Munaasibad Loo Sameeyay 19 Arday Oo Ka Qalin-jabiyey Dugsiga Boodhinka Ah Ee Abaarso

1
645

Picture3Abaarso (Geeska) – Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa shahaadooyin guddoonsiiyay 19 arday oo ka qalin-jabiyey dugsiga sare ee Abaarso ee galbeedka Magaalada Hargeysa.

Munaasibad balaadhan oo lagu qabtay xarunta Dugsigaasi oo ku yaala duleedka tuulada Abaarso, ayaa waxa ka qayb-galay Wasiirka Wasaarada xanaanada xoolaha Dr Cabdi Aw Daahir Cali, Wasiir ku xigeenka Wasaarada Shaqada iyo arimaha bulshada Marwo Shukri Xariir Ismaaciil, agaasimaha guud ee Wasaarada waxbaraashada iyo Tacliinta sare ee Somaliland Maxamed Xasan, Waalidiin culimo-u-diin, ardayda dugsiga wax ka barata iyo marti sharaf kale.

19-ka arday ee dhamaystay fasalka afraad ee dugsiga boodhinka ah ee Abaarso, ayaa waxa kale oo Munaasibadda qalin-jabintooda goob-joog ka ahaa Macalimiinta ajaanibka ah ee wax soo bartay, kuwaasi oo sii Macasalaamaynayey.

Xafladda qalin-jabinta, ayaa waxa ugu horeyn hadal ka soo jeediyay Maamulaha dugsigaasi Mr Jonathen Star, waxaanu tafaasiil ka bixiyey marxaladihii kala duwanaa ee aasaaska dugsiga Sayniska iyo Tiknoolajiyadda ee Abaarso, waxaanu sheegay inay guul u tahay maadaama oo ay qalin-jabiyeen ardaydii ugu horeysay in lagu bilaabay, isaga oo u hambalyeeyay 16 arday oo si gaar ah dedaalkooda ugu helay deeqo waxbarasho oo dalka dibadiisa ah, kuwaasi oo qayb ka ah 26 arday oo ardayda Abaarso ah oo helay deeqo waxbarasho.

Mr Jonathon Star, waxa uu halkaasi ku soo bandhigay isla-markaana Magacyada jaamacaddaha iyo kuliyaddaha ay ardaydu deeqda waxbarashada ka heshay, isaga oo arday walba siiyay calanka ama astaanka jaamacadda deeqda siisay.

Maamulaha dugsiga Abaarso, waxa kale oo uu ka waramay marxaladihii ardaydu soo mareen iyo aqoonta ay maanta leeyihiin, isaga oo xusay in ardaydii hore ee Jaamacaddaha dibada ay deeqaha uga soo heleen ay jaamacaddaha ay ku jiraan ka yaabeen aqoontooda iyo dad la noolaanashooda wanaagsan, taasina keentay in qaarkood arday kale ogolaadaan inay deeq waxbarasho siiyaan.

Guddoomiyaha Guddida Wanaag farista iyo xumaan joojinta Somaliland Sheekh Maxamed Xaaji Maxamuud Xiirey oo isna halkaasi ka hadlay, ayaa amaanay doorka Iskuulkani ugu jiro shacabka Somaliland, isaga oo ardayda qalin-jabinaysana ku hambalyeeyay dedaalka ay u soo galeen qalin-jabintooda.

Sheekhu, waxa uu si gaar ah ula dardaarmay ardayda dalka dibadiisa u baxaysa ee deeqaha waxbarasho helay, waxaanu u soo jeediyay inay jaamacadahaasi ka soo faa’ideystaan isla-markaana ku dhuganadaan diintooda Islaamka.

Wasiirkii hore ee Maaliyadda Somaliland Eng Maxamed Xaashi Cilmi, oo ka mid ah waalidiinta carruurtoodu dugsigaasi dhigtaan oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in marxalad kasta oo dugsigaasi lala soo maray uu haddana maanta cagihiisa isku taagay “Iskuulkani dhibaato kasta ha soo maro, laakiin maanta cagihiisa ayuu isku taagay, waana dugsiga sare ee maanta Somaliland ugu wanaagsan, Macalimiintuna waxay ku shaqeeyaan Tabaruc, marka laga yimaado wax yar oo faro guudkooda ah” ayuu yidhi Wasiirkii hore ee Maaliyadda Somaliland oo sidoo kalena xukuumadda u soo jeediyay inay wax ku tarsato iskuulkaasi isla-markaana u Magacowdo guddi.

Agaasimaha guud ee Wasaarada Waxbarashada Somaliland Maxamed Xasan, oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ardayda qalin-jabisay ee qaarkood deeqaha waxbarasho heleen ay yihiin midho lagu farxayo “Waa Wax Lagu Qiiroodo midhaha ka soo baxay dugsiga Abaarso” ayuu yidhi agaasimaha guud.

Munaasibadan oo sidoo kale uu ka hadlay Cabdiqaadir Xaashi Cilmi oo ah mulkiilaha Huteelka Maansoor ee Hargeysa iyo qaar ka mid ah ardayda qalin-jabisay, ayaa waxa soo gunaanaday Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), waxaanu halkaasi ka jeediyay hadal kooban oo uu ku amaanay dugsiga Abaarso “Iskuulka Abaarso aad ayuu u qiimo badan, inta aasaastay iyo inta taageertayba wax weyn ayay dalka u tareen” ayuu yidhi.

Comments are closed.