Baarlamaanka Itoobiya Oo Ansixiyay Golaha Wasiirada Uu Dhisay Raysalwasaraha Cusubi

1
528

itoobyaAddis Ababa(Geeska)-Baarlamaanka Itoobiya ayaa shalay ansixiyay wasiiro cusub oo uu todobaadkan magacaabay Raysalwasaaraha dalkaas Mr.  Hailemaraiam Desalegn. Baarlamaanka ayaa ansixiyay jagooyinkan cusub iyo kuwo hore  loo magacaabay.

Mukhtar Khadir oo ka tirsan ururka OPDO ayaa loo magacaabay wasiirka shaqaalaha dawlada ahna Raysal-wasaare ku-xigeen. Debretsion Gebremachael oo ah ka mid ah TPLF ayaa loo magaacabay wasiirka Isgaadhsiinta &  Tiknoolajiga ahna Raysal-wasaare ku-xigeen. Raysal-wasaare ku-xigeenkii hore Demeke Mekonnen wasiirka Waxbarashada, ayaa shalay  la ansixiyay. Itoobiya ayaa markii ugu horeesay yealanaya 3 ra'isulwasaare ku-xigeen oo ayy laba ka mid ahi yihiin muslim.

Dhanka kale, 4-ta xisbi ee EPRDF ka kooban tahay ayaa ka dhex muuqda jagooyinka ugu sareeya dawlada Itoobiya oo ah ra'isulwasaaraha iyo 3-da ku xigeen. Wasiirkii caafimaadka dalka, Tedros Adhanom, ayaa noqonaya wasiirka cusub ee arrimaha dibada Itoobiya.

laba jago ee kale oo heer wasiir ah ayaa kala ah Wasaarada ganacsiga oo loo ansixiyay Kebede Chana, oo mudo dhawr bilood ah hayay jagadan, halka wasiirka cusub ee caafimaadku uu noqon doono loona ansixiyay Kesteberhan Adamasu.

Hailemaraim ayaa sheegay in magaacabida lagu saleeyey kartida, aqoonta iyo waayo aragnimada xubnaha la magaacabay.

Waa isbadalkii ugu horeeyey u sameeyo ra'isulwasaarhii tan iyo markii loo dhaariyey xilka, ka dib geeridii Meles Zenawi.

Comments are closed.