Madaxweynaha Oo Tacsi U Diray Qoyska Uu Ka Baxay Marxuum Cabdiraxmaan Axmed Muuse Oo Guurtida Ka Tirsanaa

2
1062

 

 

P1030738Hargeysa (Geeska) Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa dhamaal tacsiya u diray qoyska iyo qaranka Somaliland ee uu ka baxay Marxuum Cabdiraxmaan Axmed Muuse oo ka tirsanaa golaha guurtida jamhuuriyada Somaliland oo ku geeriyooday dalka Itoobiya.

 

Madaxweynuhu wuxuu sidaan ku yidhi qoraal ka soo baxay xafiiska af hayeenka madaxtooyada, taas oo soo gaadhay qaybta war qabadka ee wargeyska Geeska Afrika, waxaanu yidhi

Date: 19/05/2011

 

Tacsi

 

Madaxweynaha JSL. Mudane: AXMED MAXAMED MAXAMUUD (SIILAANYO) waxa uu tacsi u dirayaa Golaha Guurtida JSL, Qoyskii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Shacbiga reer Somaliland ee uu Ka Baxay MARXUUM CABDIRAXMAAN MAXAMED MUUSE oo ka mid ahaa Xildhibaanada Golaha Guurtida oo ku Geeriyooday Dalka Ethiopia. 

Madaxwaynuhu wuxu  Illaahay uga baryayaa Marxuumka inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii iyo Dhamaan Shacab-ka Reer Somaliland ee uu ka baxay Marxuunku uu samir iyo iiman ka siiyo. 

 

 

IN-NAA ILLAAHI WA IN-NAA ILLAAHI RAAJUCUUN

 

Xafiiska Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

 

Wargeyska Geeska Afrika.

 

Comments are closed.