Awoodda Xakamaynta Nafta: Soo Koobidda Buugga Dr. Ibraahim Fiqi (Q:4aad)

0
1259

Waa qayb ka leo o ka mid ah taxanaha soo koobidda buugga Awoodda xakamaynta nafta’ee uu qoray Ibraahiim Fiqi (AHUN).

Si ayn ugu guulaysanno nolosha, waa in aynu marka hore aaminno in aynu leenahay awood aynu guul ku samayn karno. Sida uu sheegay qoraagii Maraykan ee Napoleon Hail, “Wixii maskaxda aadamuhu garato ee ay aamintaa, waa suurtagal in la rumeeyo.”

Qoraa Hail waxa uu buuggiisaa ku shegayaa shan nooc oo ay leedahay aaminaadda maskaxda ee aynu xusnay:

  1. Si gaar ah oo loo aamino nafta:

Waxa ay naftaadu aaminsantahay ayaa guusha kaa caawin kara, ama noloshaada burburin kara. Waayo adigu waxa aad tahay uun waxa ay naftaadu aaminsan tahay. Feedhayahankii caanka ahaa ee Maxamed Cali Kalaay oo la weydiiyey, ‘maxaa sameeya halyeeyga?’ ayaa ku jawaabay, “Haddii aad doonayso in aad halyeey noqoto, marka hore waa in aad rumaysato oo aad aaminto, oo aad xaqiiqsato in cid kaa fiicani aanay jirin. Xitaa haddii aad ogtahay in aanad ahayn qofka ugu fiican, iska dhig qofka ugu fiican, una dhaqan sida in aad tahay qofka ugu fiican. (Waxa aynu arrintan uga jeednaa in aynu dhiirrigelinno dadka dhinaca taban oo keliya ka eega amuuraha. Laakiin ha u qaadan in ujeedadu tahay in ay qab iyo isla weyni kugu abuuranto).

  1. Shaygu waxa uu yahay oo aad aaminto: Waa muhiim shay kasta oo aad aaminayso ama ku go’aan qaadanayso in aad marka hore u aaminto oo aad u aqoonsato runtiisa.
  2. Wanaagga shaygu leeyahay ha eegin ee eeg sababta aad u diidayso:

In aad aaminto sababta aad shayga u doonayso ama u diidayso, adiga oo aan isku mashquulinayn ka fikirka waxtarka soke ama quruxda uu leeyahay. Tusaale ahaan shayga wanaagga aad ku ogtahay yaanu kaa hor istaagin in aad iska indha tirto dhibta ay tahay in aad darteed u deyso shaygaas. Sida qofka aaminsan in sigaar nuugistu ay waxtar leedahay, oo acsaabta ay dejiso, ee aaminsanaantaas ku dheggenaada illaa uu wadne xanuun ku keeno. Kaddibna markaas aamina in sigaar nuugistu ay caafimaadka u darantahay, dhimashana keeni karto. Waxa aad ogataa in markii hore ee uu sigaarka ka aaminsanaa wax fiican iyo haddaba oo uu khatar u arko, labada jeerba in aanu sigaarkii isbeddelin ee wixii uu ahaa uun uu yahay.

  1. Aaminsanaanta wax tegey oo lagu dheggenaado:

Dhacdooyinkii ku soo maray ee dhammaaday waxa ay u qaybsan yihiin kuwo togan iyo kuwo taban. Laakiin haddii ay kaaga tagaan waayo-aragnimo saamayn ku yeelanaysa habdhaqankaaga, oo maamulaysa sida aad mustaqbalka u dhaqmayso, waxa ay caqabad ku noqonaysaa horumarka aad samaynayso iyo guusha aad hoogsanayso. Wixii aad ka soo gudubtay oo aad aamintaa waxa uu raad aan fiicnayn ku yeelanayaan, waqtiga aad joogto iyo mustaqbalkaaga labadaba.

  1. Mustaqbalka oo aad aaminto:

Iska jir in aad mustaqbalka wax ka sii aaminto, ama aad ka sii baqato waxa dhici doona. Adiga oo waxbarashadii ku jira ha ka sii baqan ama ha aaminin in jaamacadda kaddib, aanad shaqo heli doonin. In aanad heli doonin lammaane nolosha sida aad doonayso kuula qaybsada. Waxa aan u jeedaa ha u fikirin sida qof aan gaadhi Karin himiladiisa, adiga oo maskaxda ka saaraya dadka badan ee aad ogtahay in himiladoodii ay rumeeyeen, oo ay guul sameeyeen.

Qaybtan oo ah qaybta labaad ee buugga ‘Awoodda xakamaynta nafta’ waxa uu qoraa Ibraahiim Fiqi ku soo gunaanadayaa, codsigan: Imika bilow, maanta oo hadda ah u kac dhismaha kalsoonida naftaada iyo awoodaheeda. Ku kalsoonoow, in aad aaminsanaan kasta oo taban beddeli karto, oo aad ku beddeli karto mid togan, oo awooddaada kordhisa… ku kalsoonoow in aad awood u leedahay inaad beddesho liidasho kasta oo kugu jirta, meel kasta oo aad u liidato in aad awood u beddeli karto.. ku kalsoonoow in aad noqon karto, yeelan karto kana shaqayn karto wax kasta oo aad jeceshay…La soco…

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here