Al-Baraadici Oo Noqday Raysal-wasaaraha Masar

0
576

Picture5Qahira(Geeska)-Maxamed Al-Baraadici ayaa noqday Raysalwasaaraha Masar ee uu magacaabay Madaxweynaha ku meelgaadhka ah ee bedelay Maxamed Mursi.

Al-Baraadici oo ahaa madaxii Qaramada Midoobay u qaabilsanaa arrimaha Nukliyeerka, ayaa ka mid ahaa mucaaradka adag ee ku kacsanaa Maxamed Mursi, waxaanu qayb ka ahaa siyaasiyiinta taageeray afgembigii lagu sameeyay, waxaanu metelayaa siyaasigani isbahaysiyada mucaaradka ah ee ku kacsan xisbiga Ikhwaanka.

Khaalid Daa’ud oo ka mid ah madaxda isbahaysiga mucaaradka ah ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in Madaxweynaha ku meelgaadhka ah ee Masar uu Maxamed Al-Baraadici u magacaabay inuu noqdo Raysalwasaare.

Al-Baradici ayaa qayb libaax ka qaatay riditaankii Madaxweynihii hore ee Masar Xusni Mubaarik, sidoo kalena wuxuu ka qayb qaatay riditaanka Maxamed Mursi. Lama saadaalinayo in kacdoonada ay Ikhwaanku wadaan ay magacaabista Baraadici dejin doonto, waxase la filayaa inay baasiin ku sii shubto, maadaama oo ay u arkaan inuu ka mid yahay raggii riday Madaxweynahoodii Maxamed Mursi.

Geesta kale, Al-Baraadici oo sumcad dunida ku leh, waxa caqabad ku noqon doonta go’aanka uu Midowga Afrika ku hakiyay xubinimadii Masar ee ururkaas, isagoo inqilaab ku tilmaamay go’aanka ay ciidamada Masar ku rideen Madaxweynihii hore Maxamed Mursi.