415 Arday Oo Ka Qalin-jabiyey Jaamacadda ADMAS

2
543

Picture1Hargeysa (Geeska) – Jaamacadda ADMAS oo ka mid ah Jaamacadaha laga leeyahay dalka Itoobiya, ayaa waxa toddobaadkii hore ka qalin-jabiyey 415 arday, oo noqonaya dufcaddii shanaad ee wax ka barata, waxaana ardaydaasi shahaadooyinkoodii guddoonsiiyey Madaxwaynaha Somaliland oo Munaasibadooda ka qayb-galay.

Xafladii qalin-jabinta dufcadii shanaad ee Jaamacadda ADMAS oo lagu qabtay Huteelka Maansoor ee Magaaladda Hargeysa. Waxa kale oo ka qeyb galay Wasiirro, Xildhibaano, aqoon yahano iyo dadweyne tiro badan.

Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo khudbad ka jeediyay xafladaasi ayaa ugu horayn bogaadiyay ardayda qalin-jabisay oo uu ku tilmaamay kuwo aqoon u soo kordhin kara dalka, waxaanu yidhi “Waxa sharaf weyn ii ah inaan ka soo qeyb gallo xafladan qiimaha iyo qaayaya leh oo intaas oo arday ah oo dalka wax ku baratay oo dalka wax u baratay ay maanta ku qalin-jabisay waxaanan rajaynayaa inay noqdaan qaar dalka iyo ummaddaba anfaca. Marka u horraysa waxaan idiin soo jeedinayaa hambalyo, ILAAHAY-na waxaan ka baryayaa inuu idinka dhigo kuwii dalka iyo dadkaba anfaca ee waxtara dalka.”

“Waxaan idiin rejaynayaa inaad fursad u heshaan oo aad wax-qabataan, idinka oo ah Hoggaamiyeyaashii mustaqbalka dalka. Waxaan hambalyo iyo ammaan aad u balaadhan-ba u dirayaa macalimiintii, maamulkii iyo cid kasta oo gacan ka geysatayba waxbarashadiina”ayuu yidhi Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

Guddoomiyaha Jaamacadda ADMAS qeybteeda Hargeysa Ixsaan Cumar Ismaaciil oo ka hadlay xafladaasi ayaa dhambaal hambalyo ah u diray ardayda ka qalin jabisay jaamacadda ADMAS, waxaanu tilmaamay in dufcadan oo ahayd tii shanaad ee ka baxda jaamacadda ay wax ka barteen kulliyaddaha Ganacsiga, Maamulka iyo Maareynta, IT-ga iyo kuwo kaleba.

Guddoomiyaha Jaamacadda ADMAS waxa uu sheegay in ardaydani ay dedaal badan sameeyeen mudadii ay waxbaranayeen “Jaamacadda ADMAS waa Jaamacad leh tayo iyo waxbarasho lagu soo hiran karo maantana waxaan u fadhinaa daadihinta dufcaddii 5aad ee ka qalib jabisay Jaamacadda ADMAS” ayuu yidhi Gudoomiye Ixsaan Cumar.

Waxa isaguna xafladaas ka hadlay maamulaha guud ee Jaamacadaha ADMAS Mr Molla Tsegaye oo ka yimid Magaaladda Addis Ababa, waxaanu sheegay inuu ka maamul ahaan ku faraxsan yahay inuu illaa halkaa uga yimid sidii uu ardayda ula wadaagi lahaa farxadda qalinjabintooda “Waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay inaan idin kala soo qaybgalo faraxadda qalinjabintiina oo ahmiyad weyn inoo wada leh dhammaanteen” ayuu yidhi maamulaha guud ee Jaamacadaha Admas Mr Molla Tsegaye.

Sidoo kale waxa xafladaasi ka hadlay aasaasayaasha jaamacadda ADMAS faraceeda Hargeysa Cadnaan Daahir Axmed iyo Wasiirul dawlaha wasaaradda waxbarashadda Somaliland, kuwaasi oo ka hadlay ahmiyadda ay waxbarashadu u leedahay bulshadda isla markaana hambalyo u diray ardayda qalin jabisay.

Comments are closed.