Amiirrada Sucuudiga Iyo Imaaraadka Carabta Oo Diiday In Ay Talefanka Ka Qabtaan Madaxweynaha Maraykanka

0
1361

Aqalka Cad ee Maraykanka ayaa qiray in uu ku guuldarraystay dadaal uu doonayey in madaxweyne Joe Biden uu talefanka kala hadlo dhaxalsugaha boortooyada Sucuudiga Amiir Muxamed Bin Salmaan iyo dhaxalsugaha Abu Dhabi Sheekh Muxamed Bin Saayid.

Wargeyska Maraykanka ka soo baxa ee ‘Wall Street Journal’ ayaa salaasadii 8 Maarso 2022 qoray,  “Dhaxalsugayaasha Sucuudiga iyo Abu Dhabi ayaa diiday in ay talefanka kala hadlaan madaxweyne Biden”

Halka labada Muxamedba ay toddobaadkii hore talefanka kala xidhiidheen madaxweyneyaasha Ruushka iyo Ukraine.

Maraykanka ayaa ku jira dadaal uu doonayo in uu ururiyo taageero xooggan oo ka hor timaadda dagaalka Ruushka ee Ukraine iyo in la isu kaashado xakamaynta dhibaatada kor u kaca shidaalka ee dagaalkaasi sababi karo. Labada hoggaamiye ee Sucuudiga Iyo Imaaraadka oo uu Madaxweynaha Maraykanku doonayey in uu arrintaas kala hadlo ayaa shardi kaga dhigay, in ay sida oo kale ka wada hadlaan dagaalka ay ka wadaan Yemen.

Sucuudiga ayaa hore u diiday dalab uu Maraykanku kaga doonayey in uu gacan ka geysto dejinta qiimaha shidaalka. Waxa aanu shardi ka dhigay in marka hore Maraykanku ballanqaado in uu taageero buuxda ka siinayo dagaalka Yemen, in uu ka caawinaya samaysashada Nukliyeer silmi ah iyo in uu dhaxalsugaha Sucuudiga Muxamed Bin Salmaan siiyo xasaanad ka hor istaagta in lagu soo oogo dacwado la xidhiidha dilkii saxafigii Jamaal Khaashuqji ee sannadkii 2018 kii.

Weji gabaxii uu madaxweyne Biden kala kulman labadan dal ee Khaliijka kaddib, waxa uu la xidhiidhay madaxweyneyaasha Ruushka iyo Ukraine si uu isugu dayo in colaadda xal loo helo. Shidaalka culus ee warshadaha ayaa uu qiimihiisu si aad ah kor ugu kacay intii ka dambaysay Bilowga dagaalka Ukraine. Wallstreet Journal ayaa war hore oo uu baahiyey waxa uu ku sheegay in madaxweynaha Ruushku uu dhaxalsugaha Sucuudiga uga digay in uu siyaasadeedo waxsoosaarka shidaalka. taas oo ahayd farriin uu ugu sheegayey in shidaalka aanu qiimihiisa u jebin ama waxsoosaarkiisa u kordhin si uu u kabo hoos u dhaca ka dhalan kara xayiraad shidaal oo la saaro Ruushka.