Shakhsiga Sannadkii 2014 Oo Loo Aqoonsaday Aqoonyahan Maxamed Cali Bile

0
412

Picture1?Hargeysa(Geeska)-Urur lagu magacaabo dhallinyarada aan xuduuda lahayn ayaa shakhsiga sannadkii 2014 u aqoonsaday aqoonyahan Maxamed Cali Bile oo ah muwaadin Somaliland u dhashay oo xilal sare ka haya Qaramada Midoobay, islamarkaana bilado badan la guddoonsiiyay.

Qoraal ay dhallinyaradani soo saareen ayaa waxay ku yidhaahdeen sidan “Sanadkii 2014, Mohamed Ali Bile waxa uu dadkiisa u hibeeyey maskaxdiisa iyo qalinkiisa. Waxa uu muwaadinkani si hagar la’aan ah isu barbar taagey dhalinyarada iyo sidii ay horumar uuga sameyn lahaayeen dhinacyada kala duwan ee nolosha iyo mustaqbalkooda. Waxa uu qoraalo tiro badan ka diyaariyey duruufaha dhalinta heysta iyo sidii fursado loogu abuur lahaa. Waxa dad badan ku tilmaamaan inu Mohamed Ali Bile yahay shakhsiga uugu saameynta weyn ee ay dhalinyarada Soomaaliland ay higsato. Waa qof aad u fahamsan duruufta ku gedaaman arimaha bulshada iyo siyaasadda, isla markaana waa shakhsi ay dadka caadiga ihi si sahlan u fahmaan oo ay xiiseeyaan hab fikirkiisa.

Bile waa shakhsi ku dagaalama qalinka iyo fikirkaba, waana shakhsi ay muwaadiniin badani xiiseeyaan akhrista maqaalada uu qoro oo u badan ka warimada waaya aragnimada iyo odoroska mustaqbalka. Waxa uu hibo gaar ah u leeyahay taxliil dhacdooyinka taasi oo u sahasha inu iftiimin iyo odoros ku sameeyo sida arin ku dhamaan karo. Waxa uu qoraalo is daba jooga ka qorey siyaasadda Soomaaliland ee gaar ahaan ku aadan ictiraafka, taasi oo uu si farshaxanimo ku jirto u iftiimiyey carqaladaha hortaagan in Soomaaliland ictiraaf hesho iyo wixii xal noqon kara.

Waxa dhawaan la guddoonsiiyey Mohamed Ali Bile abaal-marinta “Mufakar” oo ah qofkii u horeeyey ee ka soo jeeda umadaha Soomaaliyeed ee si heer caalami ah loogu aqoonsado inu yahay mufakar.  Dawladda Yemen ayaa iyana u aqoonsatey Mohamed Ali Bile inu yahay shakhsiyadda sanadka 2014, iyada oo si gaar ah loo xusey doorka uu ka soo qaatey kor u qaadista tacliinta aasaasiga iyo arimaha dhalinyarada ee dalka Yemen. Mohamed Ali Bile waa aqoonyahan tacliin iyo waaya aragnimo dheer u leh horumarinta dalalka soo koraya gaar ahaan dalalka dagaaladu wax yeeleeyeen. Waxa uu si gaar ah aqoon iyo khibrad uugu leeyahay dib u dhiska tacliinta iyo kor u qaadista dhalinyarada iyo aqoonta hoggaaminta  tacliinta iyo dhalinyarada gaar ahaan dalalka dagaalada ku burbura.

In kasta oo aqoonsiyada kor ku xusanuu ku muteystey wax qabadkiisa iyo shaqadiisa uu ka hayo dalalka bariga dhexe, ayaa hadana la aqoonsayahay inu Mohamed Ali Bile hormood u yahay aqoonyahanada aqoontooda iyo fikirkooda u hurey umadooda reer Soomaaliland. Waxa uu ahaa tiir weyn oo ka soo qeyb qaatey dib u dhiskii Soomaaliland oo uu ahaa shakhsi lagu amaaradeysto dib u dhiskii tacliinta Soomaaliland.

Mudadii 12 sanadood aheyd ee uu ku shaqeynayey wadamada bariga dhexe, waxa uu Bile ahaa xogogaal ka warhaya duruufta dhalinyarada dalkeena, waxaanu wakhti badan iyo taageero geliyey dhalinyarada. Waxa uu ahaa maskax kobcisa jiilka soo kacaya oo uu dhiirigelin, talo iyo waxtarba la barbar taagnaa.

Dhalinyarada aan Xuduudda Laheyn