Adigu Kee Baad Tahay? Afar Qaybood Oo Shakhsiyadda Aadamuhu U Qaybsanto Iyo Dabeecadaha Lagu Kala Garto

0
864

Carl Jung waa caalim u dhashay dalka Switzerland oo noolaa intii u dhexeysay Julaay 1875 illaa Juun 1961 kii. Waxa uu ku xeeldheeraa cilminafsiga iyo cilmiga dhimirka ee shaybaadhista, daweynta iyo ka hortagga xaaladaha caafimaad darro ee la xidhiidha maskaxda, dareenka iyo jaahwareerka ku dhaca habdhaqanka qofka ama dabeecadihiisa, waxa aanu leeyahay laan ka mid ah daweynta cilminafsiga oo uu isagu hal-abuuray laguna magacaabo ‘Analytical psychology’ ama ‘Jungian Analysis’ oo isaga loogu magac daray. Shaqooyinka ugu badan ee uu qabtayna waxa ay saamayn ku leeyihiin shaybaadhka, daweynta iyo ka hortagga xaaladaha khalkhalka dhimirka keena.

Guulihii ugu horreeyey ee dhinaca cilminafsiga ka gaadhay waxaa ka mid ahaa in uu dadka u kala saaray laba qaybood isaga oo ku salaynaya noocyada habdhaqan ee ay leeyihiin. Waxa uu ka dhigay dad dibadda u furan iyo kuwo xidhan ama naftooda ku kooban (Extraverted iyo Introverted), in kasta oo ay ahaayeen noocyo horeba ay culimada cilminafsigu uga hadleen.  Mar dambe ayaa uu Carl Jung mar labaad maskaxda shaqaynteeda u qaybiyey afar qaybood.

Carl Jung waxa uu aaminsan yahay in ay jiraan noocyo abuur ah oo ay dadku u qaybsan yihiin marka laga hadlayo dhinaca shakhsiyadda ama habadhaqanka, dabeecaddaas oo kaalin weyn ka qaadata dabeecadaha aadamaha. Waxa uu aaminsanyahay in dadku ay guud ahaan u qaybsamaan 12 shakhsiyadood ama nooc oo dhinaca dabeecadda iyo habdhaqanka ah. noocyadaas oo ay soo kala hidderaacayeen tan iyo bilowgii taariikhda aadamaha, waa caddayn qofka dabeecadihiisa iyo shakhsiyaddiisa lagu aqoonsado iyada oo laga yaabo in aanu isagu shakhsiyaddiisa ku ogeyn noocaas in ay tahay ama dareensayn. Waxa aanay saamayn ku yeelataa shaqada iyo hawlaha uu qofku qabanayo ama hal abuurkiisa oo hadba nooca ay shakhsiyaddiisu tahay ay ku xidhan tahay waxa uu xiisaynayo iyo waqtiga iyo dulqaadka uu gelinayaa.

Nooc kastaa waxa uu leeyahay qiyam u gaar ah, yool iyo higsi uu sawiran iyo sida oo kale astaamo iyo dabeecado shakhsiyadeed oo lagu yaqaanno. Dabeecadahaas iyo habdhaqannadaas abuurta ah ee uu qofku leeyahay ayaa uu Carl Jung u qaybiyey saddex kooxood oo uu u kala bixiyey, ‘Aniga, Ruuxda iyo Qofnimada’. Saddexdaas oo qayb kasta dadka ku jiraa ay leeyihiin dabeecado u gaar ah iyo waxyaabo dhiirrigeliya, tusaale ahaan in qofku uu qofnimadiisa jecelyahay iyo in uu xiiseeyo is muujintu waa dabeecadda lagu yaqaanno kooxda ku jirta qaybta ‘Aniga’.

Inkasta oo ay qaybahan kala duwani innagu abuuran yihiin dabeecad ahaan, haddana Jung waxa uu qabaa in mid ka mid ahi ay tahay tan ugu daran ee saamaynta ku leh shakhsiyaddeena, halka kuwa kalana ay saamayn farac ah ku leeyihiin. Sidaas awgeed shakhsiga aynu nahay iyo dabeecadaheenu qaybta ay kaga arooraan qaybahaas qofnimada aynu u qaybinnay ayaa saamayn ku leh, sida marxaladaha kala duwan ee nolosheenna aynu dunida u arkayno, u fikirayno, wax u jeclaanno ama go’aamada u gaadhayno. Iyada oo hadba marxaladda aynu marayno iyo nooca shakhsiyadeed ee saamaynta ku lihi isku xidhan yihiin.

Haddaba waxa aynu hoos ku soo bandhigaynaa noocyadaas aynu aasaasiga ku tilmaamnay dabeecadaha lagu yaqaanno iyo habdhaqankooda, taas oo laga yaabo in ay inaga caawiso garashada naftaada iyo dadka kugu xeeran labadaba.

  1. Beri (Maxaa waxan oo isku weynayn ah kallifay?)

Waa shakhsi aan nolosha isku weynayn, sababtuna waa in aanu arkayn ama doonayun in uu arko culaysyada, caqabadaha iyo carinta nolosha ka buuxa. Waa sida ilmo yar oo beri ah, oo waxa uu doonayo oo dhami ay yihiin in uu arko dadka ku dhow ehel iyo asxaabba oo aan ka dheeraanayn, in uu noloshiisa iyaga ku tiirsanaado maadaama oo uu ku kalsoonyahay, iyo cabsi daran oo uu ka qabo in mid uun dadkaas ku xeeran ahi ka durko ama iskaga goosto.

Waa shakhsi niyadsan oo mar kasta dhinaca ifaysa wax ka eega, dadka kalsooni iyo muhiimad siin weyn ayaa uu kula xidhiidhaa. Inta badna waa ruux ay dadka ku xeerani jecel yihiin, laakiin ceebtiisa ugu weyni waa in uu yahay qof aanay u muuqan goljicilda uu leeyahay iyo meelaha uu u liitaa, mararka qaarkoodna jiritaankoodaba waa uu dafiraa. Waxaa intaas u dheer in uu dafiro ama is diidsiiyo dhibaatooyinka noloshiisa ka horyimaadda,  natiijada ka dhalataana waxa ay noqotaa in isaga oo aan ku talagelin uu dhibaato u soo hooyo naftiisa iyo dadka ku xeeran.

Shakhsiyaddan waxa aynu tilmaamteeda ku soo ururinaynaa:

  1. Halkudheggiisa noloshu waa: Dadka oo dhan waa aan ku kaloosnaanayaa
  2. Doonistiisa aasaasiga ahi waa: In uu badhaadhe iyo barwaaqo ka gaadho nolosha.
  3. Yoolkiisu waa: In uu mar kasta aamin ahaado oo aanu dhib arag iyo in uu farxad helo.
  4. Cabsidiisa ugu weyni waa: Warwar uu ka qabo in mar uun ay dhacdo in si ku talagal ah ama aan ku talagal ahayn gef u galo, kaddibna dadka ku xeerani ay ku ciqaabaan in ay gooyaan kana dheeraadaan,
  5. Istaraatijiyaddiisa noloshu waa: In uu ku dadaalo in aanu qalad gelin / Eed ka carar ayuu noqdaa.
  6. Dareen celintiisa ku aaddan dhibaatooyinka soowaajaha: In dhibta haysa uu iska indha mariyo / is diisiiyo ama in aanu kelidii waajahin ee markaba uu gurmad iyo gargaar ka dalbado dadka kale.
  7. Ceebihiisa: Maangaabnimo, dhallaannimo, illow iyo in uu iska indha tiro mushkiladaha runta ah ee horyaalla, xal u raadintoodana aanu ku dadaalin.
  8. Faa’iidooyinkiisa: Waa shakhsi niyadsan oo dhinaca fiican arrimaha ka eega, qof lagu kalsoonaan karo, qof aan kibirka aqoonin, daacadnimaduna waa ay ku badan tahay.