Xildhibaan Rayte Oo Xukuumada Silanyo Ku Eedeeyay Xaaladaha Siyaasadeed Ee Dalka, Sheegayna Inaanu Madaxweynuhu Doorasho Diyaar U Ahayn

0
602

rayteHargeysa(Geeska)-Xildhibaan Ibraahim Jaamac Cali(Rayte) oo ka tirsan mudanayaasha aqalka golaha wakiilada Somaliland, ayaa sheegay in madaxweyne Siilaanyo aanu diyaar u ahayn in uu dalka doorasho ka qabto, waxaana uu tilmaamay in madaxweyne Siilaanyo aanay islahayn hadalkiisa iyo ficilkiisa toona, isaga oo carabka ku dhuftay in xukuumada madaxweyne Siilaanyo aanay u diyaar garoobin in ay dalka doorasho ay ka qabtaan.

Xildhibaan Ibraahim Jaamac Cali(Rayte), ayaa hadalkan ka sheegay waraysi gaar ah oo uu shalay siiyey wargeyska Geeska Afrika, waxaana (Eeg Bogga 2aad)uu xukuumada Kulmiye uu ku tilmaamay mid ay astaan u tahay in ay mar walba iska daba hadasho iyada oo uu tibaaxay in madaxweyne Siilaanyo hadalo uu yidhi ay beeninayaan wasiiradiisu. "Waan arragnaa kala hadalka xukuumada, waana calaamad xukuumadani leedahay in ay dhawr af oo kala duwan ay ku kala hadasho, in madaxweynahii hadlay uu wasiirkiisii ka daba hadlo oo waxii uu yidhi uu beeniyo, waa waxyaabaha xukuumadan mar walba lagu tilmaamo ee astaanta u noqday. Waxaan qabaa doorashadu in ay dhacdo oo ay xiligeedii ay ku dhacdaa waa waajib distoori ah, waajibkaasina waxaa uu saaran yahay madaxweynaha, Madaxweynahuna haddii uu waajibkaa fulin waayo waxaa uu noqonayaa nin distoorkii jabiyey. Doorashada waxa aanu anagu ka xisbi ahaan aanu uga fadhinaa mar horena waa uu sheegnay, baarlamaankana waa uu ka sheegay, maalintii dhawaydna umadda ayaa uu u sheegay in ay doorashadu ay xiligeedii ay ku qabato, uuna uu isagu uu diyaarna u yahay hase yeeshee ficilka ama astaamaha ka muuqda xukuumadan sida ay ka mid tahay wasiirada hadlaaya ee leh doorashadu dib ayaa ay u dhacaysaa iyo ficilada kale ee ay xukuumadu ku kacaysaa iyo waliba in aanay xukuumadu u diyaar garoobaynin xisbi ahaan ama xukuumad ahaanba u diyaar garoobaynin doorasho waa ay muuqataa oo waa wax ay dadku wada arkayaan, Maah-maah af Ingiriisi ah ayaa tidhaahda ficilku waa ka dhawaaq dheer yahay hadalka, hadalka uu madaxweynahu yidhi waa aynu maqlaynaa, ficilkiisiina waa aynu arkaynaa labaduna aad ayey u kala duwan yihiin, Doorasho in ay qabsoonta dadka, xisbiyada mucaaradka iyo aduun waynahuba waa ay uga fadhiyaan ma aamin sani anigu shakhsiyan in madaxweynahu uu doorasho u diyaar yahay iyo xukuumadiisuba in ay u diyaar garawday ma qabo"Ayuu yidhi Xildhibaan Rayte.

Xildhibaan Ibraahim Rayte, waxaa uu sida oo kale ka hadlay xiisadii siyaasadeed ee muddooyinkii danbe ka taagnayd gobalka Awdal, waxaana uu tibaaxay in tabashada reer Awdal ay tahay kaliya mid u baahan in garawshiyo laga bixiyo waxa ay tabayaan, balse aanay xukuumadu dariiqaas u marin.

"Waxaan qabaa tabashada reer Awdal,ama deegaamada kale ee reer Somaliland sida bariga Sanaag iyo Sool wax weyn ayaa ka jira. Waxaana ay tahay in si qaranimo ah looga wada hadlo, si qaranimo ah tabashada lagu buuxiyo, si qaranimo ah looga heshiiyo. Waxaad mooda xukuumadani iyada oo ay tabashadu ay jirto in ay hadana talaabooyin kale oo tabashada sii bisbaasaynaya ama sii fogeynaaya in ay ku kacayso sida ciidamada meesha la geeyey, nin hadlay ciidan looma geeyo, waa nin hadlay boorama ayaa uu ka hadli karaa, Hargeysa ayaa uu ka hadli karaa sideedabana hadalku dambi maaha, ninku ra'yigiisa haddii uu hadlo oo uu yidhaahdo Somaliland anigu ma' aamin sani, dee cod ayuunba lagu kala baxaa oo Somaliland cod ayey ku dhisan tahay , Somaliland codka dadka shacabka ah ayaa ay ku dhisan tahay, haddii ay se tahay xoog iyo rabshad uu isticmaalana, xooga iyo rabshaduhu kuma jiraan dariiqooyinkeena ama siyaasadeena, xooga iyo rabshada cidna looma ogala in ay adeegsato. Waxaan qabaa arrinta Awdal maaha arrin fog waa tabasho, tabashana dawadeedu waa dee waxii la tabanaayey in aad ka garawdaa, tabashada xalkeedu waa garawshiiyo uun".Ayuu yidhi Md:Rayte. Md:Ibraahim Jaamac Cali oo sida oo kale hadalkiisa sii wata, ayaa talaabo aad u fool xun ku tilmaamay socdaalkii uu madaxweyne Siilaanyo ku tagay gobalka Awdal ee aanu u hoyan magaalada Boorama, waxaana uu carabka ku dhuftay in ay ahayd talaabo sii fogeynaysa dareenka tabasho ee ay qabaan reer Awdal.

"Arrintaasi sida dadka reer Awdal ay ugu muuqatay iyo sida kuwa miyirka qaba ee reer Somaliland ay ugu muuqato, ayuunbaan ka qabaa anna, waxa weeye waxaa ay ahayd arrin fool xun, madaxweynaha waxaa laga sugaayey reer Awdal waa ay is arkeen tabashadooda waa ay u gudbiyeen, tabashadii muddo ayaa ay ku qaaday, kamuu soo jawaabin, waxba kamuu odhan dabadeed waxa dhacay waxyaabaha Waber iyo waxii ka danbeeyey, Jawaabta madaxweynahu waxaa ay noqotay in uu ciidan iyo RRU uu geeyo meesha, meeshuna hadal ayey u baahan tahay, madaxweynaha iyada oo jawaab laga sugaayo arrintaa waxii uu ka qaban karaayo, ka qabanayo ama ku talo jiro in uu ka qabtaba in uu soo celiyo oo reer Awdal ku soo celiyo inta uu socdaal ku tago Awdal aanu Boorama fadhiisan oo aanu la hadlin arrintiina aanu waxbaba ka dul qaadin, waxaana ay ila tahay waxyaabaha wax sii fogeynaaya ayey ka mid tahay ma'nay ahayn arrin haboon oo cid kula talisayba madaxweynaha talo wanaagsan ma'aysan ahayn"Ayuu yidhi Md:Ibraahim Jaamac Cali.

Xildhibaan Rayte, waxaa kale oo uu ka hadlay hubka dhawaan lagu qabtay Markab ku soo xidhay dakeda magaalada Barbera, waxaana uu xukuumada ku dhaliilay in aanay xog faah faahsan aanay bulshada, xisbiyada iyo caalamkaba aanay ka siin hubkan lagu qabtay markabka ku soo xidhay magaalada Barbera, waxaana uu yidhi:"Anigu waxaan qabaa in hubka illaa hada wax macluumaad ah aanay xukuumadu ka bixinin, waxaana laga sugaayey macluumaad sugan in ay xisbiyaa iyo shacabkaba ay siiso, hubkani maxaa uu ahaa, xaguu ka yimi, xaguu ku socday, waa intee yaa loo waday, muxuu halkan u soo maray, ma inaga ayaa uu inoo socday , ma cid meel kale ah ayaa uu inoo dhaafayey. Waxaas oo dhan in ay xukuumadu ka jawaabto waa looga fadhiyaa, waana aamuska ay xukuumadu ka aamustay waxyaabaha keenaya hadalada Puntland ka soo yeedhay oo kale. Waan se qabaa maadaama hubkani uu dakeenii yimi, si aan inaga tuhun inoo soo galin in cid Alle cidii caalamka ah ee ay khusayso arrintani in laysagu yimaado oo talo midaysan laga gaadho, haday Qaramada Midoobay ay tahay iyo haday dawladaha dariska ahba ay tahay oo aad u danaynaaya, waxa muhiimka ah ee aynu doonaynaa in ay muujino noqoto in dakeda Barbera ay tahay meel amaan ah(Save), meel aan hub cidna soo marsan karin, waxii soo galana ama laysku dayana in aynu gacan bir ah aynu ku qabanayno".

Xildhibaan Ibraahim Jaamac Rayte, ayaa sida oo kale xukuumada madaxweyne Siilaanyo ku eedeeyey in ay ku guul daraysatay ha’gida siyaasada arrimaha dibada, waxaana uu ka dhawaajiyey in carqalada qudha ee hortaagan in Somaliland ay bulshada caalamka ka hesho Ictiraaf ay tahay in iyada oo cid waliba ay sugayso natiijada ka soo baxda wada hadalada u socda Somaliland iyo Somaliya, isaga oo sida oo kalena dhaliilay qaabka ay xukuumadu u wado wada hadaladaasi, waxaana uu tilmaamay in aan illaa hada muuqanin rajo muujin karta in guul laga gaadho wada hadaladaasi. "Waa ay cadahay oo waa ay muuqataa in siyaasadii arrimaha dibadu ay soo laa'laabatay sababta ugu weynina ay tahay guul-darro ka timi dhinaca xukuumada, waxaan kale oo aan qabaa waxyaabaha siyaasada arrimaha daciifiyey ee Somaliland, iyo rajadii aqoonsiga waxa weeyaan wada hadalada ma' dhalayska ah ee aynu la wadno Somaliya, sababta oo ah cid waliba waxa ay ku odhanaysaa dee wada hadal ayaa socdee, wada hadalkaas waxa ka soo dhasha ama ka yimaada aan sugno yeynaan ka hor dhicinee, cidina maanta go'aan ma' qaadan karto inta wada hadaladaa aynu ku jirno, go'aan Somaliland lagu ictiraafo cidina ma' qaadan karto, sababta oo ah waxa loo arkayaa cid ka hor dhacday natiijadii wada hadalada, natiijada wada hadalkuna maaha kuwo waxa aynu doonaynay ay ka soo baxayaan, anigu wada hadalka ma diidani mabdi'iyan laakiin qaabka ay xukuumadu wax u wado ayaan aad u diinahay, waxa weeyaan wada hadalku waa wada hadal qaran, wada hadal xukuumadeed maaha, wax xisbi gaar ahi uu leeyahayna maaha, waxa weeyaan waxii halka lagu gaadhana wax loo dhan yahay in ay noqdaan weeyaan, maaha wax xisbi qudha ahi uu soo qaatay, sideeba dadka kale iyo hay'addaha loogu qancinayaa marka ay iyadu soo qaadato go'aamo. Waxaan leeyahay talabaad dadka wada hadalada ka qayb galayaa maaha dadkii ku haboona wada hadalada oo khibradeedii, aqoonteedii, farsamadeedii iyo waayo arragnimadeedii siyaasadeed dad leh ma' aha, dad waxaa loo baahan yahay qaran oo koox  buuxda ah oo isu dheeli tiran, oo aqoonyahankiisa leh, farsamo yaqaankiisa leh kana wada kooban xisbiyada iyo goleyaasha oo umadda mideeya ay wada hadalka galaan, maaha in Laba wasiir iyo saddex wasiir ay kolba meelo wasiiro kale kula shiraan"Ayuu yidhi Md:Rayte. Xildhibaan Ibraahim Jaamac Cali(Rayte), waxaa uu ugu danbayn xukuumada Siilaanyo uu ku eedeeyey in ay ka gaabisay ka hadalka mucaawimada ay dawlada Turkigu dhawaan ka hirgalisay magaalada Muqdisho ee dalka Somaliya, isaga oo ugu baaqayna in mawqif adag ka istaagto arrintaasi maadama ay qodabadii lagu soo heshiiyey shirkii lagu galay dalka Turkiga ee Somaliland iyo Somaliya ay ku jirtay in si siman loo wada qaybsado waxii mucaawinooyin ah.

"Qodabada lagu heshiiyey ee ku meel gaadhka ahaa ayey ku jirtay in waxii mucaawinooyin ah lawada qaybsado, xukuumadeenu arrinta way ka aamusan tahay, waxii dhaqaalo ah ee caawimo uu Turkigu bixinaayey ee uu Somaliya siiyey inaga waxba inaga soo gaadhin, dawladuna dee in ay mawqif cad iska taagto, ayaa loo baahna haddii dee aanay mucaawimadu meelo kale ama siyaabo kale u baydhin oo aanay u leexanin".Ayuu yidhi Xildhibaan Ibraahim Jaamac Cali (Rayte)