Madaxweyne Biixi Oo 48 Saacadood Gudahood Laba Jeer Isku Shaandhayn Kooban Ku Sameeyey Xukuumaddiisa

0
636

Hargeysa (Geeska)- Madaxweynaha Somaliland ayaa isku shaandhayn kooban oo uu mar laba 48 saac gudahood ku sameeyey golihiisa xukuumadda, waxa uu xilkii ka qaaday agaasimihii guud ee wasaaradda shaqo gelinta iyo arrimaha bulshada mudane Maxamed Cilmi Aadan (Ilka Case).

Isla wareegtadaas waxa uu madaxweynuhu ku magacaabay in xilka agaasimaha guud ee wasaaradda shaqo-gelinta iyo arrimaha bulshada uu qabto mudane Cabdirashiid   Ibraahim   Sheekh   Cabdiraxmaan, oo uu ka soo beddelay wasaaradda qorshaynta iyo horumarinta Qaranka ee uu isla xilkan ka hayey.

Waxa kale oo uu madaxweynuhu wareegtada ku magacaabay Mubaarak   Cabdillaahi Ibraahin oo noqon doona agaasimaha guud ee wasaaradda qorshaynta.

Mudane Mubaarak waxa uu muddo dheer ka mid ahaa saraakiisha isla wasaaradda wasaarada qorshaynta qaranka.

Sabtidii 22 kii Juun ayaa uu madaxweyne Muuse Biixi Cabdi soo saaray wareegto tan la mid ah oo uu xilka kaga qaaday wakiilkii Somaliland ee Shiinaha iyo wakiil ku xigeenkii Itoobiya, sida oo kalana ku magacaabay, wakiil cusub oo shiinaha fadhiyi doona, guddoomiyaha gobalka Badhan iyo ku xigeenkiisa.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here