Nuxurka Khudbadihii Samaale, Maxamed Biixi Iyo Kijaandhe Ee Isugu Jira Digniin, Farriin Iyo Dardaaran

0
525

Picture6Hargeysa(Geeska)-Munaasibad hadhimo-sharafeed ah oo taageero loogu muujiyay saddexda murashax ee Maxamed Biixi Yoonis, Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo Axmed Cabdi Kijaandhe ayaa shalay lagu qabtay hoteelka Guuleed. Saddexdan murashax ayaa ka mid ah murashixiinta ku tartamaysa xisbiga KULMIYE si loogu doorto murashaxa madaxweyne ee doorashooyinka 2017.

Munaasibadan oo ay ka qayb galeen dhawr boqol oo qof oo ay ka mid ahaayeen golaha dhexe ee KULMIYE in badan oo ka mid ah, xubno guddiga fulinta ka tirsan, wasiiro, xildhibaano,  salaadiin iyo dadweyne kale, ayaa waxa laga jeediyay hadalo. Kulanka ayaa markii hore qorshihiisu ahaa in lagu qabto hoteelka Maansoor, waxase lagu baajiyay amar la sheegay inuu bixiyay madaxweyne-xigeenku.

Wasiirada Madaxweyne Siilaanyo qaar ka mid ah, xildhibaano iyo xubno ka tirsan hoggaanka xisbiga, ayaa hadalo ay halkaas ka jeediyeen waxay ku cambaareeyeen talaabada lagaga joojiyay hoteelka ay kulanka ku qabsanayeen, iyagoo sidoo kale ku baaqay in maamulka qaban qaabada shirka KULMIYE laga dhigo mid ka madaxbanaan murashixiinta tartamaysa.

Wasiir Maxamed Biixi Yoonis

Wasiirka arrimaha dibadda Maxamed Biixi Yoonis oo ka mid ah murashixiinta tartamaysa, ayaa khudbad uu halkaas ka jeediyay, ayaa sheegay inuu wadanku u baahanyahay horumar dhaqaale iyo siyaasadeed,  “ILLAAHAYOOW haddii uu kursigaasi khayr iigu jiro I sii haddii aanu igu jirina iga daa, Saddexdaydaa Musharaxa iyo Musharaxyada doonaya inay u tartamaan jagada Musharaxa Madaxweyne ku xigeen intayduba waxa aanu ku suntanahay kuna tilmaamanahay in aanu Shuruucda Wadanka u hogaansano iyo Shuruucda Xisbiga oo aanu tartan xalaala galno, waxa aanu leenahay Xisbiga Wadanka xukunkiisa haya ee Kulmiye waa xisbul xaakimki inuu jiro oo uu guulaysto oo uu ka badiyo labada xisbi ee kale ayaanu doonaynaa, waxa aanu doonaynaa inuu xisbigeenu soo baxo, oo aynu noqono Xisbiga taladda haya ee marka uu ka tago ama ay ka dhamaato Madaxweynaha maanta Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), in wixii uu ka tagay halkaas ka sii qaadno,waxa aanu is leenahay Xisbigu wax badan ayuu qabtay, Xukuumaddu wax badan ahey qabatay waxa aanu is leenahay Kulmiye ninkii ka soo baxaaba halkaas ayuu ka sii qaadi doonaa.”

wuxuu Maxamed Biixi Yoonis, intaas raaciyay oo uu sheegay inuu isu arko hoggaamiye haddii la doorto wax badan qaban kara  “Anigu shaqsiyan haddii aan fursadaas helo waxa aan is leeyahay Maanta wadankani halka uu jooogo hore ayaad uga qaadi kartaa, Wadankani waxa uu u baahan yahay Maanta horumar, Dhaqaale, Nabad, Nabad baanu ku baaqaynaa,aniga iyo asxaabtayduba Nabad ayaanu ku baaqaynaa, colaad dambe iyo qakh Umaddani diyaar uma ah, ogalaan maynana in Nin maroorsado oo uu yidhaahdo wax baan dilayaa wax aanu aqbali karayno maaha.”   

Kijaandhe

Xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe oo isna ah murashax, ayaa yidhi “Waxa aynu doonaynaa inaynu sameyno Madaxweynihii ama Hogaamiyihii barito, maaha arin xun ama arin aynu cid ku xumaynayno, waxa taas weheliya oo aynu ku daraynaa Xisbigeeni oo ka leexday dariiqi ayeynu doonaynay inaynu ku soo celino,  waa labadaas arimood labada arimood ee aynu iskugu nimid, runtii labada arimoodba waxa ay ka mid yihiin dhisitaanka Qaranka hagaajintiisa iyo wanaajintiisa, waxa aynu doonaynaa inaynu doorano Ninkii dalkan hogaamin lahaa,waxa aan rumaysan ahay in Ninka Musharaxa ah ee ka soo baxa Kulmiye, inuu u dhaw yahay boqolkiiba Sagaashan (90%), Madaxweynihii barito, ilayn waa Xisbigaygiiye, dabadeed weynu ka fiirsanaynaa,Ninkii hogaamin lahaa ayeynu dooraynaynaa, nidaamka muhiimka ah ee dalkan iyo caruurteena soo socota, boqolka sanno ee soo socda, muhiimka u ah inaynu doorano ayeynu doonaynaa, hawl yar maaha.” Wuxuu intaas raaciyay, “Nin musharaxa ah oo aniga oo kale ah ayaa Xisbiga hawl maalmeedkiisi gacanta ku haya, baaqa aan diraya waxa weeye ha iska leexiyo oo dadkii ku haboona ee dhex dhexaadka ah hawshaas ha loo daayo, baaqa aan u dirayaa kaa weeye, waxa aan marti u ahay oo aan doonaya madal aan ka calaf qaado oo  xalaal ah.”

Cabdicasiis Samaale

Wasiirkii hore ee maaliyadda Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale, oo ah murashax madaxweyne, ayaa isna khudbad uu halkaas ka jeediyay wuxuu aad ugu dheeraaday in xisbiga si xalaal ah loogu tartamo isagoo xusay in haddii tartan xalaal ah lagaga guulaysto uu natiijada aqbalayo. “Anagu waxa aanu nahay Musharixiintii u taagnayad Jagada Madaxweynaha ee Xisbiga Kulmiye, Doorashaduna waxa ay ku xidhan tahay inta halkan fadhida iyo inta kale ee ka maqan, inta aad idinku u doorataan ayaa noqon doonta Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga Kulmye, anigu shaqsiyan Cabdicasiis ahaan waxa aan diyaar u ahay Golaha dhex ee aan ka tartamayo go’aanka ka soo baxa marka si cadaalada ah loogu tartamo diyaar ayaan u ahay in aan aqbalo, waxaad ka warantaan haddii uu tartanba dhici waayo, waxaad ka warantaan ilayn waatan imikaba la tartamayo ee munaasibadaha la sameeynaye qof walba si ayey aragtidiisu tahay oo si ayuu wax u arkaayeeye,marka aniga oo masuul qaran oo ah aragtidaydu qabyaalad ku dhisan tahay, ee aragtidaydu qoys ku dhisan tahay, ee aragtidayidu xoog ku dhisan tahay, ee aragtidaydu juujub ku dhisan tahay, ee aragtidaydu tikniko ku dhisan tahay, sidaas meel ma ku gaadhi karaa?.”

Cabdicasiis Samaale, wuxuu sheegay inaanay saddexdoodan murashax cid gaar ah cod ka doonayn balse ay ka doonayaan guud ahaan shacabka, “Somaliland waa Qaran midaysan, waa farxad noo ah aniga iyo walaalkay Axmed Cabdi Kijaandhe iyo walaalkay Maxamed Biixi Yoonis,   waxa aanu Somaliland shacabkeeda iyo dawladda Somaliland iyo Qaranka Somaliland, iyo Xisbiga Kulmiye iyo Golaha Dhexse ee Kulmiye iyo Guddida fulinta ee Kulmiye in intaba aanu kala xishoonay in aanu qabiil qabiil iyo jees jees idiin kulmino, waxaan taas u arkaynaa  inay qofka hoos u dhigayso ayaanu aamisanahay, xaqiiqatan saddexdayda iyo walaalahayga kale ee Musharixiinta kale ee Madaxweyne ku xigeen iyo Golaha dhexe walaalkay Cabdiraxmaan Cismaan Caalin intayda oo runtii Musharixiin ahi waanu kari karaynay in todoba munaasibadood oo munaasibad walba shan boqol ama Saddex boqol ama afar boqol oo qof loogu yeedho oo Saddex ama Labaataan ama Konton Golaha Dhexe ahi ku jirto, hadda waa toban munaasibadood afar xildhibaan ayaa la tafsiilinaya, bal u fiirsada Saddex Qof oo Golaha Dhexe ah ayaa lagu soo darayaa markaas ayaa la leeyahay haddii aanu nahay qabiilka iyo reerka reer hebel, waxa aanu taageeradayada siinaynaa hiil iyo hooba musharaxa Cabdicasiis Samaale, kuma kalsooni markaas Golihii dhexe, kuma kalsooni Xisbiga Kulmiye ee aan ka tirsan ahay, kuma kalsooni Guddida Fulinta, kuma kalsooni masabka iyo shaadhka aan xidhahay, intaba kalsooni kuma qabo, waxa aan rabaa in aan musharax ku noqdo qasab iyo juujuub , waxaana rabaa in aan qasabka iyo juujuubka aan Madaxweyne ku noqdo.”

Cabdicasiis Samaale, wuxuu sheegay oo uu intaas raaciyay, “Xisbiga Kulmiye maraaxiil badan ayuu soo maray, mararka qaarkood ayaa la faana dad baa faana, meelahaas ayaanu ka dhegaysana, markaas haddii aan bahasha la isku markhaati furayn oo waxa la iskaga markhaati furayaa aanu jirn soo dhibaato maaha, nin baa hadlaya oo odhanaya Xisbiga Kulmiye waa loo soo dhintay waa loo soo halgamay, waanu soo aasaasnay,waa kan, oo marka aad weydiiso goorma ayaad Xisbiga ku soo biirtay Urur kale ama Xisbi kale oo uu ku jiray ayaa ka soo burbaray oo boodhka lagu soo qasay marka Xisbiga Kulmiye;  Kulmiye noqday  dabadeed ayuu yimid, haddaba goorta aad doonto kaalay, xisbiga aad doonto ka kaalay, ururka aad doonto ka kaalay, inaga oo walaal ah oo aan kala sheegan oo kaaba sheeganayn ma tartanaa, bal waxa aad ka warantaa marka kaas Ururku ka soo burburay marka uu leeyahay kan Raggii soo aasaasay marka uu leeyahay ha igula tartamina.”

Wuxuu Cabdicasiis Samaale soo hadal qaaday munaasibadan oo ay ku qabanayeen Maansoor oo laga joojiyay, waxaanu yidhi “Waxa aanu leenahay haddii ay maanta ahayd in wax la joojiyo oo lala dagaalamo waxa ay ahayd in Munaasibadaha  in Wasiirada ama Masuuliyiinta Qaranku tagayaan ee qabyaalad aan qiimaha lahayn lagaga hadlaayo in la joojiyo ayey ahayd, waxa ay ahayd in haddii aynu wax joojinayno in wixii dhaqankeena iyo akhlaaqdeena xumaynaya inaynu joojino, maanta oo ay Munaasidu Somaliland oo dhan kulminaysay oo aanay cidi ka maqnayn sheekh iyo shariif marwo Rag iyo Dumar aanay cidi ka maqnayn dhalinyaro iyo waayeel oo aan xumaan Xukuumaddeena , Dawladeena iyo Xisbigeena midna ka sheegayn munaasibadii Tikinikada loo dalbanaayey may ahayd, Musharixiinta tartamaya sida ay wax ku kala doonayaan ayey caddeeysay taasi, qofka qori ama xabad wax ku doonayaa ee tiknikada galiya waxa aanu leenahay  wey soo dhaaftay wakhtigaas, waxa aan leeyahay Somaliland waa Somaliland la wada leeyahay, waa Somaliland aynu wada leenahay, waa Somaliland aan la kala lahayn, oo u gudubtay Xisbinimo oo Dimuqraadiyada qaadatay.”