Android Office: Xidhmo Barnaamijyo Xafiis Ah Oo Ku Shaqaynaya Taleefankaaga Gacanta

69
7925

Hargeysa (Geeska)- Shirkadda Google oo soo saarta barnaamijka ka shaqaysiinta qalabka ee Android waxa ay soo saartaa barnaamijyo badan oo loo isticmaali karo shaqooyinka xafiiska. Waxaa ka mid ah barnamaijyo qofka u qabanayo adeegga ah in uu wax ku dhex qorto, wax-ka-beddel ku samayn karo waxa uu qorto, ku soo bandhigi karo, taleefanka ama qalabka la midka iyo xaashiyo xisaabeedka ‘Spreadsheet’ barnaamijyada ay hore shirkaddu u soo saari jirtay waxaa ka mid ah ‘Smart Office’ iyo ‘Polaris Office’ adeegyada ay qabtaanna ku koobnaaneeyo ‘’Docs’ Sheets’ iyo ‘Slides’. Haddaba warbixin ay baahisay shabakadda wararka ee Aljazeera ayaa sheegaysa in shirkadda ‘Google’ ay soo saartay barnaamij xafiiseed cusub  oo ay u bixisay AndrOpen Office, kaas oo u shaqaynaya sida barnaamijka shirkadda Microsoft soo saarto ee ‘Office’ oo isagu ku shaqeeya ‘Windows’ ka.

Barnaamijka AndrOpen Office waxa uu ku shaqaynayaa taleefannada, ‘taabladyada (Tablets) iyo dhammaan qalabka uu ka shaqaysiiyo ‘Android’ waxa aanu ka kooban yahay lix adeeg-xafiis oo kala ah, ‘Wax ka beddelka qoraalka (Editing) iyo sixidda qoraallada (Spelling checking), samaynta qaaciidooyinka (Excel formatting), soo bandhigidda (Presentations), sawirista samaynta foomamka (drawings and forms), samaynta qaababka (Shapes), iyo dhismaha ‘Data Base’ ka.

Barnaamijka cusub waxa kale uu qabanayaa adeeggii dirista iyo soo dejisashada labadaba, iyada oo aanu wax culays iyo dhib ah qofku dareemayn, sida oo kale waxa uu suurtagelinayaa in dhukumantiyada loo beddeli karo ‘pdf’ in faylal wax lagu guro iyo in la furi karo iyada oo la adeegsanayo barnaamijyada keydinta ee laga dhex isticmaalk kombiyuutarka sida ‘Google Drive’ iyo ‘Drop box’

Barnaamijkani waxa uu ku shaqaynayaa Android version ka 4.4 iyo wixii ka sarreeya, qofka isticmaalaya taleefannada muraayaddoodu ballaadhan tahay, iyo xitaa tablet ka waxa uu ugu shaqaysan karaa sida kombiyuutarka caadiga ah. Barnamaijka oo bilaa lacag ah ayaana lagala soo degi karaa ‘Google Play Store’

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here