Agaasimihii Iska Casilay Maaliyadda Oo Cadeeyay Inuu Ka Mid Yahay Baarlamanka Muqdisho, Kana Hadlay Qorshaha Ay Madaxweyne Siilaanyo Ku Kala Tageen

0
516

 

agaasimeHargeysa(Geeska)-Agaasimihii guud ee hore ee wasaaradda maaliyadda Somaliland Md. Jaamac Axmed Maxamuud (Jaamac Oday), oo markii uu iska casilay xilka ka degay magaalada Muqdisho, ayaa markii u horaysay cadeeyay inuu ka mid yahay xildhibaanada Somaliya ee la filayo in sida ugu dhaqsaha badan loogu dhawaaqo, kuwaas oo dooran doona Madaxweynaha Somaliya ee bedeli doona madaxweynaha dawlada ku meelgaadhka ah ee dalkaas.

 

Mr. Jaamac Oday, oo isagoo jooga magaalada Muqdisho xalay waraysi gaar ah uu la yeeshay Wargeyska Geeska Afrika, wuxuu cadeeyay inuu qaatay mabda’a Somaliweyn, waxase uu ku dooday inaanu hadimo iyo dhibaato ugu maqnayn Somaliland iyo shacabkeeda, isagoo sheegay in mawqifkiisa cusubi faa’iido u soo hoyn doono Somaliland. Mr. Odey, wuxuu sheegay in markii uu iska casilay xilka agaasimaha guud ee wasaaradda maaliyadda ay is arkeen Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, oo uu sheegay inuu ka caawiyay sidii uu ku tagi lahaa jaamacad ku taala dalka Kenya, balse uu markii dambe bedelay qorshihiisii. Waraysigaas uu Geeska Afrika, la yeeshay Jaamac Axmed Maxamuud (Odey), wuxuu u dhacay sidan:

Jaamac waxa jira warar sheegaya inaad Muqdisho u joogtid  ka mid noqoshada  xildhibaanada  cusub ee Somaliya, arimahaas maxaa ka jira?

Baarlamaanka waan codsaday inaan kamid noqdana waan isku dayay, haddana wali lama soo saarin ee waanu sugaynaa. Laakiin waan rajaynayaa inaan ku soo baxo.

Muqdisho iyo waayaheeda iyo dawladan cusub ee la filayo inay dhawaan ka baxdo ku meelgaadhnimada bal ka waran?

Muqdisho dadka joogaa rajo badan ayay qabaan oo dib u habayn ayaa socota, waxaanay leeyahiin haddii baarlamaanka la soo doorto oo dawladana la dhiso waxay rajo ka qabaan in ku meelgaadhka laga baxo oo ay wax hagaagaan. Dadaal badan oo beesha caalamka iyo dadka Somaliyeedba ay wadaana waa uu jiraa.

Dad  badan ayaa saluugsan sida beelahu ay u qaysadeen xubnaha baarlamaanka, adigu aragti ahaan siday kuula muuqadaan?

Kolay ilaa hadda waxa jira oo wax lagu qaybinayaa waa nidaamkii  4.5-ka la odhan jiray, ma jirto wax lagu  qaybiyay  Somaliland iyo Somaliya, waxaana sal u ah qaybsigan baarlamaanka kii lagu qaybsaday shirkii Imbigaati, cid walibana waxii ay halkaas kala timi ayay hadana qaadanaysaa.

Adigu ma baarlamaankaas uun baad ku eekaanaysaa mise meesha hadaf ka sareeya ayaad ka leedahay?

Kolay waxani marka horeba waa ay beelaysanyahiin, dad badan oo joogi jirayna waa ay jiraan, laakiin aniga hamigaygu mid baarlamaan qudhaatana ku eegna maaha, waxaanan is leeyahay fikirkan imika muuqda, waxii kale waa meesheeda’ee, hawlgalkaygu waa baarlamaanka uun.

Waxaad ka mid ahayd agaasimayaasha guud ee xukuumadan madaxweyne Axmed Siilaanyo, xilkaasna adiga ayaa iska casilay. Somaliland xorriyadeeda ayay kala soo noqotay dalka Somaliya. Markaad Hargaysa joogtay miyaad aaminsanayd fikirkan Somaliweyn?

Anigu imaatinka aan halkan imid,  markii hore si shaqsiya ayaan ku imid, markii aan xoogaa halkan joogay ee aan wax indho indheeyay ayay igu dhalatay, waxaan isleeyahay mabda’an Somaliweyntu maaha mid Somaliland  ka hor imanaaya, kolayba hadday Somalida kale hagaagto  Somalilandna waxba ka xumaan maayaan, waxaanan qabaa anigu inaan xataa halkan kaga shaqayn karo danaha Somaliland oo aan sidii hore sidan kaga faa’do badan karo.

Markaad sidaas leedahay miyaadan la socon  Somaliya inay sheeganayso Somaliland, Somaliland-na ay tahay mid madaxbanaanideeda la soo noqday, oo ay arintaas isku hayaan labada dhinac?

Marka hore dastuurka halkan yaala ee baarlamaanka lagu ansixinaayo ee dawlada lagu dhisayaa sida runta ah wax Somaliland layidhaahdo oo uu gooni u saarayaa ma jirto, ee Somaliland Somaliya ayuunbay kamid tahay, oo qofka u dhaarta inuu Somaliland u shaqeeya wax ka reebaya Somaliya ma jirto oo mabda’an uu u dhaartay ayuunbay Somaliyana kamid tahay, ta kale aniga oo Somaliweyn hadda fikirkeeda qaba oo qaatay haddana marka la rabo in Somaliland loo shaqeeyo danaheedu boqolkiiba boqol waxay ku xidhan yahiin Somaliya, waxaanay u baahan yahiin inay Somaliya ka shaqaystaan loogana shaqeeyo, markaas sida aan u dhigayaa waxay tahay sidaad u dhigayso si ka faa’ido badan oo anigu xataa haddaan maba’a Somaliweyn qaatay mar walba waxaan Somaliland halkan uga qabanaayo ayaa ka badan waxaan markii hore u qabanaayay.

Ugu danbayntii waxaan ku waydiin lahaa maxaad u soo jeedninaysaa shacabka Somaliland iyo madaxweyne Axmed Siilaanyo oo wakhti badan aad wadashaqaynayseen?

Somaliland waa meel tacab aad iyo aad u badan iga qabta, mabda’iyana ma noqonaayo mid Somaliland wax yeelaynaaya. Waxaan jeclahay inay shaqaystaan siday horeba wax badan uga shaqaysteen, waxii Somaliya kaga xidhana aanay ka qaadin dudmo iyo cuqdade ay runtii si hufan ugala hadlaan hadday la  midoobayaan iyo hadday  ka go’ayaanba labaduba halkan ayay ku xidhan tahay, qof qof  halkan ka yimaadana aanay wax dhib ah u arag.

Laakiin waxa fiican inay iyagu mabda’ooda u  shaqaystaan, oo ay danahoodana aad uga fiirsadaan sida ay kaga faa’iidi karayaan in jawi siyaasadeed la abuuro, oo ah Somaliland Sidee ayay ictiraaf dunida kaga heli kartaa, haddaanay ka helaynse maxay danteedu ku jirtaa ma sidanbay sii ahaanaysaa, markaas waxaan leeyahay waxa Somaliland Somaliya kaga xidhan waa inay aad uga fikiraan.

Axmed Siilaanyo waan u mahadnaqayaa, runtiina waa nin qaaliya, oo aad ogtahay taariikhda kaalinta uu ku leeyahay, waa nin halgamaaya waa nin wax badan  Somaliland ugu dul qaatay oo maantana madaxweyne ka ah, waa nin aan saaxiibnahay  soona wada shaqaynay markii aan imanaayayna waanu soo balanay, waanu isoo ambo-bixiyay, waxaanan leeyahay aad iyo aad baad u mahadsantahay, waxii aad hadda nooga baahantahayna waanu kaala shaqaynaynaa adiguna umadda waxii danaheeda ah sidii aad awalba ugu taagnayd ugu taagnaw, waxii dantoodu ku jirtana ha ka ga’bane si dhaba u waajah.

Markaad leedahay waanu soo balanay madaxweyne Axmed Siilaanyo, inaad ku socotay baarlamaanka Somaliya miyuu ogaa, wax xidhiidh ah se ma yeelateen intaad muqdisho joogtay?

Maya taas kamaanu soo balamin, ee waxaan ku idhi jaamacad baan qabanayaa ee jaamacada iga bixi, waanu iga soo caawiyay, sidaas ayaanan ku soo balanay, waxii kale ee aad iiga baahatana waan kaala shaqaynayaa ayaan ku idhi, sidaas ayaanu isku soo macasalaamaynay, baarlamaanka Somaliyana markaas niyadayda kumuu jirin.