Adiga Kee Baad Tahay? Afar Qaybood Oo Shakhsiyadda Aadamuhu U Qaybsanto Iyo Dabeecadaha Lagu Kala Garto (4)

0
904

Waa qaybtii afaraad ee maqaalkii aynu ku soo bandhigaynay qaybihii uu Carl Jung u qaybiyey shakhsiyadda aadamaha:

  1. Xikmaawi – xaqiiqa raadis

Waa shakhsiyad raadinaya garashada xaqiiqda, wax kasta oo ay ku kacayso. Waa shakhsi aad uga xikmad badan dadka ku xeeran, dunidana aragti waaqac iyo run ah ka haysta. Dhibaatada ugu badan ee qofkan qabsataa waa cabsida uu ka qabo in runta iyo aqoonta uu dadaalka weyn geliyey helisteedu ay noqoto aqoon aan macno badan lahayn ama aan u dhisnayn aasaas run ah oo adag.

Shakhsiyaddan waxa aynu tilmaamteeda ku soo ururinaynaa:

  • Halkudheggiisa noloshu waa: Garashada ayaa xorriyad ku siinaysa.
  • Doonistiisa aasaasiga ahi waa: Helista aqoonta iyo garashada.
  • Yoolkiisu waa: In uu garaad iyo awood u adeegsado lagafurka iyo fahamka adduunyada.
  • Cabsidiisa ugu weyni waa: Cabsida haysaa waa in uu jaahilnimo ku dhaco ama khiyaamo iyo majarahabaabini ay ku dhacdo
  • Istaraatijiyaddiisa noloshu waa: In aanay jirin wax ka hor istaaga raadinta garashada.
  • Ceebtiisa: Waa dhaliishiisa oo badan, aadna u qallafsan, iyo beernugaylka iyo kalgacalka oo ku yar.
  • Waxa uu la gaar yahay / astaamihiisa: Xikmad badnaan iyo garashadiisa oo aad u badan.
  1. Majaajilayste – Waa dadka nooca ugu wareerka iyo wahsiga badan

Inkasta oo shakhsiga noocan ahi yahay qof aynu mar kasta ku tilmaamsanno waalli iyo wahsi badnaa, haddana kaalin muhiim ah ayaa uu ka ciyaaraa nafteenna; Ficilladiisa iyo hadalladiisuba waxa ay dadka ku dhiirrigeliyaan xidhiidhka iyo isla falgalka, waxa aanay yareeyaan kala qoqobnaanta bulshada. Waxa uu caawiyaa in nolosha lagu arko aragti badqabta oo togan. Waxa kale oo dadka ku xeeran uu baraa sida ay muhiim u tahay in aan la buunbuunin ama intooda laga weynayn dhibaatooyinka dhacaya.

In kasta oo uu yahay shakhsi maadda iyo fududayda u janjeedha, haddana dadka noocan ahi waa kuwa ugu fahamka badan yoolka laga leeyahay nolosha, waana sababta u fududaysa in uu noqdo qof noloshiisa ku raaxaysta; waayo waxa uu ugu noolaadaa sida ay tahay ee isdiidooyinka iyo wareerku astaanta u yihiin. Waa shakhsi qaddarin inta loo baahan yahay ka badan siiya nasashada iyo fakahaadsiga.

Shakhsiyaddan waxa aynu tilmaamteeda ku soo ururinaynaa:

  • Halkudheggiisa noloshu waa: Raaxayso Ilbidhiqsi kasta oo noloshaada ka mid ah.
  • Doonistiisa aasaasiga ahi waa: In uu helo fursad uu dadka oo dhan kaga farxin karo.
  • Yoolkiisu waa: Raaxaysi iyo farxad u gaar ah in uu helo.
  • Cabsidiisa ugu weyni waa: In uu daal dareemo ama ay dadka kale daal iyo wahsi ku keenaan.
  • Istaraatijiyaddiisa noloshu waa: Maadaysi iyo in uu jeediyo hadallo majaajilo ah.
  • Ceebtiisa: Masuuliyad darro, fudayd, caajis iyo wahsi uu u qaado wax kasta oo aan ahayn majaajilada iyo maadda, hadalladiisa oo mararka qaarkood dhaawaca dareenka dadka ku xeeran.
  • Waxa uu la gaar yahay / astaamihiisa: Furfurnaan iyo kaftan jacayl iyo awood uu u leeyahay in uu ilbidhiqsi kasta oo noloshiisa ka mid ah raaxaysto. Dhammaad.