Cabdiraxmaan-cirro, Jamaal Cali Xuseen Iyo Xasan Guure Oo Xukuumadda Ku Eedeeyay Heshiis Wikileaks Faafisay Iyo Farriinta Ay Shacabka U Direen

0
485

Picture5Hargeysa(Geeska):-Isbahaysiga mucaaradka Somaliland ee Waddani, Ucid iyo siyaasiyiinta ku bahoobay Madasha Wada-tashiga Somaliland, ayaa xukuumadda madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ku eedeeyey in ay heshiis qarsoodi ah isla-mar-ahaantaana lid ku ah qaranimada Somaliland oo ay ku oggalaadeen nidaamka Federaalka ah ay la gashay dawlada Somaliya iyo maamul gobaleedo hoos yimaada, waxaana ay soo bandhigeen caydamaha dukmenti waraaqo ah oo ay qeyb ka ahaa warbixin ay soo saartay Wiki Leakes oo sheegtay in ay jabsatay wasaaradda arrimaha dibadda Sacuudi Arabiya, iyaga oo sida oo kalena tilmaamay in talaabadani ay tahay mid dastuur jabin ah oo meel lagaga dhacay go’aankii ay ummada Somaliland aftida ugu qaadeen in aanay marnaba gor-gortan gali karin madax-banaanidoodu, waxa sida oo kalena ay tibaaxeen in ay u talo urursanayaan waxii talaabo ah e ay arrintan ka qaadi lahaayeen.

Guddoomiyaha xisbiga Waddani Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), murashaxa madaxweynaha xisbiga Ucid aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen iyo guddoomiyaha Madasha Wada-Tashiga iyo Toosinta Mujaahid Xasan Guure Jaamac, ayaa hadalkan si wada-jir ugu sheegay shir-jaraa’id oo ay ku qabteen magaalada Hargeysa.

Waxaana ugu horeyn halkaas ka hadlay guddoomiyaha xisbiga Waddani Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), isaga oo sida oo kalena sheegay in ay ayaan darro tahay in Xukuumadda Siilaanyo ay qirato in talaabadan isla mar ahaantaana ay iskaga riixdo wasiirkeedii hore ee arrimaha dibadda Somaliland Dr.Maxamed Cabdilaahi Cumar, waxaana uu carabka ku dhuftay in wasiirkaasi uu ku shaqeynaayey siyaasadda xukuumadda Siilaanyo.

"Waraaqaha la helay ee faraha badan, waxaa ka mid ahaa, xog laga helay oo ku saabsan in Xukuumadda Somaliland ay Feb 18keedii 2012kii, ay dawlada Somaliya la saxeexatay, Puntland iyo weliba maamul gobaleedyo kaleba in ay ka mid noqoto Federaalka Somaliya. Runtii warkaasi waa war ka soo horjeeda qaranimada iyo dastuurka jamhuuriyadda iyo aftidii shacbiga reer Somaliland ay qaateen ee ay 97% isku raaceen in madaxbanaanidoodu aanay marnaba gorgortan galin. Waxaa ayaan darro ah in marar badan Xukuumadda Somaliland ay ku eedaysay mucaaradka in ay xidhiidh la leeyihiin Federaalka ama dawlada Somaliya haseyeeshee maanta waxaa soo baxay dhukumenti rasmi ah oo meelo rasmiya ka soo baxay oo dawlado ka soo baxay. Waxa kale oo inta dheer sida ay warbaahinta Somaliland qortay in Xukuumaddu ay qiraal ka samaysay arrinkaas oo aanay dafirin iyada oo eeda iskaga riixaysa wasiir Xukuumadeeda ka tirsanaan jiray, wasiirkaasi xukuumadda wasiir ayuu ka ahaa, waxaana ay ila tahay siyaasadda dawlada ayuu ku shaqeynaayey, wax ka duwan oo uu ku shaqeynaayey may jirin, mararka qaar waxaa la soo jeediyey wasiirka in la bedelo, haseyeeshee Madaxweynahu waxaa uu ku dhaartay in aanu weligii bedelayn inkasta oo uu markii danbe bedelay, marka shacbiga reer Somaliland, waxaan u sheegaynaa warkaas, waxii tallo ah, waxaanu ku soo celinaynaa shacbiga oo waanu uruursanaynaa, waxgaradkeeda, salaadiinteeda, aqoonyahankeeda, siyaasiyiinteeda, waxii arrintaas laga yeelayana mar danbe ayaanu u soo bandhigaynaa shacbiga reer Somaliland".Ayuu yidhi Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro).

Murashaxa xisbiga Ucid Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen oo isna halkaas ka hadlay, ayaa isna dhankiisa, waxaa uu xukuumadda Siilaanyo ku eedeeyey in ujeedka ay Xukuumadda Siilaanyo ugu jirtay wada-hadaladii Somaliland iyo Somaliya ay ahayd siddii ay u hirgalin lahayd heshiiskan.

"Warqadaas sirta ah oo aanay dafirin xukuumadda Somaliland oo ay eedana dusha ka saartay wasiirkii hore ee khaarajiga, ayaa marka ugu horeysa aanu iskugu nimi, waxaanu ognahay in xukuumadda Somaliland markii ay talada qabatay, waxaa ay ku baaqday oo ay tidhi siyaasaddii arrimaha dibadda waanu bedelnay iyada oo aan u sheegin shacbiga Somaliland waxii ay ku bedeleen, waxaa aynu ognahay in xaggii ictiraaf laga raadin lahaa dalka mudadii shanta sannadood ahaa ee ay dalka maamulaysay ay dalka ku mashquulisay wada hadalo madhalays ah oo ah sii soco oo soo soco ah, taas oo muujinaysa oo imika shaxdu isku kaayo xidhayso, waxii ay u socdeen in uu yahay arrinkan uun oo heshiiskaas Feb 15keedii 2012kii dhacay sidii loo fulin lahaa uun intaas oo jeer laga shaqeynaayey".Ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen.

Guddoomiyaha Madasha Wada-tashiga iyo Toosinta Qaranka Somaliland Mujaahid Xasan Guure Jaamac oo isna halkaas ka hadlay, ayaa heshiiskan ku tilmamay khiyaami qaran, waxaana uu tilmaamay in uu yahay danbi la galo kii ugu weynaa, isaga oo bulshada Somaliland-na ugu baaqay in ay u diyaar garowdo siddii ay dib-ugu-la soo noqon lahaayeen madax-banaanidooda la iibiyey sida uu hadalka u dhigay.

"Waxa weeye danbi haddii la galo kii ugu weynaa weeye, waa khiyaamo qaran, dastuurkii iyo awooddii la dhigay iyo doorasho ayaa dib u dhacday waxaas oo dhammi wax shaqeynaaya oo macno leh maaha, macnana may lahaateen haddii ay maalin dhacdo, maalin kale may dhacdeen oo macno malaha, laakiin waxan lagu dhegan yahay ee loogu dhaaranayo in aan maalina laga noqonayn maanta taa Illaahay soo saaray weeye ummadana waxaan ugu baaqaynaa in ay u diyaar garowdo sidii ay madaxbanaanideeda dib ugula soo noqon lahayd waa ay iibsantayee, waa ay baxday oo waa ay iibsan tay waxay goysaba, sabab noqon mays hebelbaa sidaas yidhi oo aanu caynkaas ku erinay, waxay ahayd markii uu galay in la qabto oo maxkamad la taago haddii ay iyagu daacad ka yihiin, maaha in la qarqariyo waa khiyaamo qaran, magaca Somaliland-na ninka ku saxeexay Faderaalka ayaan ka mid noqonaynaa isaga oo wasiir ah, waxaa uu wakiil ka yahay dawlada Somaliland, madaxweynaha ayuu wakiil ka yahay haddii aan madaxweynahu ogeyn wasiirkiisu waxa uu qabanaayo dee waxa uu ku maqan yahay la garan maayo".Ayuu yidhi Mujaahid Xasan Guure.