Tuulihii Ay Deggenaayeen Qawmkii Nebi Luud (CS) Ee Dhaqan Xumada Lagu Hallaagay Oo La Helay

0
671

Picture7Cammaan (Geeska)- Culimada Ataarta iyo daba-galka hadhaadiga taariikhiga ah ayaa meel ku dhow tuulaha Tel Xamaam ee dalka Urdun waxa ay ka heleen tuule aasmay oo la aaminsan yahay in ay tahay magaaladii ay deggenaayeen qawmkii loo soo diray Nebi Luud oo qisadooda lagu sheegay Qur’aanka Kariimka ah iyo xitaa kutubta kale ee Samaawiga ah.

Stephen Collins oo hoggaaminayey xeeldheerayaasha baadhista aataarta ayaa sheegay in tuulahan ay heleen taariikhdiisu ku siman tahay muddo hadda laga joogo illaa 3500 oo sano, ka hor dhalashadii Nebi Ciise (CS), taas oo macnaheedu uu yahay in tuuladani ay jirtay in ka badan 5500 oo sano ka hor. Xeeldheerayaashu waxa ay sheegeen in tuuladani ay u muuqato in ay ahayd xarun ganacsi oo muhiim ah oo saaran webiga Urdun, raadadka la arkayaana waxa ay muujinayaan in uu dadkii deggenaa si aan xamaam urursi lahayn oo deg-deg ah ay uga haajireen.

Sida ku Cad Qur’aanka Kariimka ah Alle (SWT) ayaa tuuladan dadkii deggenaa ku ciqaabay dhagax samada kaga soo daatay, waxaana dadkaas ka badbaaday oo keliya Nebi Luud (CS) iyo qoyskiisa oo aanay ku jirin afadiisii oo iyaduna ka mid ahayd dadka la ciqaabay. Waxaa sidoo kale qisada sidan ama si aad ugu dhow uga waramay kutubta Alle ee diimaha kale loo soo dejiyey, sida Injiilka iyo Cahdiga hore.

Collins waxa uu intaas ku sii daray, “Degaanka Tel Xamaam waxa ay aad ugu eeg tahay tilmaamaha uu kitaabka Injiilku ka bixiyey tuulaha Qawmkii Nebi Luud (SC)” warkan oo ay faafisay majaladda Popular Archaeology waxa uu intaas ku si idaray in tuulahan a ku wareegsan yihiin minaarado iyo deyr aad u dheer, oo sida muuqata dhismihiisa ay ka qayb qaateen Malaayiin shaqaale ah oo dhagax adeegsanayey, waxa uu tuuluhu leeyahay jid halbawle ah iyo fagaarayaal dhowr ah. Warkan oo uu Geeska Afrika Afsoomaali u rogay ayaa uu Xeeldheere Collins ku sheegayaa in baadhitaannada marka la eego ay u muuqato in tuulahan uu ka dhacay dhul gariir, halka xeeldheerayaal kalana ay baadhitaankan kadib kaga doodeen in tuulahan uu ku dhacay meere yar oo burburiyey.