Geeska Afrika Oo Helay Warqad Uu Guddoomiye Cirro U Diray Guddoomiyaha Guurtida Oo Uu Kaga Hadlayo Xeerkii Muranka Dhaliyey

0
550

Picture8Hargeysa(Geeska)-Wargeyska Geeska Afrika ayaa helay dhambaal uu guddoomiyaha golaha wakiilada Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi jimcihii toddobaadkan u diray guddoomiyaha golaha guurtida Md. Saleban Maxamuud Aaden. Dhambaalkan oo ku taariikhaysan 30/10/2014, waxa uu Md. Cirro kaga hadlayaa qodobada ay xildhibaanada ka soo horjeeda ee KULMIYE ku eedaynayaan inuu dhalan rog ku sameeyay, waxaanu qoraalkiisa ku cadeeyay in nuqulka golaha guurtida loo gudbiyay uu yahay isla nuqulkii ay golaha wakiiladu ansixiyeen. Qoraalka oo dhammaystiran kuna socda guddoomiyaha golaha guurtida ayaa wuxuu u qornaa sidan “Tixraac warqada golaha guurtida sumadeedu tahay GG/JSL/10/2014 kuna taariikhsanayd 10/16/2014 iyo ta’ golaha wakiilada ee ay sumadeedu ahayd GW/G/05/120/2014 kuna taariikhsanayd 18/10/2014 kuna saabsanaa wax ka bedelka iyo kaabista xeer Lr. 37/2007.

Mudane, guddoomiye anigoo eegaya wada shaqaynta distooriga ah ee labada gole iyo kulankeenii shalay ee taariikhdiisu ahayd 29/10/2014, waxaan ka jawaab celinayaa saddexdii qodob ee ku xusnaa warqadiinii kor ku xusan ee kala ah Qodobka 25, qodobka 26aad iyo qodobka 27aad faqradiisa 2aad.

Mudane guddoomiye, waxaan halkan kuugu cadaynayaa in nuqulka xeerka ee loo soo gudbiyay golaha guurtida uu yahay isla nuqulka golaha wakiiladu ansixiyay mana jiro nuqul labaad oo xeerkani leeyahay sidaas darteedna farqi uma dhaxayn karo nuqulkan iyo nuqul kale oo aan jirin. Haddaba mudane guddoomiye, qodobka 25aad waxa lagu daray farqada labaad, oo ah dalabka ka yimid Madaxweynaha

Jamhuuriyadda Somaliland

 mudanayaashuna dooda ka

 taageereen. (Eeg digreetada

 madaxweynaha ee halkan ku lifaaqan). Waxayna farqada labaad u qorantahay sidan:-

“Haddii ay dhacdo in muwaadiniinta qaarkood ay suurtogeli weydo inay hore u soo qaataan warqada aqoonsiga muwaadinka waa in wasaaradda arrimaha guduhu ku sugto muwaadinimadooda goobta qaadashada kaadhka cod bixiyaha.”

Qodobka 26aad

Qodobkan oo ah in sawir laga qaado indhaha muwaadinka marka uu isu diiwaangelinayo cod bixiyaha. Qodobkan baa keenaya baahida wax ka bedelka iyo kaabista xeer Lr. 37/2007, mudanayaashuna ku taageereen doodda mana jirto wax faraq ah oo u dhexeeya nuqulka goluhu ansixiyay iyo ka golaha guurtida loo gudbiyay.

Waxayna faqrada afraad ee qodobka 26aad u qorantahay sidan:- “Muwaadin kasta oo iska diiwaangelinaya komishanka doorashooyinka qaranka cod bixiye si sharciga waafaqsan waxa la raacayaa habka gaarka ah ee aqoonsiga cod bixiyaha (Unique Biometric identification) oo ah in sawir laga qaado insha muwaadinka.

Qodobka 7aad, faqradiisa 2aad

Oo ka hadlaysa waajibka komishanka ka saaran kaydinta, xafidaada iyo soo saarista liiska kama dambaysta ah ee diiwaangelinta cod bixiyayaasha, malaha nuxur badan oo lagu murmo, marka laga reebo mudada la soo saarayo liiska kama dambaysta ah ee cod bixiyayaasha.

Qabyo qoraalkii xeerka ay xukuumadu soo gudbisay waxay ugu jirtay sidan:- “Liiska diiwaanka cod bixiyayaasha waxa soo saaraya komishanka doorashooyinka qaranka laba bilood ka hor xilliga doorashada.” (qodobka 26aad, faqrada 2aad) isla qabyo qoraalkaas waxa kale oo ku qoran qodobkiisa 7aad “Komishanku waa inuu furo diiwaangelinta cod bixiyayaasha muddo aan ka yarayn lix bilood ka hor xilliga doorasho kasta , si kasta, si loo diiwaangeliyo cod bixiyayaasha cusub loona tirtiro cod bixiyayaashii hore loo diiwaangeliyay ee xeerku ka reebay in dib loo diiwanageliyo.”

Hase yeeshe doodii xildhibaanada arrintaas waxa ka mid ahayd in lix bilood gudahood ka hor doorashada la soo saaro liiska cod bixiyayaasha taas dambe ayaana ku soo baxday xeerka, waxase goluhu isla qaatay go’aan ka baxsan xeerka oo sheegaya in la qaato soo jeedintii guddiga arrimaha gudaha, waxa muuqata inaan la is waafajin go’aankaas isaga ah. Taas darteed farqada labaad ee qodobka 7aad waxay u qormaysaa “Komishanka waxa uu xil ka saaranyahay soo saarista liiska kama dambaysta ah ee diiwaangelinta cod bixiyayaasha ugu yaraan lix bilood ka hor maalinta doorasho kasta.”

Wixii wax ka bedel iyo kaabis lagu sameeyay qodobada kale waxa la waafajiyay xeerka diiwaangelinta cod bixiyayaasha xeer Lr 37/2007 iyo lifaaqyadiisa xeerka jisniyada xeer Lr 22/2002, xeerka gobalada iyo degmooyinka oo dhammaan qodobada xeerkan ku jira ee ka horimanaya la waafajiyay.

Mudane guddoomiye, iyadoo baahi weyn loo qabo ansixinta kaabista iyo wax ka bedelka xeer Lr 37/2007, waxaan rajaynaynaa in goluhu dhaqso uga gutaan waajibkooda dastuuriga ah.