Cabdicasiis Samaale Oo Sababta Xil Ka Qaadistiisa Ugu Duur Xulay Ceelkii Ay Nebi Yuusuf (CS) Walaaladii Ku Rideen

0
518

Picture1Hargeysa(Geeska):-Wasiirkii hore ee wasaarada maaliyada Somalind Md:Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa si adag uga hadlay waxyaabaha ku gedaamnaa ee sababay xil ka qaadistiisii wasaarada maaliyada , waxaana uu hadalo iyo qisas diiniya oo duur xul ah isla mar ahaantaana uu ku shabahaayo xaalada maanta jirta uu u soo qaatay in ay sabab u ahaayeen xil ka qaadistiisii, isaga oo sida oo kalena ku sii adkaystay ka sii mid ahaanshaha xisbiga muxaafadka ah ee Kulmiye, hankiisuna uu wali halkii hore yahay, waxaana uu tilmaamayna in isaga iyo madaxweyne Siilaanyo uu ka dhaxeeyo xidhiidh aad u wanaagsan isla mar ahaantaana uu rajaynaayo in uu ka sii kordho halka uu hada yahay.

Md:Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa hadalkan ka sheegay munaasibad balaadhan oo uu xilkii wasaarada maaliyada ugu wareejinaayey wasiirka cusub ee wasaarada maaliyada Marwo:Samsam Cabdi Aadan, waxaana uu uug horeyn sheegay in uu madaxweyne Siilaanyo ugu mahad naqaayo xilkii wasaarada maaliyada ee uu hore ugu magacaabay, isaga oo carabka ku dhuftay in isaga iyo madaxweyne Siilaanyo ay ka dhaxaysay wada shaqayn iyo is aaminaad aad u badan, balse ay cid kasta oo wanaag ka dhaxeeya ay leeyihiin cid xasad iyo xaasid ku ah isla mar ahaantaana ay jiraan dad inta badan ka shaqeeya waxyaabaha xun xun.

“Xilka wasaarada maaliyada waxaa ii magacaabay madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland waan uga mahad naqayaa waxaana naga dhexeeyay madaxweynaha kalsooni iyo wada shaqayn iyo is aamin walina waa uu naga dhaxeeya, laba qof oo kasta oo is jecel, iskuna xidhan oo saaxiibo ah, xasad iyo xaasid ayey leeyihiin dad baa jira warka inta xun uun ka shaqeeya iyo isku dirka iyo kala fogaynta, waxaana aan idiin soo qaadan doona qisas qur'aanka ku jira oo la yaableh oo markaa marka aad dhagaysataan aad ku dabaqi kartaan xaalada aynu ku suganahay Illaahay waxaa uu qur'aankiisa ku sheegay qiso caama oo mar walba muslimiinta si guud loogu sheegayo in ay jiraan xiligii saxaabada iyo xiliyadii ka horeeyeyba dad ay shaqadoodu tahay in ay dadka kala geeyaan oo ay kala ka xeeyaan, hubsada ayaa Illaahay leeyahay warka la idiin keenayo.”Ayuu yidhi Cabdicasiis Maxamed Samaale.

Md:Cabdicasii Maxamed Samaale, oo sida oo kalena hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu ugu horeyn soo qaatay qiso dhacday wakhtigii rasuulka oo ku saabsanayd in la iska hubiyo warka la sheegayo, waxaana uu sheegay in hada aanu soo degi doon waxyi balse ay dhawaan muuqan doonaan arrimo badan oo shabaha xaalada ay qisadani ka turjumayso.

“Waxaa jirta qiso caan ah oo rasuulku nin reer baadiyaha ah u sheegay in wakhti heblaayo sekada loo soo dooni doono,deedna waa uu sii diyaariyey sekadii xoolihiisa kii oo sugaaya xiliga uu rasuulku balanka u qaaday, rasuulku nin ayaa uu u soo diray, ninkaa sekada u soo diray ee soo qaadayey muu soo gaadhin ninkii sekada laga soo qaadayey ee dhexda ayaa uu ka noqday, dabadeedna waxaa uu ku noqday rasuulkii isaga oo anigana waa la idili gaadhay, sakediina ninkii aad iiga dirtay iimuu soo dhiibin ee waa uu ii soo diiday oo anigiiba ayaa dirqi ku soo fakadey. Deedna waxaa dhacday ninkii sekada laga doonayey ayaa inta uu ururiyey yidhi rasuulku been ma sheega ee xoolaha wakhtigii lagaa doonayey ku beeg oo u gee rasuulka, wakhtigii lagu balamayna waa la gaadhee inta aad xoolaha ka xaysaan u geeya rasuulka, rasuulkii ciidan ayuu ninkii u soo diray maadaama la yidhi waa uu diiday in uu xoolihii soo bixiyo, deedna ciidankii saxaabada ahaa ee rasuulku soo diray iyo xoolihii oo uu ninkii soo bixiyey ayaa dhexda isaga horyimi, waxaana ninkii la waydiiyey waa maxay waxani?. deedna waxaa uu yidhi waa sekadii oo wakhtigii rasuulku uu ila balamay aan la iga soo doonin.imikana aan rasuulka u gaynaayo. markaa ninkii rasuulku uu xoolaha u dirayna waa la ii soo diiday ayuu leeyahay, kii xoolaha laga doonayeyna cid iga soo doontay ma jirto ayuu leeyahay yaa markaa kala saaraya Illaahay ayaa waxyi soo dajiyey uu leeyahay warka iska hubiya la idiin keeno, markaa imika waxyi doo degi maayo, laakiin ayaamaha dhaw ee aan fogeyn wax walba horteena ayaa ay iman doonaan.”.Ayuu yidhi Md:Cabdicasiis Maxamed Samaale.

Md:Samaale oo sida oo kale sii wata qiso kale oo duur xul ah ayaa waxaa uu yidhi:“Waxaan soo qaadan doona arrinta kale ee iyaduna ahayd dhacdo la yaableh, saxaabada ka dhacday caa'isha oo ahayd haweenaydii rasuulka ayaa waxaa lagu eedeeyey in ay sinaysatay oo ay gogal dhaaftay marka maanta waxaa la odhanayaa codbaa la duubay oo lahayaa cabdicasiis oo madaxweynaha caayaya tusaale ahaan waa dhacaya oo aan wax lagu cadeeya aan lagu helayn ayaa la odhanayaa mar marka qaarkood, eeg hadaba Caa'isha ayaa sinaysatay ayaa la yidhi, markaas ayaa wax cadeeya la waayey, rasuulka waa ay ku adkaatay, saxaabadiina waa ay ku adkaatay, rag badan ayaa ooyey, Caa'ishi ma oga, se hadana mar danbe ayey ogaatay in uu jiro war la leeyahay Caa'ishi waa ay sinaysatay deedna xili adag ayey ka tagtay gurigii rasuulka, waxaana ay tagtay gurigigoodii. Rasuulku saxaabo badan ayaa uu la tashaday sida ay maantaba waajib u tahay in dad bdan la'la tashado. markaas ayaa uu Cali Abii daalib yidhi rasuul Alloow dumarka carbeed waa badan yihiinee haddii Caa'isha wax laga sheegay maad iska fasaxdid, waxa dhacday in Afartan maalmood aanu waxyi soo degin, illaa ay ugu danbayntiina ay aad iyo aad u adkaatay. Markaa haddii xiligaa rasuulka iyo haweenaydiisii la kala ka xeeyey miyaan si fudud loo kala ka xayn karin dad maanta siyaasada meel ka wada ciyaaraya.".W

Wasiirkii hore ee wasaarada maaliyada Somaliland Md:Cabdicasiis Maxamed Samaale, waxa kale oo uu yidhi:"Qisadii Nebi Yuusuf waad wada ogtihiin oo gabadhii waa kii ka baxsaday oo waa ay soo qabatay oo dhabarka ayuu ka jeexmay shaadhkiisii, deedna waxaa la kulmay ninkii qabay gabadhiisa deedna gabadhii ayaa hadashay waxaana ay tidhi waa maxay abaalka qofka xaaskaaga xumaan la doona oo aan ahayn in ama la dilo ama jeel la dhigo, jeel ayaa la dhigay Nebi Yuusuf Calayhi Salaam, intii aan jeelka la dhigin. markaa haddii khamiiskiisu uu xaga hore ka jeexan yahay isaga ayaa been sheega oo Yuusuf ayaa been sheegaya, haddii uu xaga danbe ka jeexan yahayna Yuusuf ayaa run sheegaya oo iyadu been ayaa ay sheegaysaa, khamiiskiina markii la eegay xaga danbe ayaa uu ka jeexnaa, markaa yaa run sheegay?. waxaa run sheegay waa Yuusuf oo gabadhuna been ayaa ay sheegaysay.qisaskaasina wax badan ayaa inaga taabanayaan maanta.".

Ugu danbayntiina Md:Cabdicasiis Maxamed Samaale, waxaa uu sheegay in uu wali ku sii adkaysanaayo ka sii mid ahaanshaha xisbiga Kulmiye, sida oo kalena wali uu hankiisii madaxweynenimo uu halkiisii yahay, waxaana uu rajo fiican ka muujiyey in xidhiidhka u dhaxeeya isaga iyo madaxweyne Siilaanyo oo uu sheegay in uu hada wanaagsan yahay uu halkiisii ka sii wanaagsanaan doono.

"Xidhiidhkayaga annaga iyo madaxweynahu hore waa uu u fiicnaa, imikana waa uu fiican yahay, hadana waa uu jiri doona Insha Allah, sidii aanu awalba isku ahayn iyo si ka sii fiican ayaanu isku ahaan doona una wada shaqayn doona. Xisbigayga Kulmiye ee aan madaxweynaha la aas aaay ee aan aas aasayaashiisa ka mid ahaa oo rag badan oo xisbigaas ku jiraa ay dhawaan soo galeen, kaalintii aan kaga jiray ayaan kaga jiri doona, hankaygiina waa halkiisii, waxaanu iska kaashan doona madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, sidaas ayaana aanu isku ahaan doona, waxaanu adkayn doona midnimada xisbiga gudihiisa iyo hawlihiisaba. Waxaana aan u sheegayaa dadkii ay wada shaqayntu naga soo dhaxaysay ee madaxweynaha, wasiiradiisa, golahii baarlamaanka ee aan ka tirsanaa, xisbiga kulmiye iyo dhamaanba bulshada reer Somaliland in aan ku adagahay ka sii mid ahaanshaha xisbigayga Kulmiye, hankayguna uu halkii yahay, wada shaqayntii madaxweynaha naga dhaxaysayna ay halkii hore mid ka sii saraysa gaadhi doonto.”.Ayuu yidhi Md:Cabdicasiis Maxamed Samaale.