Agab Maalinle Loo Isticmaalo Oo Ka Qayb Qaata Faafitaanka Jooniska Cadka Noocyadiisa B Iyo C

0
719

1Hargeysa (Geeska)- Qormadan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda Al-Carabiya waxa ay soo bandhigaysaa agab maalin si shakhsi ah qofku ugu isticmaalo oo haddii la wada isticmaalo keeni kara in la kala qaado xanuunnada, gaar ahaan noocyada jooniska ee beerka ku dhaca oo aad ugu soo badanaya guud ahaan dunida iyo gaar ahaan dalkeenna.

1. Burushka ilkaha: dheecaannada afka iyo dhiigga mararka qaarkood soo raaca cadayashadu waxa ay sababi karaan in ay ku hadhaan burushka ilkaha waxa aanay keenaysaa khatarta ah in haddii la wada isticmaalo, la kala qaado jooniska noociisa C.

2. Makiinadaha iyo mishiinka xiirashada: Makiinadaha iyo guud ahaan qalabka xiirashadu ee gadh xiirista loo adeegsadaa  guud ahaantoodba waxa ay ka mid yihiin sababaha muhiimka ah ee sababa cudurka caabuqa beerka ku dhaca ee Joonis cadka aynu u naqaanno noociisa C da ah.

3. Ciddiyo-gurta: Ciddiyo-gurta oo lala wadaago bukaanka qaba jooniska C da loo yaqaanno ayaa keenta khatarta ah in si sahal ah cudurku ugu gudbo ruuxa bed-qaba. Sidaa awgeed qofka xanuunkan qabaa waa in uu ka taxaddaro in ehelka iyo asxaabtuba ay la isticmaalaan ciddiyo gurta.

4. Burushka timaha: Dadka qaar baa laga yaabaa in ay dhayalsadaan qaaditaanka cudurkani sida ay ku iman karto, waxaa muhiim ah in aynu ogaanno in cudurka jooniska noociisa C. sidoo kale burushka gadhka marka la xiiranayo la isticmaalo si shaambooga xiirashada loo mariyo gadhka ayaa keena in la kala qaado cudurkan.

5. Dhiigga tabaruca ah: In qofka dhiigga shubaya si aad ah loo baadho caafimaadkiisu waxa ay badbaado u tahay ruuxa dhiiga lagu shubayo, waayo cudurro badan oo jooniska C ka mid yahay ayaa lagu kala qaadaa dhiig shubidda.