WADDANI Oo Sheegay Inaan Wufuudda Shisheeye Ee Dalka Yimid Aanay Tilmaan U Ahayn Guul Laga Gaadhay Arrimaha Dibedda

0
608

Hargeysa (Geeska) – Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa sheegay in Wufuudda Dalalka shisheeye ka socda ee Somaliland yimaaddaa aanay tilmaan u ahayn in wax wanaagsan ka qabsoomeen siyaasaddii Arrimaha dibedda ee Somaliland.

Xirsi wuxuu sheegay in Wufuud uu ugu dambeeyay Wasiirka arrimaha dibedda ee Malawi uu Somaliland booqasho ku yimid isla-markaana Wufuud Somaliland ka socdaa tageen dalalka Dibedda qaarkood, laakiin arrimahaasi aanay tusaale u ahayn in siyaasadda arrimaha dibedda wax laga qabtay.

Xirsi Cali Xaaji Xasan oo u warramay Weriye Khaalid Foodhaadhi ayaa ugu horrayn ka hadlay siduu u arko Wufuudda Dalalka shisheeye ka imanaya oo ku soo badanaya Somaliland iyo in arrintaasi tusaale u tahay in wax wanaagsan laga qabtay siyaasadda arrimaha dibedda inta uu xukunka dalka hayey Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxaanu yidhi  “Weftiyo inay inoo yimaaddaan iyo inay innaga tagaan maaha inay Arrimihii dibedda wax ka qabsoomeen.”

Hoggaamiyaha WADDANI wuxuu sheegay in Wasiirka Arrimaha dibedda Malawi ka hor ay Somaliland yimaaddeen Wasiirro ka socday Dalalka Yurub “Waxa halkan inoogu yimid Wasiirro reer Yurub ah oo aan mid ahayn, laba ahayn oo aan saddex ahayn, afar ama shan dal ayay Wasiirradoodu inoo yimaaddeen oo Madax sare ah, markaa  in Wefti ka yimid Malawi maaha wax weyn oo Mucjiso ah.” Ayuu yidhi

Xirsi Cali Xaaji Xasan wuxuu sheegay in Xukuumaddu guul ay ka sheegato Arrimaha dibedda iska daaye uu hoos u dhacay xidhiidhkii Somaliland la lahayd dalalka qaarkood “Arrimaha dibedda, maan arag meel gaar ah oo ay ku sheegteen inay guul ka gaadheen, laakiin Safarro way sheegan karaan, haddii aan ka soo qaado inay guul sheegteen waa guul iyaga la waydiin doono ee maaha guul annaga noo muuqata, maaddaama oo ay Somaliland weli halkii taagan tahay oo aan la ictiraafin, helin wax horumar ah oo xagga arrimaha dibedda ah oo soo kordhay aanu jirin, ma garan karo sabab ay guul u sheegtaan (Xukuumaddu), marka la eegana Dawladaha qaarkood Karaamadii aynu ku lahayd qaarkood hoos bay uga dhacday, sida Itoobiya..”  ayuu yidhi.

Geeska.net/Hargeisa Office