Wasaarada Ganacsiga Oo Xaqiijisay Wareejinta Haamaha

0
464

Picture1Hargeysa(Geeska)-Wasiirka wasaaradda ganacsiga Somaliland, Muuse Qaasim, ayaa shalay rasmi ah u cadeeyay in haamaha keydka shidaalka ee Berbera, ee muranku ka taagnaa, loogu wareejiyay shalay lix sharkadood oo gaar loo leeyahay oo xukuumadu ka kireysay.

Wasiirka oo war kooban siiyay weriye Axmed Siciid Cige oo BBC ka tirsan,  wuxuu sheegay in shirkadahan lixda ah oo horeba u keeni jiray shidaalka Somaliland, ay wasaaradda ganacsigu ka kireysay haamaha shidaalka ee Berbera muddo labaatan sano ah.

Wuxuu sheegay in wasaaradu yeelaneyso awoodda kantaroolka iyo hubinta tayada shidaalka soo gelaya dalka. Faah-faahi kale ma bixin wasiirka ganacsigu.

Xafladda shalay ka dhcday magaalada Berbera ee keydka haamaha shidaalka lagu wareejinaayay ganacsatada, ayaa loo diiday saxaafadda, waxaana magaalada Berbera la geeyay ciidan dheeraad ah.

Sida laga warqabo, hore, ayaa baarllamaanka Somaliland cod aqlabiyad ah ku diiday in haamaha keydka shidaalka ee Berbera lagu wareejiyo ganacsato gaar ah, oo aan tartan furan u soo marin.