Wiilkii Qaddaafi Ee Sayful Islaam Oo Isu Diyaarinaya In Uu Isu Sharraxo Madaxweynaha Liibiya

31
3263

Tiriboli (Geeska)- Shabakadda wararka ee RT ayaa warbixin ay dhowaan baahisay ku sheegtay in doorashooyinka ku soo fool leh dalka Liibiya ay noqon doonaan kuwo aad u xamaasad iyo xanaf badan, kadib markii Sayful Islaam Qaddaafi uu ku dhawaaqay in uu qorshaynayo in uu is sharraxo.

Sayful-Islaam Qaddaafi oo ah 45 jir kaalinta labaad kaga jira da’da carruurta uu dhalay hoggaamiyihii la dilay ayaa imika la aaminsan yahay in uu kaalin mug leh ka qaadan karo dib u heshiisiinta iyo nabadaynta dalkan oo tan iyo markii aabihii xukunka laga riday, galay xaalad burbur iyo qulqul dhiig ah.

Raysalwasaaraha xukuumadda Itaalka daran, balse dunidu aqoonsan tahay ee Liibiya, Faayis Siraaj iyo Janaraalka awoodda badan ee Khaliifa Xaftar oo ay taageeraan Masar iyo Imaaraadka Carabtu ayaa iyaguna hore u shaaciyey in ay doorashada ka qaybgelayaan.

Afhayeen rasmi ah oo u hadlay qoyska hore muddada 40 ka sano ah uga soo taliyey Liibiya ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in Sayful-Islaam Mucammar Al-Qaddaafi uu niyadda ku hayo in uu ka qaybgalo doorashada madaxtinimada ee 2018 ka.

Horraantii sannadkan sii dhammaanaya ee 2017 ka ayaa uu Sayful-Islaam Qaddaafi sheegay damaciisa ah in uu dib ugu soo noqdo siyaasadda, hadalkaas oo uu sheegay waqti yar kadib markii xabsi ku yaalla Liibiya oo uu ku jiray Lix sano lagaga sii daayey cafis guud oo ka soo baxay baarlamanka dalka Liibiya. Cafiskan waxa uu Baarlamanku doonayey in uu noqdo mid dadka u horseeda is calool xaadhasho nabadayn u gogolxaadho.

Sayful-Islaam oo intii uu xidhnaa maxkamad aan sharciyaddeeda la isku waafaqin la soo taagay ayaa lagu eedeeyey in uu ka qaybqaatay xasuuq iyo dil badan oo dhacay sannadkii 2011 kii xilligii ay socdeen kacdoonnada aabihii xilka lagaga tuuray.

Tan iyo markii gadood dadweyne oo dagaal hubaysan isu beddelay uu xukunka ka tuuray Qaddaafi, waxaa dalka Liibiya ka dhacay kala qaybsanaan xooggan, waxa aanay taladii dalku gacanta u gashay kooxo siyaasadeed iyo maleeshiyooyin hubaysan oo mid kastaa deegaannadiisa awoodo dheeraad ah ku leeyahay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here