Aqoon Korodhsiga Googooska Geeska: Aadamuhu Waa Noolaha Keliya Ee Dhabarka U Seexan Kara

0
616

– Diinku Ilko ma’ laha.

– Rasuulkeennii Muxammed (SCW) mar qudha ayaa uu noloshiisa xajay.

– Wadnuhu waa xubinta keli ah ee illaa hadda aanay dadku awoodin in ay farsameeyaan noociisa.

– Ciddiyaha Dumarku way ka hor bixi og yihiin kuwa Ragga.

– Diinka, Abeesada iyo Dukhsiga midkoodna malaha Dareenka wax maqalka.

– Shimbiraha intooda badani malaha dareenka wax Urinta.

– Saddex meelood oo Laba ayaa jidhka bani,aadamka ah biyo.

– Miisaanka madaxa haweenku wuu ka fudud yahay miisaanka madaxa ninka.

– Hombaradu (Dolphin) marka ay seexanayso waxa ay isku qabataa Il keli ah.

– Timaha oo la gaagaabiyaa waxba ma yeesho bixista iyo awoodda timaha midna.

– Bani’aadamku waa noolaha keliya ee dhabarka u seexan kara.

– Balan baalistu waxa ay wax ku dhadhamisaa lugaha.

– Maroodigu waa xayawaanka keliya ee aan awoodin in uu boodo.

– Webi ku yaaa dalka Yemen ayaa marka ay cadceeddu soo baxda u dareera (u socda) dhanka galbeed kana yimaadda dhanka bari, marka ay cadceeddu dhacdana waxa uu ka yimaadda dhanka galbeed, waxa aanu u socdaa jihadi bari ee markii hore uu ka yimid.