Qaramada Midoobay Oo Meel Adag Iska Taagtay Xadhiga Sheekh Xasan Daahir Aweys

0
603

Picture6Hargeysa(Geeska)-Ergayga Qaramada Midoobay Danjire Nicholas Kay oo socdaal ku jooga  magaalada London ayaa ka hadlay markii ugu horreysay xadhiga Sheekh Xasan Daahir Aweys oo dowladda Soomaaliya ugu xidhan Muqdisho.

Danjire Kay ayaa sheegay in Sheekh Xasan Daahir oo ka mid ahaa xubnaha sarsare ee Al-shabaab, horena  uu u ahaa hoggaamiyaha Xisbul Islaam oo ku biiray Al-shabaab uu yahay hoggaamiye xag-jir ah marka loo eego xubnaha kale ee ay kawada tirsanaayeen Al-shabaab oo dagaal kula jirta dawladda Soomaaliya.

“Qaramada Midoobay iyo Mareykanka waxay xayiraad dhinaca duulimaadka ah saareen Sheekh Xasan Daahir iyo xubno kale oo ka tirsan Al-shabaab, waxaana keliya oo lagu cafiyi karaa inuu ka tanaasulo falalkii uu hore ugu jiray iyo inuu caddeeyo fikirka uu Al-shabaab ka aaminsan yahay,” ayuu yidhi danjire Kay, oo warbaahinta kula hadlay London.

Ergaygu wuxuu sidoo kale sheegay inuu soo dhaweynayo is dhiibidda Sheekh Xasan Daahir isagoo ku tilmaamay guul weyn oo u soo hoyatay Soomaaliya, isagoo aan bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan sida ay Qaramada Midoobay ka yeelayso Sheekh Xasan Daahir.