Biyaha Baduhu Waa Isku Dhadhan, Wasiirna Reerkiisa Wax Gaara Oo Muuqda Mataro A,A,A , Goodir

0
745

Tusaalooyinkii,  murtidii, waayo- aragnimadii, haasaawihii xikmadda iyo aragtida fog  ku dhisnayd ee laga dhaxlay halyeygii ,aftahankii ,macallinkii siyaasadda marxuun Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal Qasaalli, waxa  halku- dhigyadii laga reebay ka mid ahaa oo lagu xasuustaa_ :

1

Nin damac siyaasadeed leh oo haddana bakhayl ah oo jecel inuu maal urursado . siyaasadda kuma aflaxo meelna kama gaadho,bulshadana kama helo magac wanaagsan  .

Ma guulaysto siyaasiga hammigiisu yahay, inuu mansabkiisa  ka dhisto guryo ama ka iibsado baabuur qurux badan oo ah kuwa lagu raaxaysto.

Odhaahdiisii caanka ahyd ee Madaxweynuhu ku halqabsan jiray, waxay ahyd siyaasadda guri baa loo iibiyaa  ee guri lagama dhisto_:

Mar dhaqaalaha dalku aad u liitay oo aan dhakhliba jirin, isaga oo la hadlaya Wasirradiisii wakhtigaas oo dhallinyaro u badnaa, wuxu yidhi haddii mustaqbalka siyaadda rajo ka qabtaan, waxa yar ee idin soo gala isu dhaafiya kuwa madaxda u tihiin ee idinka sii liita . markale isaga oo u digaya wasiirrada, ku kibra masuuliyadda marka ay isku helaan guri fiillo ah oo aanu arki jirin iyo raxan baabuur ah, isla markaana xafiiskiisa iyo gurigiisaba ku wareejiya ciidamo hubaysan oo ka ilaaliya bulshadii uu u adeegi lahaa oo laga yaabo inay bilo ku qaadato sidii ay u arki lahaayeen ama kaba quustaan in ay la kulmaan. masuulka habdhaqankaas ku sifoobay isna kuma waaro xilka iyo saaxadda siyaasadda  ,waxaana u danbayn doonta-: DUCO QABE XILKU WAA MEERTO ! iyo isaga oo sixun looga takhaluso.

Siyaasiyiintii hore  waxay ahayeen kuwo dadkooda dhaqda oo gacan- qabta ,iyagana waa lagu wada dabo fayli jiray.

Hadaba qaar ka mid ah Wasiirrada maanta ee isla boodsan waxan usoo jeedin lahaa inay cashar ka bartaan Hogaamiyihii Madaxweynihii hore Marxuum Cigaal oo xoolihiisii oo dhan u hibeeyey siyaasadda iyo halgankii xoraynta dalka lixdankii ka hor,sida loo soo joogay , loogana yahay markhaati

 Wasiirrka dhabta ahi ma kibro oo afka ma taago, teelifoonkana dadka kama xidho ,mana meer- meersho dadka, waana kan ka run sheega shaqadiisa iyo ballamihiisa, loona arko inuu yahay bulsho daadihiye nadiif ah  dhinac kastoo  laga eegoba

( Kibraani waa jaahil ),sida runtu tahayna Wasiir Reerkiisa waxtar u leh ma jiro, waxna ma deeqsiin karo , iyadoo siyaasi hammi hanti urursi ku hawllan aysan waxba soo dhaafi karin ,sida looga bartay Wasiirrada casrigan jooga ,halka raggii hore ay dadkooda maalgashan jireen ,islamarkaana shaqooyin la raadin jireen, kuwooda wax bartay, haddii Wasiir dadkiisa u adeegayaa uu jiro  dhallinyaradu dalkooda kama ay haajireen,  badahana kuma   hoobteen. !!