud ahaan Waxbarashadii dalka si aynu uga hor tagno Coronavirus oo ah xanuun si yar oo aad u fudud loo kala qaadayo, Madaxweynuhuna Guddi ayuu u magacaabay, Guddidaasina illaa hadda hawshaa wacyigelinta si fiican bay u wada, ee waxaan soo jeedinayaa in loo dhega nuglaado wacyigelinta iyo waanada ay Gudddu waddo, oo dadku aad ha uga taxadiraan goobaha la iskugu yimaaddo iyo waliba goobaha keeni kara in xanuunkani ku fidi karo, waxaan mar kale Bulshada Somaliland meel kasta oo ay joogana leeyahay oo aan ku waaninayaa yaan la dhayalsan Coronavirus, oo yaan laga soo qaadin xanuun yar oo sahlan, ee wacyigelinta sideeda ha loo qaado, oo aad ha la isku ilalaiyo, oo ALLE aynu mar walba barino, ALLE ha inaga ilaaliyo dhibaatooyinka iyo xanuunada”.

Ugu dambayn, Qaabka uu Wasiirku sheegay inay ku shaqaynayaan Shaqaaluhu muddada ay guryahooda joogaan ayaa sheegay inay tahay Hab Online ah oo dhinaca Internet-ka ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here