Dr. Maxamed Cabdillaahi Oo Ka Hadlay Mawqifka Somaliland Ka Qaadatay Dagaalada Yemen, Aragtida Beesha Caalamka Ee Doorashooyinka Iyo Xidhiidhka Uu Madaxweynaha La Leeyahay

0
458

Picture7Hargeysa(Geeska)-Wargeyska Geeska Afrika ayaa waraysi la yeeshay wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, kaas oo uu kaga hadlay arrimo ay ka mid yihiin aragtida beesha caalamka ee doorashooyinka Somaliland, mawqifka ay dawladda Somaliland ka qaadatay duqaynta isbahaysiga Sucuudigu hoggaaminayaa ka fuliyeen Yemen iyo arrimo kale.

Dr. Maxamed Cabdillaahi, oo ku sugan magaalada Nayroobi ee dalka Kenya oo uu u joogo shaqo uu Midowga Afrika u magacaabay isaga iyo khubaro kale oo ah xalinta khilaafaadka qaaradda Afrika, waxa ugu horayn uu Geeska Afrika weydiiyay sida uu u arko dagaalada Yemen ka socda iyo mawqifka ay Somaliland ka qaadatay, waxaanu isagoo sharaxaya arrintaas uu yidhi, “Dagaalka ka socda dalka Yemen waxaan u arkaa mid saamayn toos ah ku yeelanaya Somaliland. Yemen waa dal ay ganacsati badan oo reer Somaliland ahi ay xoolaha nool u iibgayso,  badeecado kalana ay iswaydaarsadaan, sidaa awgeed Somaliland haddii dagaalku sii socdo waxy waayaysaa xidhiidhkaa ganacasi ( Tradding partner) ee muhiimka ah. Dhinaca kale Somaliland iyo Yemen was wadamo isku dhaw oo aan kale fogayn, haddii dagaalka  Xuutiyiinta sii xoogaysto waxay keeni kartaa in qaar ka mid ah kooxaha Islaamiyiinta mayalka adag ee ka dagaalama Ciraaq iyo Suuriya iyo Yemen ay soo Dhaafaan badda cas oo u soo gudbaan Somaliland iyo Somalia, oo ay ku biiraan Alshabaabta buuraha Galgala ku jirta. Arrimtaasi of Khatar nabadgalyo oo cusub u leh mandaqadda ay Somaliland ka tirsan tahay oo dhan.”

Maxamed Cabdillaahi oo ka hadlaya sida uu u arko mawqifka ay Somaliland ka qaadatay wuxuu yidhi “Go'aanka ay ka qaadatay xukuumadda Somaliland arrinta Yemen wuxuu iila  muuqdaa mid sax ah oo ay ku tageerayaso mawqif ka dawladaha Carabtu qaateen. Haddii ay  Somaliland doonayso in loola dhaqmo sidii dawlad, waa Inay iyaduna  u dhaqanataa sida dawladahu u dhaqmaan, oo go'aankanina wuxuu muujiyay go'aan dawladeed. Haseyeeshee waa go'aan khatarihiisa leh marka la eego dhinaca nabadgalyo waayo haddii loo ogaalado hawlaha  dawlada Sucuudigu doonayso waxay taasi Somaliland sI toos ah uga dhigaysaa dhinac  ka mid ah dagaalka, oo khatar yeelan karta.”

Dr. Maxamed Cabdillaahi, waxa la weydiiyay hadal uu dhawaan sheegay oo ay dad badani siyaabo badan u turjunteen, kaas oo uu ku sheegay in Beesha caalamku xiisaynayso inay doorashooyinku wakhtigooda ku qabsoomaan, wuxuu yidhi  “Dhinca doorsshada, inkastoo Guddiga Doorashooyinku sheegeen in dibudhac iman karo, wadamada Somaliland ka taageera dhinaca dooroshooyinku waxay  leeyihiin waa in doorashadu dhacdaa sanadkan 2015 gudihiisa. Waa arrin u baahan in seddexda xisbi si wadajir ah uga wada tashadaan, oo aanay dalka  khilaaf ku keenin. Caalamkana ay u  sheegaan waxa ay heshiis ku yihiin.”

Isagoo ka jawaabaya su’aal laga weydiiyay in hadalkiisani muujin karo inay Madaxweyne Siilaanyo kala fogaadeen wuxuu yidhi “Aarrinta ku saabsan xidhiidhkaa aniga iyo madaxwayanaha ee aad i waydiisay, waxaan leeyahay xidhiidhkayagu waa xidhiidh wanaagsan. Markii hore aniga iyo madaxwaynahaha waxaanu kawada shhaqayn jirnay xukuumadda, haddana waxanu kawada shaqaynaa nabadaynta iyo xallinta khilaafaadka mandaqadda uu madaxdeeda ka midka yahay.”

Maxamed Cabdillaahi oo la weydiiyay hankiisa siyaasadeed oo uu hore u tibaaxay inuu beegsanayo hoggaanka dalka wuxuu yidhi  “Qorshahayga siyaasadeed waxaa ka mid ah in aan hoggaanka dalka ku guulaysto anigoo aaminsan inaan horumar muuqdaa ku biirin karo.”

Ugu dambayn waxa uu Maxamed Cabdillaahi ka jawaabay sida uu u arko safiirada uu Madaxweyne Siilaanyo xilalka ka qaaday iyo kuwa uu u magacaabay Kenya iyo Djibouti, waxaanu isagoo arrintaas ka hadlaya uu yidhi, “Safiirka Jabuuti Somaliland u fadhiyay wuxuu soo gudbiyay codsi ah in doonayo inuu shawada ka tagayo muddo sanad iyo badh ka hor ah, wakiilka Kiiniya na  wuxuu ku maqnaa xanuun waxaanu doonayay inuu booska baneeyo.  Markaa isbedel la sugayay muddo ayay ahaayeen. 

Laba dal waa u muhiim Somaliland.  Gaar ahaan Kiiniya oo ah meel Diplomaasiyiinta shisheeye ee joogaa ay saamayn wayn ku leeyihiin Somaliland, loona baahan yahay inay Somaliland mar kasta ka muuqato.”