Hoggaanka Maktabada Qaranka Oo Codsaday In La Garab Istaago

0
483

Picture1Hargeysa(Geeska)-Kulan lagu soo bandhigayey halka uu marayo hawsha rugta buugaagta  ee qaranka Somaliland(Somaliland National Library), ayaa ka qabsoomay Hotel Sumer Time ee magaalada Hargeysa.

Sida oo kale kulankan ayaa ahaa mid ay isku arkayeen warbaahinta iyo xubnaha abaabulaaya hawsha rugta qaranka.waxana ka soo qayb galay wasiirka qorshaynta qaranka Dr.Sacad Cali Shire, guddida gacanta ku haysa hawsha rugta buugaagta, qaybaha kala duwan ee warbaahinta Somaliland iyo marti sharaf kale.

Xubnaha abaabulaya rugtan buugaagta ee qaranka Somaliland uu yeelan doono,ayaa dhamaan bulsha weynta reer Somaliland u soo jeedisay inay u hagar baxaan taageerida xaruntan si kor loogu qaado aqoonta dadka,isla markaasna loo sameeyo mid ka mid ah astaamaha horumarka ee dal looga baahan yahay.

Axmed Daahir Cilmi oo ka tirsan guddida qaban qaabada dhismaha rugta buugaagta ee heer qaran oo ka hadlay kulankan ayaa sheegay in wakhtigan la hayo dhulkii laga dhisi lahaa taas oo ay bixisay xukuumada Somaliland, waxaanu ka waramay baahiyaha ay bulshada Somaliland u qabto in la helo rugta buugaagta ee heer qaran waxaana hadaladisii ka mid ahaa “Muhiimada aynu isugunimi waxa weeye inaynu bulshadeena gaadhsiino fariinta la xidhiidha rugta buugaagta ee heer qaran, mudo kooban ayeynu ku dhisi karnaa haddii aynu gacmaha isku qabsano, nasiib wanaag xukuumadu dhulkii loogu tala galay rugta buugaagta ee heer qaran way bixisay, waxaanan jecelahay in qof walba uu arinkan iska xil saaro dhismaha rugtan buugaagta.”

Sidoo kale waxa uu ka hadlay baahida ay caruurta Somaliland u qabto inay hesho rugta buugaagta ee heer qaran, taas oo uu tilmaamay in caruurta waxbarashada u heelan ee Somaliland ay baahi badan u qabaan.

Wasiirka qorshaynta qaranka Dr.Sacad Cali Shire oo halkaas ka hadlay ayaa ka waramay baahida loo qabo in lagu guulaysto dhismaha rugtan buugaagta, isaga oo xusay in dadka reer Somaliland ay baahi badan u qabaan rugtaas buugaagta ee heer qaran.Wasiirka wasaarada qorshaynta qaranka Dr.Sacad Cali Shire oo arimahaas ka hadlaya waxa uu yidhi “ Waxaynu caawa isugu nimi dhismaha rugta buugaagta ee heer qaran, waa rug qaaliya waayo waa goob cilmi, iyada oo layna faray inaynu cilmiga barano oo caruurteena barno, waxaana jira axaadiis badan oo ku soo aroortay cilmiga, rugta buugaagta waa goobta kaliya ee haddii uu qofku galo uu ka soo baxayo isaga oo cilmi leh  rugta buugaagtu waa wax ka dhaxeeya caalamka oo dhan haday tahay dugsi hoose mid dhexe mid sare iyo jaamacadahaba, Hargeysa ma laha rug buugaagta oo qaran ah, waana aafo qaran.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas ku daray”Dhalinyaro ayaa u kacday in rugta buugaagta ee heer qaran la dhiso, waxaana loo baahan yahay in la garab galo, waliba baahida aynu u qabno rug buugaag way ka badan tahay baahiyaheena kale, rugta buugaag la’aanteedu waa  mashaakil dhalinyarada haysata, balse waa meel loo baahan yahay inay dhalinyaradu fadhiisan karaan, kaga shaqayn karaan casharooda loo soo diray, kana heli karaan adeegyada dhinaca waxbarashada, waxaan leeyahay cid kasta oo gacan ka gaysata dhismaha rugtan buugaagta iyo maamulkiisaba waxay helayaan xasanaad badan,waxaan ku boorinayaa shacabka Somaliland inay u hagar baxaan dhismaha rugtan buugaagta.”

Suxufiga Cali Axmed Raabi(Cali Seenyo) oo isaguna munaasibadan ka hadlay ayaa ka waramay aqoonta iyo sida loogu baahan yahay in lagu dedaalo, isaga oo guud ahaan qaybaha kala duwan ee bulshada Somaliland ugu baaqay in laga qayb qaato dhismaha rugta buugaagta ee heer qaran.