Dowladda Turkiga Oo Ka Hadashay Mawqifkeeda Wada Hadallada Somaliland iyo Soomaaliya iyo Ka Qaybgalinta Madax-Dhaqameedka Labada Dhinac

0
748

Picture7Hargeysa (Geeska)- Dowladda dalka Turkiga ayaa si adag u beenisay warkii uu afhayeenka salaadiinta Somaliland Suldaan Yuusuf Maxamed Xiiray ku sheegay in ay ka qayb geli doonaan shirkaas oo uu sheegay in aanu hadda kadib u gaar noqon doonin siyaasiyiinta Somaliland.

Haddaba war fiidnimadii xalay ka soo baxay Qunsuliyadda Turkiga ee Somaliland ayaa si adag loogu sheegay in Dowladda Turkigu arrintaas aanay waxba kala socon isla markaana aanay tallaabo noocaas ah qaadayn, hadda iyo mustaqbalka midna.

Warsaxaafadeedkaas oo nuqul ka mid ah uu helay Wargeyska Geeska Afrika ayaa Qunsulka Guud ee Turkiga u fadhiya Somaliland Muzaffer Yüksel waxa uu ku yidhi, “Aniga oo ku hadlaya afka dawladda Turkiga, Qunsuliyadda Turkigu waxa ay ogaysiinaysaa bulshada reer Somaliland in warkaasi kusoo baxay saxaafada maxalliga ah, dulucdiisuna ahayd “Af hayeenka Salaadiinta Somaliland oo xaqiijiyey in ay ka qayb galayaan wada-hadaladda Turkigu dhexdhexaadinayo” in warkaasi aanu ahayn, mid sugan isla markaana yahay mid marin habaabin ah”

Qunsulku waxa uu sheegay in dalkiisu aanu codsi noocaas ah cidna u dirin, isla markaana wax ka beddel lagu sameeyo qaabkii wada hadalladu hore u socdeen ay ku xidhan tahay haddii codsi ka yimaaddo dowladda Somaliland, isaga oo arrintaas war-saxaafadeedkiisa kaga hadlayana waxa uu yidhi, “Waqtigani la joogo Dawladda Turkigu cidna kama ay codsan in ay ka qayb-galaan wada-hadalada laba geesoodka ah, oon ka ahayn Dawladda Somaliland umana qorsheysna in ay talaabadaasi qaado mustaqbalka haddii aanay dowladda Somaliland ka codsan”

Ugu dambayntii Qunsulka guud Muzaffer Yüksel waxa uu shacabka Somaliland uga digay in ay qaataan war kasta oo aan si rasmi ah uga soo bixin dowladda Turkiga oo dabcan uu isagu arrimaha Somaliland uga masuul yahay, “Waxaanu jeclaan lahayn in aan bulshada reer Somaliland dhag u dhigin war aan si rasmi ah uga soo bixin Dawladda Turkiga”