Arrimaha Maadayska Noqday Ee Kulanka Guud Ee Qaramada Midoobey Ka Dhacay 70 Sano Oo Ay Jirtay (3)

0
658

Picture8New York (Geeska)- Waa qaybtii saddexaad ee qormadii uu Geeska Afrika ku soo ururinayey qaar ka mid ah dhacdooyinkii ugu xiisaha badnaa ee ka dhacay qaramada midoobey oo hadda uu socdo kulankeedii guud oo ah kii ay ku 70 jirsatay, innaga oo ku bilaabayna sidii ay u kala horreeyeen:

2006 – Hugo Chavez

Hoggaamiyihii hore ee dalka Venezuela oo caan ku ahaa mucaaradadda siyaasadaha reer galbeedka ee uu Maraykanku calanka u sidaa waxa uu talada dalkiisa hayey 11 sano oo u dhexeysay 2002dii illaa 2013kii oo uu u dhintay wadne istaag lagu xidhiidhiyey cudurka Kansarka oo uu labadii sano ee noloshiisa u dambeeyey la tacaaayey.

Sannadkii 2006dii, ayaa Hugo Chavez oo jimciyadda guud ee Qaramada Midoobey ka qayb galayey waxa uu ka jeediyey khudbad dheer oo si aad u fool xun uu ugu weeraray madaxweynihii markaas ee Maraykanka George Bush kii yaraa iyo guud ahaan siyaasadaha Maraykanka.

Khudbaddan oo dadkii fadhiyey qaar ku tilmaameen in ay ahayd masraxiyad, kuwo kalana u qaadan waa ku noqotay, ayaa Chavez intii uu hadlayey waxa uu sitay calaamadda Iska-tallaabta ah ee Kiristanka (Mucatab), waxa uu hadalladiisa u dhigay qaab diini ah, “Shaydaan jidh aadame isu yeelay, ayaa ur aad u qadhmuun kaga tegey gudaha hoolkan golaha guud ee Qaramada Miidoobey” ayaa uu yidhi isaga oo u duur xulaya Buch oo isaguna maalin ka hor khudbaddii dalkiisa isla masraxaas ka jeediyey. Chavez oo hadalkiisa sii watay ayaa yidhi, “Khudbaddaas Bush waxa aynu u bixin karnaa, Kitaabkii cunto karinta Shaydaanka”

Chaves oo khudbaddiisan ay ka dareereen ergadii Maraykanka iyo Israa’iil waxaa si aad ah ugu sacabbiyey dalalka ka soo horjeeday siyaasadihii Bush. Isaga oo weli sii waday weerarkii afka ee uu ku qaaday Bush waxa uu Chavez khudbaddii madaxweynaha Maraykanku hortii jeediyey ku sheegay in ay jawiga oo dhan ka dhigtay mid aad u qadhmuun oo aad mooddo in beed qudhmay yaallo, “Maanta ayaa uu ina barayaa sida aynu u noolaanayno, waxa aanu u heellan yahay in uu dunida oo dhan gacanta ku dhigo” ayaa uu Hugo Chavez ku yidhi Bush.

2009 – Mucammar Al-Qaddaafi:

Mucammar Al-Qaddaafi oo dhashay sannadkii 1942kii, uu talada dalkiis hayey in ka badan 42 sano oo ku ekaa sannadkii 2011kii markii kacdoonnadii gu’ga carabta oo isu beddelay jabhado hubaysani ay xukunka ka tuureen muddo gaaban kadibna isaga oo baxsi ah inta ay maleeshiyo kooxaha kacdoonka ka mid ahi heleen ay si fool xun u khaarajiyeen.

Qaddaafi waxa uu ahaa keli-taliye aad ugu qallafsan shacabkiisa, waxa aanu ahaa hoggaamiye carbeed oo muslim sheeganayey, laakiin marar badan si aad u fool xun u weeraray diinta Islaamka, si kastaba ha ahaato ee dad badan ayaa aaminsan in Qaddaafi uu ahaa n in sidiisa kale u maskax badan, waxa uu lahaa fikirka lagu curiyey Midowga Afrika oo uu isagu ku riyoonayey in ay hal-dawlad aakhirka isugu yimaaddaan.

Sannadkii 2009kii ayaauu Mucammar Al-Qaddaafi ka qaybgalay kulankii guud ee Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa, waxa aanu jeediyey khudbaddii dalkiisa oo uu si adag ugu dhaliilay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey oo u xidhan dalalka awoodda badan oo keliya. Khudbaddiisa oo aad u dheerayd intii uu waday waxa uu si badheedh ah u jeex jeexay kadibna dhulka ugu tuuray axdi qaramada Midoobey ku dhisan tahay oo uu gacanta ku sitay, kuna sheegay in uu sabab u yahay cadaalad darrada iyo fadhiidnimada Qaramada Midoobey.

In kasta oo Qaddaafi loo ogolaa in uu hadlo 15 daqiiqo oo keliya balse waxa uu hadlay in ka badan 2 saacadood, taas oo sababtay in aakhirkii turjumaankii tooska ahaa ee hareer taagnaa uu sii wadi kari waayo daal dartii. Turjumaanku markii uu Qaddaafi oo afcarabi ku hadlayey hadalkiisa Afingiriisi u turjumayey muddo 75 daqiiqo ah, ayaa inta uu cod dheer ku qayliyey waxa uu yidhi, “Intaas ka badan ma awoodayo” waanu miyir belay oo dhakhtar ayaa loola cararay. Ereyada khudbaddaas Qaddaafi xusuusta u galay waxaa ka mid ahaa magaca uu u bixiyey golaha ammaanka qaramada midoobey oo uu ku sheegay, “Golaha dagaalka iyo cabsi gelinta” La soco…