Laba Orodyahan Oo Ka Qeyb Gali Doona Tartanka Orodka Jabuuti Ee Sannadkan Oo Soo Baxay

0
644

jabuutiHargeysa (Geeska)-Laba orodyahan oo ka tirsan Orodyahanada reer Somaliland, ayaa u soo baxay Tartanka Orodka ah ee Caalmiga ah ee ka dhaca dalka Jabuuti, kaas oo Sanadihii ugu dambeeyey Somaliland ka qeyb galaysay.

Tartankan Orodka ee loogu soo baxaayey Tartanka Caalamiga ee Jabuuti ka dhici doona, oo ahaa Shan Km, isla markaana ka qeyb galeen Orodyahano badan oo Shalay ka dhacay Hargeysa, ayaa waxa kaalinta kowaad galay Xariir  Yuusuf Carab Cabdillaahi, waxaana Orodyahankan oo hore Tartankan Jabuuti uga qeyb galay ayaa isaga oo dareenkiisa ka waramaya yidhi “Tartankii Shanta Km ee Somaliland ee dhinaca Orodka ayaan kaalinta kowaad u galay Maanta (Shalay), waxa aan ka qeyb gali doonaa Tartanka ka dhici doona Jabuuti, oo ah 21-km, in aan ku guulaysatana waan rajaynayaa, waxaana uu u dhici doonaa 27-bishan, oo Somaliland waxa igu qeyb gali doonaa Tartankaas aniga, Orodyahan kale, Macalinka iyo La taliyaha gaarka ah ee Madaxweynaha Muddane Dr Cumar Cilmi Dixood, oo isagu i soo gacan qabtay, sababna u ah heerkan aan taagan ahay, sidoo kale waxa aan u mahadnaqaya Macalinkayga Cali Baaba oo isna wax badan ii tartay, si ficana i tababaray”.

Orodyahanadan reer Somaliland uga qeyb gali doona Tartankaas Jabuuti  oo uu kaxayn doono La taliyaha gaarka ah ee Madaxweyanaha Cumar Cilmi Dixood, ayaa waxa uu amaan u soo jeediyey Orodyahan Xariir, isaga oo tilmaamay inuu dadaal badan sameeyey, rajaynayana inuu kaalin wanaagsan ka galo Tartanka Orodka ee Jabuuti, waxaaanu yidhi “ Xariir waxa uu ahaa Inan ila jooga, marka ay ii muuqatay inuu ku wanaagsan yahay Orodka, ayaan ku yidhi waar maad gashid Orodka, uu iga caqbalay, waana ku tabcay, Subax walba waxa aan kicin jiray Saalada hore, waxaanu ordi jiray afarta iyo badhka ilaa lixda subaxnimo, Sannadkan iyo Sannadkii horena iskuma dhawa shuqulna iskuma laha, waa Nin wacdara muujin doona marka uu Jabuuti tago, Somaliland magac u soo hoyn doona, madaama Orodyahanadii la ordayey uu ka horeeyey ilaa iyo 200-mitir, isaga oo hore ugu soo orday Jabuuti, waxa uu noo caddeeyey inuu orodkiisi laban laabay, sida darteed marka aanu Jabuuti qabano, waxa aanu rajaynaynaa in aanu guul kala soo laaban doono”.