Agaasimaha Ciyaaraha Oo Ka Hadlay Tartan Ingiriiska Ka Dhacaya Oo Ay Somaliand Ka Qayb Galayso

0
617

Picture5Hargeysa (Geeska)-Agaasimaha Guud ee wasaaradda Dhallinyarada, Ciyaaraha iyo Somaliland  Maxamed Xuseen Axmed (Dhabeeye) ayaa ka hadlay Tartan kubada cagta oo dhammaadka bishan ka dhici doono dalka  Ingiriiska oo Somaliland ka qeyb gali doonto,

Agaasimaha Ciyaaraha Maxamed Xuseen Dhabeeya, oo Shalay  Warbaahinta ugu warmaayey xafiiskiisa, ayaa  sidoo kale waxa uu sheegay in Tartankan ay Somaliland ka qeybi geli doonto uu yahay mid sumcad iyo magac u soo jiidaya, , isaga oo xusay in Tartankan ay ka qeyb gali doonaan Labaataan dal, isla markaana Somaliland isku guruub yihiin Nigeria, Kenya, Burundi iyo Rwanda., waxaanu hadalkiisi ku bilaabay“Waxaan Maanta (Shalay) aan halkan iskugu kiin yeedhay inaan ka war-bixiyo Tartan heer caalami ah oo Somaliland markii ugu horeysay ay ka qeyb-gali doonto tartan kubadda cagta ah oo ka qabsoomaya dalka Ingiriiska, kaas oo ay ka qeyb-gali doonaan ilaa labaataneeyo kooxood oo wadamada Afrikanka ah u badan magaciisana la yidhaahdo African Nations Cup ujeedadiisuna tahay dadyawga Adduunka iyo qoomiyadaha la isku dhex-galiyo oo lagula dagaalamo midab takoorka iyo cunsuriyada. Waxaana arrintaas dadaal weyn ka galay Dhalinyaro reer Somaliland ah oo degan dalka Ingiriiska oo uu ugu horeeyo wakiilka Wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha ee dalka UK Jaamac Olol iyo Asxaabtiisa”.

Agaasime Dhabeeye ayaa isaga oo ka hadlaya Wadamada ay Somaliland isku guruubka yihiin yidhi “Isku aadka tartankan oo maalintii Jimcihii lagu sameeyay garoonka weyn ee Wembley Stadium, iyada oo laga sii daayay Telefishano caalami ah oo uu ka mid yahay Sky Sportd Tv waxaana halkaas ka muuqata in Somaliland ka qeyb-gasho tartan heer caalami ah oo kubadda cagta ah oo markii ugu horeysay dadka reer Somaliland iyo calankoodaba laga dhex arko dalal kale oo waa weyn oo adduunka ka mid ah. Waxaana Somaliland ay la Guruub tahay wadamada Nigeria, Kenya, Burundi iyo Rwanda. Waana 20 kooxood oo afar Guruub ah, waxaana tartankaasi uu bilaabmi doona 30-ka bishan”

Agaasimaha guud ayaa mar uu u mahad-naqayey dhalinyarada reer Somaliland ee ku guuleystay in tartankan Somaliland ka qeyb-gasho, ayaa yidhi “Waxaan u mahad-naqaya una hambalyeynayaa dhalinyarada reer Somaliland ee ku nool wadanka UK ee dedaalkaas samaysay, mana aha markii ugu horeysay ee Jaamac Olol iyo kooxdiisu ay sameeyaan waxaa jiray dedaalo hore oo fara badan oo ay isku dayeen oo ay ka mid tahay inay culeys saareen xidhiidhada kala duwan ee adduunka, sida xidhiidhka kubadda cagta adduunka ee FIFA wadamada kale ee Yurub-na iyo dalal kale oo badana qadiyada iyo Sports-ka Somaliland ay gaadhsiiyeen, waanu ku hambalyeynaynaa dedaalkaas ay muujiyeen ka wasaarad ahaana waxaanu ballan-qaadayna in wixii guubaabo iyo garab-gal ahba inaanu diyaarin doono wixii nagaga soo gudboonaado, waayo waa guul weyn in markii ugu horeysay in calanka Somaliland laga taago garoonka weyn ee Wembley, waxaana faraya bulshada reer Somaliland ee ku nool UK inay taageero la garab istaagaan oo ay ka qeyb-galaan kulamada ay ciyaarayaan”