Hablaha Ay Maadadda Xadiidku Ku Yar Tahay Oo La Ogaaday In Ay Ku Liitaan Barashada Maadadda Xisaabta

0
641

Picture2Washington (Geeska)- Maaddada Xadiidka ee dhiigga oo ku yaraata habluhu waxa ay keentaa in heerkooda waxbarasho uu hoos u dhaco. Sidaa waxaa lagu caddeeyey cilmibaadhis la xidhiidha kala duwaanshiyaha saamaynta ay maadadda xadiidka dhiiggu ku leedahay dadka iyaga oo loo eegayo dheddig iyo lab. Arrinta xiisaha leh ee ay cilmibaadhistani sheegtay ayaa ah in hablaha uu dhiiggoodu waayo maadadda xadiidka ama ay ku yaraato lagu arko in ay ku xumaadaan barashada maadadda xisaabta haddii ay arday yihiin am aka shaqaynta iyo furfuridda masalooyinka xisaabeed ee sida maalinlaha ah nolosha ugu dhereran, taas oo ay kaga liitaan wiilasha da’dooda ah ee sidooda oo kale ay dhiiggooda ku yar tahay maadadda xadiidku.

Cilmibaadhayaal ka tirsan Jaamacadda Rochester ee Maraykanka ayaa baadhitaan ay ku samayeen Shan kun Saddex boqol iyo Sagaashan iyo Siddeed (5’398) oo ah carruur ay da’doodu u dhaxayso Lix ilaa Lix iyo Toban (6-16) jir, waxa ay ogaadeen in hablaha yaryar ee uu dhiiggooda ku yar yahay Xadiidku ay inta badan darajo hoose ka keenaan imtixaanaadka maadadd Xisaabta marka loo eego hablaha kale ee ay isku da’da yihiin laakiin iyaga xadiidkoodu uu caadi yahay.

Khubaradan oo ka hadlay barnaamij uu faafiyey Joornaalka Caafimaadka caruurtu, waxa ay sheegeen in badanaaba ay hablaha noocan ahi ay ku liitaan Xisaabta iyaga oo intaa ku daray in Xadiid yaraantu ay inta badan keento Dhiig bax iyo Dhiig yaraan (Anemia). Waxa kale oo culimadani ay carabka ku adkeeyeen in caadi ahaan dumarku ay Ragga uga baahi badan yihiin Maadadda Xadiidka, iyaga oo taa ku sababeeyay Dhiigga caadada ee dumarka sida bilaha uga yimaado sheegayna dhiiggaa awgii ay dumarku u baahan yihiin mar walba cuntooyinka uu ku badan yahay Xadiidku. Daraasado hore ayaa iyaguna sidan oo kale u muujiyay in Xadiid yaraantu ay guud ahaanba dadka ku keento liidasho xaga waxbarashada ah.