Turkiga Oo Sheegay Inuu Somaliland Uu U Qoday 5 Ceel Oo Ay Ka Cabbaan 45 Kun Oo Qof

0
564

Picture4Ankara (Geeska)- Wakaaladda Iskaashiga caalamiga ah iyo horumarinta ee dalka Turkiga ayaa war ay soo saartay Jimcihii toddobaadkan ku sheegay in ay Somaliland ka hirgelisya mashruuc biyood ay muwaadiniin badani ka faa’idaysan doonaan. War uu Geeska Afrika ka soo xigtay wakaaladda wararka Turkiga ee Anadolu ayaa intaas ku sii daray in, haayaddan oo gargaarka dibadda u qaabilsan dalkaas, si toos ahna u hoostagta xafiiska raysalwasaaruhu ay sheegtay in mashruucan ballaadhan ay la kaashatay wakaaladda guud ee biyaha ee dalkaas.

War-murtiyeedka ka soo baxay wakaaladda gargaarka ee Tika ayaa isaga oo faahfaahinaya mashruucan oo sida muuqata ay ka waddo guud ahaan dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya, qorshuhuna yahay in ay ka faa’idaystaan 400 oo kun oo Soomaali ah, qaybta Somaliland ka soo gaadhay waxa ay tidhi, “Shan Ceel ayaa laga qoday Somaliland oo biyo yaraani ay ka jirto, waxaana ka faa’idaysanaya 45 kun oo qof”

Haayadda Tika waxa ay si gaar ah u xustay, ceel ay ka qodday deegaanka ku dhow xuduudka Somaliland iyo Itoobiya, iyo tirada dadka ay ugu talogashay in ay ka faa’idaystaan, iyada oo arrimahaas ka hadlaysana waxa ay war-murtiyeedkeedan ku tidhi, “Waxaa xusid mudan in aanu ceel ka qodnay meel ku dhow xuduudka Itoobiya, (Somaliland la leedahay) waxaana ka faa’idaystay kun qof”