Arooskii Aqoonsiga Ardaaga Keenay:- Qaybtii Koowaad By:- Qaasim

28
1235

taajir99999Hargeysa (Geeska)- Waa goor fiid cawl ah. Waxaa la xidhay jidka dheer ee hor mara aqalka madaxtooyada Somaliland. Labada dhinac ee bari iyo galbeed waxaa la tubay ciidan ku labisan suudhadh iyo qoryaha noocyadooda kala duwan. Baabuur gaashaaman oo ay ku dhex jiraan ubax casaan iyo cagaar ahi ayaa ka ag muuqda laamiga hereerihiisa. Madax tiro qiyaas la’aan ah ayaa dadka la casuumay dhoollo cadayn ku soo dhawaynaya, una kala qaybsan rag iyo dumar. 

 

Dhamaantood diyaar ayey u yihiin qayb ka qaadashada arooska madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), kaas oo caawa Afrika, Eeshiya, Yurub iyo Ameerika looga soo ciyaar guday. 

Toddobaad ka hor ayey ahayd markii la shaaciyey in madaxweynuhu caruus yahay badhtamaha bishan, waxaase yaab iyo u qaadan waa ay ku noqotay cid kasta oo Somaliland cilaaqad la leh. Warbaahinta dunida ayaa qaada dhigtay in uu caruus yahay madaxweynuhu. Sidaas darteed caalamkuba saf dheer ayuu soo galay. Qaarbaaba u soo kala dheereyey ka qayb qaadashada qabanqaabada caruuska. 

Waddamo aan Somaliland waligood soo caga dhigan ayaaba damac galay, qaar kale oo carabtu ay ka mid tahay ayaaba boqor inay soo diraan ku dhawaaday, intaas wakhtiguna wuu is gurayaa. Maalinba maalinta ka danbaysa dalka waxaa ku soo qulqulaayey dad mataalayey waddamo martiqaad loo fidiyey, waxaase qaday kuwo jaanis loo waayey. 

Toddobaad inyar la’a ayaa Somaliland mooyee caalamku wax kale hadal haynin, jaraa’id iyo tv kasta ayaa bogga hore ku soo dhajiyey sawirka madaxweynaha somaliland, mareegaha online ka ahna hadalkoodaba daa. Mid kastaana wuxuu u samaystay ciwaan aanu aroos ka maqnayn. 

Warfidiyeenno ka socda caalamka ayaa Hargeysa buuxdhaafiyey, madaarkii magaalada Hargeysa ayaa dadkii kala qaadi kari waayey. Dadkuse waxay ka soo kala dageen saddex madaar oo laba ay yihiin madaarka Berbera iyo madaarka Burco.  

Dadka gudaha Somaliland ku nool waxay ku noqotay dhabannohays iyo fajac arooska madaxweynaha ee ay qabanqaabadiisu socoto.  

Wasiirrada, agaasimayaasha, madaxda dawladda ayaa isku hirdiyey cidda milxiis u noqon lahayd caruuska. Garse waa loo wada islaam ciddii agtiisa soo fadhiistana waa la wada arki. Sidaas ayuu qof kastaaba naftiisa kula sheekaystay. 

Waddamada casuumada loo fidiyey dhanka qaaradda Afrika ayaa sidan u soo kala horreeyey. Jabuuti, itoobiya, Koonfurta Suudaan, IGAD, AU-da oo aan waligeed Somaliland soo eegin ayaa caawa safarka hore ee marti qaadka ku jirta, waxaase aan madasha ka maqnayn Kuwayd.

Dhanka waddamada reer galbeedka waxaa mudnaanta koowaad la siiyey Boqortooyada Ingiriiska, Denmark, Norway, Iswiidhan, Finland, Maraykan, Kanada. 

Saddex dal ayey madaxweynayaashoodu ka soo dageen Garoonka Diyaaradaha ee Cigaal, midi wuxuu ahaa madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo maamula dalka Somaliland ugu dhaw. 

Maalintii u danbaysay ee dadkii casuumada loo fidiyey soo gaadheen magaalada Hargeysa, waxaa guud ahaan dalka laga wada dareemay dhaqaale meel uu ka yimi la qiyaasi kari waayey, ganacsiga ayaana xawli noqoday. 

Waxaa la bilay madal qiimo iyo maamuus ku fadhida, taas oo qiyaas ahaan loogu tala galay in ay qaaddo tiro markaas aan ku qiyaasay shan kun ilaa shan kun iyo shan boqol oo qof, dhererka iyo ballaca hoolkaas waa mid aan hore loo arag, siday ishu qabtay. 

Hoolka qayb ka mida waxaa si gaar ah loogu diyaariyey marti sharafta caalamka laga soo casuumay, waxay fadhiyaan meel loo habeeyey, oo aad mooddo in loo nashqadeeyey sida kuraasta qaramada midoobay loo duubay oo kale. Dhamaantood waxay sitaan oo ay ku labisan yihiin dhar aad mooddo in warshad gaar ahi soo raacisay, waxayse u badan yihiin suudhadh madaw iyo kuwo dameeri ah. 

La Soco Qaybta Labaad Ee Arooska Madaxweynaha

 

W/q Ibraahim Cabdiraxmaan Qaasim

Qaasin05@hotmail.com

Comments are closed.