Arrimo Burburiya Awoodda Maskaxeed Ee Qofka (Q:6)

0
547

Hargeysa (Geeska)- Waa qaybtii 6aad ee taxanihii uu Geeska Afrika akhristayaashiisa kula wadaagayey arrimo ay khubarada cilmunafsigu xaqiijiyeen in haddii aanu qofku iska ilaalin ay ku keeni karaan burbur iyo hawlgab ku yimaada awoodda maskaxeed ee qofka.

17. Ha isu dhiibin cabsida: Waa run in dunidu sideedaba ay tahay meel cabsi badan, wax yaabo badan ayaa laga yaabaa in aad sabab uun uga baqato, laakiin marka runta hoos loogu dhaadhaco waxa aad ogaanaysaa in cabsida aad qabto inteeda badani waa mid aan maagal ahayn. Haddii aad dareento in aad shay cusub tijaabiso, tijaabi, oo mushkilad kale ha is tusin, haddii aad cabsi dareentana, waxa aad ogaataa in fashilaadda oo aad ka baqataa ay qudheedu fashilaaddii tahay, fashilaadda oo aad carisaa waa bilowga guusha.

18. Si aan maangal ahayn ha isaga socon: In hawsha aad gelayso aad si fiican ugu diyaar garowdaa, dhaqaaq kasta oo aad samaynaysaana noqdo mid aad hore uga sii baaraan degtay dhib iyo dheef wixii uu yeelan karo, ayaa ah xikmadda iyo awoodda maskaxeed ee ay tahay in qofku ilaashado.

19. Ha diidin in dadku ku caawiyo: Mar kasta waxa aad ogaataa in aad aadame tahay oo wax uun kaa dhiman yihiin, nolosha ayaa ay ka mid tahay in wax aad hayso uu qof kale u baahan yahay, wax kaa maqanina qof kale la jiraan. Hawl kasta kelidaa ma qaban kartid, mar kastana dadka kugu xeeran gacan iyo garab istaag ayaa aad uga baahanaysaa. Ku dadaal in aad noqoto qof bulshada ku xidhan, caawimada ay u fiyaan aqbala, markiisana abaalka celiya oo caawimo fidiya, haddii kale culays kasta keli ayaa aad ku noqonaysaa, aakhirkana waa aad maax dumaysaa.

20. Wax kasta oo lagaa dalbado ha samayn: Waqtigaagu waa uu kooban yahay, aadna u xaddidan yahay. taas qof kastaa waa uu og yahay, laakiin qofka xikmadda badani waa kan barta sida ugu fiican ee uu waqtigiisa u maamuli karo, sida ugu midho dhalka badan ee uu waqtigaas kooban uga faa’idaysan karo. Ku dadaal in waqtigaaga aad ku isticmaasho hawlo iyo arrimo muhiim ah oo keliya, haddii aad ogtahay in hawsha aad qabnaysaa aanay muhiim ahaynna weligaa waqti ha ku lumen, waayo hawl aad og tahay in aanay muhiim ahayn guul kama gaadhi kartid, waqtigaaga koobanina waxa uu ku fiican yahay in aad uga faa’idaysato guul gaadhis. Dhammaad