Anshaxa Dhowrsoon Iyo Dhaqanka Wanaagsan

0
572

Hargeysa (Geeska)-Waa Qoraal Taxane ah uu wargeyskan Geeska Afrika akhristayaashiisa kula wadaagayo qodobbo iyo dhaqamo fure u ah in qofka ku waano qaataa uu ku hanuuno ama ku barto anshaxa dhowrsoon iyo dhaqanka wanaagsan ee uu bulshada ku dhex geli karo sumcaddana kaga heli karo. Xigasho (Buugga Born Again ee uu qoray Faiz H. Faizal)

– Haddii aad ammaanaysato shay isticmaalkiisa, waa in aad ku soo celisaa sidii aad ku qaadatay ama si ka wacan, Tusaale ahaan haddii aad baabuur ammaanaysato ilaali oo ha dayicin, marka aad soo celinaysana Nadiifi shiidaalna ku soo shub.

– Noloshu waa sida Bangiga, Lacagta aad dhigato bangiga ayuun baad isticmaali kartaa xilliga aad u baahan tahay, Nolosha lacagteedu waa Dabeecadda, Sumcadda, Sida aad dadka u ixtiraamto, Naxariista iyo Ragannimada kuwaas oo aad gashato dadka ayuun baad helaysaa. Dhanka kale Axmaqnimada, Danaystenimada, Xushmad darrada IWM. oo aad dadka gashataa iyada oo kale ayuun baad ku helaysaa. Haddii aad rabto in aad ka hesho bangiga noloshaada Kalgacal iyo Xushmad bal horta is waydii in aad dhigatay bangiga.

– Sigaarku waa Aafo Caafimaad iyo Masiibo dhaqaale. Haddii aad sigaarka nuugto, weligaa ha ku cabin meelaha dadku isugu yimaado sida, Iskuullada, Goobaha waxbarashada, Garoomada diyaaradaha, Baabuurta dadwaynaha, Dukaamda iyo Tiyaatarrada. Sidoo kale ha ku cabin dadka aan sigaarka cabin dhexdooda, haddii ay ka fursan waydo oo dadka ku ag-joogaa ay yihiin saaxiibbadaa fasax ka qaado. Xafiis aanad kaligaa lahayn ha ku dhex cabin sigaar. 

– Dad aan waxba cunayn wax ha ku ag cunin, haddii ay ka fursan waydo, marka hore iyaga wax ka sii, ogolaanshiyo waydiiso dadka ku agjooga tusaale ahaan waxa aad tidhaahdaa, "Iga raali ahaada waxa aan…." IWM. Cuntadu maaha ta culus oo kaliya ee ku darso ta fudud sida, Nususaacaha (Cuntada fudud ee la cuno xilliga Biririf-ta) ardayda ama shaqaalaha, Nacnaca, Xanjada Lawska IWM.

– Hore ayaa aan ugu celceliyay, Wax kasta oo aad maqasho ha rumaysan, sidaa awgeed wax kasta oo aad maqasho sidiisa ha u gudbin (Faafin), tusaale ahaan, halkii aad ka odhan lahayd, "Hebel shaqadii ayaa laga eryay" Waxa aad tidhaahdaa, "Waxa aan maqlay in hebel Shaqadii laga”