Somaliland Iyo Jabuuti Oo Lix Sanadood Ka Dib, Si Rasmiya Iskugu Furay Xuduudka Ay Wadaagaan

0
599

Lowyacaddo (Geeska) – Dawladaha Somalland iyo Jabuuti, ayaa Shalay lix sanadood ka dib Xuduudka isugu furay si rasmiya.

Dawladda Jabuuti ayaa xuduudka ay la leedahay Somaliland xidhay sannadkii 2014-tii, ka dib markii uu Qarax ka dhacay Magaalada Jabuuti.

Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi oo safar ku jooga dalka Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa Shalay soo gaadhay Magaalada Lawyacaddo, halkaasi oo lagu qabtay Munaasibad soo dhaweyn ahayd isla-markaana bar bilow u ahayd dib u furidda Xuduudka labada Dal.

Madaxweynaha Somaliland oo khudbad ka jeediyey Lawyacaddo ayaa isagoo arrimahaa ka hadlaya wuxuu yidhi “Waxaanu Madaxweynaha Jabuuti uga Mahad-celinaynaa inuu la dhameeyay Dhibaatadii yarayd ee ka taagnayd Waddada gaadiidka, Maantana (Shalay).”

Madaxweyne Biixi wuxuu sheegay “Waddadu waxay xidhnayd muddo lix sanadood ah sababo amaan awgood iyo wixii hore u dhacay ee aynu ogayn..” ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey in labada Shacab looga baahan yahay “Waajibaadka ina saaran waxa weeyaan Shacabka Somaliland iyo Jabuuti waa isku mid dhaqan ahaan, Dad ahaan, waa laba Dad oo ilaahay isku dhafay, isku dhaxay, isku dhalay, wada dhashay..”

Madaxweyne Muuse Biixi wuxuu sheegay in Jabuuti iyo Somaliland wax wada qabsan doonaan “Waxay noqonaynaa Dawladaha iskugu dhow, wax wada qabsada, dhibaatada iskaga gurmada, wixii horumar ah wadaaga, oo aynu ka baxno Ra’yigii hore  ama Maskaxdii hore ee Isticmaarku qaybiyey ee ahayd in sharciyada la adkeeyo oo Dadka xuduudaha lagu dhibo Mustaqbalka waynu ka baxaynaa..”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Jidkaa haddii la furay waxa inna saaran Masuuliyad weyn labada dhinacba, masuuliyadda inna saarani waxa weeyaan Dadka aan xil kaska ahayn ama Maskaxdooda la beddelay ee dhibaatooyinka wada ee nabadgalyada xumayn kara ee dhinac walba joogi kara.”

 

Geeska.net/Hargeisa Office