Madaxweyne; Maxaa Ku Aamusiiyay?

0
1068

Xanuunka Corona Virus, iyadoo uu dunida si saa’id ah ugu faafayo ayaa hadda wuxuu marayaa inuu soo gaadhay Somaliland. Inkastoo kiisas laga helay Somaliland, haddana weli lama hayo cid xanuunkan u dhimatay. Alle mahadii weeye.

Dalalka Jaarka ayuu xanuunku si xowli ah ugu fidayaa. Itoobiya axadii oo keliya waxa xanuunka u geeriyooday laba ruux, halka ay Djibouti aad u korodhay tirada uu xanuunku soo ritay. Addis Ababa iyo Djibouti waxa labadaba laga dareemayaa inay kordhayso tirada dadka uu xanuunku soo ritay.

Sidaas marka ay tahay waxa muuqda walaac badan oo muujinaya inay si fudud u kordhi karto tirada dadka Somaliland ku sugan ee xanuunkan qaba, iyadoo ay Somaliland dhaqaale ahaan iyo tayo caafimaad ahaanba aad u liidato marka loo eego dalalka jaarka iyo kuwa dunida oo la baaxaa degaya culayska uu xanuunkani ku keenay.

Inkastoo ay guddiga loo magacaabay ka hortagga faafitaanka xanuukani maalin kasta qaybo kala duwan oo bulshada ah u qabtaan kulamo kala duwan, haddana waxa muuqato inay tayadoodu aad hoosayso, wax qabadkooduna liito. Waxa ay hawshoodii loo xilsaaray u muuqdaan inay u leexiyaan la tashi iyo tallo urursi, halkii ay ka ahayd hawlgalo rasmi ah oo ay kaga hortagayaan in xanuunku dalka si fudud ugu faafo.

Laakiin waxa iyaguna farriimo wacyigelin ah bulshada u diraya dhakhaatiirta maxaliga ah ee Hargeysa ku sugan oo umadda ugu baaqaya inay feejignaan muujiyaan. Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, ayaa wuxuu umadda u soo jeediyay taxadir dheeraad ah, isagoo muujiyay walaaca uu ka qabo in xanuunku si fudud ugu faafi karo Somaliland, waxaanu u soo jeediyay shacabka inay u baxaan dhulka baadiyaha ah oo ka baxaan magaalooyinka.

Dad badan ayaa taladan u arka inay tahay mid muhiim ah, waxaanay qaarkood maalmahan ku mashquulsanaayeen inay dadka waayeelka ah u saaraan dhulka miyiga ah.

Waxase dad badan ka yaabisay Madaxweyne Biixi oo ay ugu dambaysay inuu shacabkiisa la hadlo 14 March. Mudane Madaxweyne, xaaladahan oo kale waa marka loo baahanyahay hoggaamin dhab ah, waxa ay umaddu u baahantahay inaad ugu yaran toddobaadkii hal ama laba jeer warbaahinta kala hadasho oo aad farriimo wacyigelin ah hawada u mariso, haddii aanay Somaliland itaal kale haynin.

Waxa aad ogtahay Madaxweyne inaanay si rasmi ah u fulin amaro ay guddigu soo saartay oo ay ka mdi tahay in la yareeyo dhaqdhaqaaqa iyo isu socodka si xanuunkan looga hortago inuu faafo.

Mudane Madaxweyne, waxaad xogogaal u tahay xaaladda tayada caafimaad ee dalka aad Madaxweynaha ka tahay, waxaanad ogtahay inaanay Somaliland xamil u lahayn dhaqaale ahaan iyo awood caafimaad ahaanba in xanuunku ku faafo.

Sidaas daraadeed waxa Madaxweyne waajib kugu ah inaanad aamusan oo aanad albaabada xidhan ee aad umadaada la hadasho oo u waranto, una gudbiso farriimo wacyigelin ah. Uma wanaagsana hoggaamintaada inay soo baxaan warka uu Boqor Buurmadoow sheegay ee ah  inaad magaalada Hargeysa ka baxday oo aad beertaada oo ku taala waqooyiga magaalada u guurtay.

Madaxweyne Ka sokow umadaada dalka ka sugan ,waxaad ogtahay in dad badan oo reer Somaliland ahi ay dunida ugu geeriyoodeen xanuunkan. Alle haw naxariisto dhammaantood.

Si kastaba ha ahaate, Madaxweynoow, umaddu kaama aqbalayso iyadoo xaaladan warwarka leh lagu jiro inaad afar toddobaad aamusnaato.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here