Guddoomiye Cirro Oo Sheegay In Siyaasiyiin Miisaan Lihi Ku Biirayaan Xisbiga Waddani

0
653

Picture7Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha golaha wakiilada, ahna guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (cirro), ayaa iftiimiyay in siyaasiyiin culus oo wadanka magac ku lihi ay dhawaan ku biiri doonaan xisbiga uu hoggaamiyo. Md. Cirro, ayaa qoraal kooban oo uu soo geliyay barta uu ku leeyahay facebooka, wuxuu ku yidhi “Bishii u danbaysay waxaa Xisbiga ?#‎Waddani kusoo biiray Madax iyo Taageerayaal Tiro-badan oo Miisaan weyn ku leh ?#‎Somaliland, taas waxaa dheer in dhowaan Masuuliyiin kusoo biiri-doonta Xisbiga ay noqon doonaan qaar aad wada garannaysaan oo xisbiga Miisaan weyn oo kale kusoo kordhindoona.Insha-Allaah.”

Xisbiga Waddani ayaa waxa hore ugu biiray siyaasiyiin culus oo badankoodu xilal muhiim ah ka soo qabtay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, kuwaas oo isugu jiray kuwo is casilay iyo kuwo la casilayba.