Shimbiraha Dad Qaadka Ah Oo Isku Faafiyay Deegaanada Bariga Somaliland Iyo Soomaalida Itoobiya Iyo Weeraro Cusub Oo Ay Gaysteen

0
1071

Hargeysa(Geeska)-Waxa deegaanada Somaliland iyo deegaanka Soomaalida Itoobiya ka taagan cabsida ka dhalatay gorgorka dad cunka ah oo weeraro kala duwan ka gaystay Somaliland iyo dhulka Soomaalida Itoobiya.

Deegaanka Oog ee Caynabo ayaa ka mid ah deegaanada laga soo sheegay in gorgorkani weeraray dad rayid ah. Maxamuud Cawil Cali ayaa sheegay in goor barqo ah uu gorgorkan oo ay weheliyaan shimbiro kale ay weerar ku soo qaadeen isagoo meel banaanka magaalada ah u doontay xaabo, balse uu ugu dambayn ku riday xabad oo uu la helay gorgorkii.

Gorgorkaas uu dilay Maxamuud cawil Cali, ayaa loo soo qaaday xarunta taliska Booliska Somliland ee Hargeysa, waxaana soo eegay wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Kaahin. Dad badan ayaa baraha bulshada ku baahiyay in muuqaalka shimbirkani aanu ahayn gorgor ee uu yahay xuur.

Deegaano kale oo ka tirsan gobalka Togdheer sida Xaaji Saalax iyo degmada Salaxley ee gobalka Maroodi-jeex ayaa sidoo kale la arkay weeraro uu gorgorkani ku soo qaaday oo laga hortagay.

Geesta kale deegaanada Goday iyo Ceel-ma-xidho oo ka tirsan gobalka Doolow ee dhulka Soomaalida Itoobiya, ayuu toddobaadkan gorgorku weeraro kala duwan ku soo qaaday. Deegaanka goday wuxuu weerar la beegasday gabadh yar oo uu dhaawac fudud soo gaadhsiiyay.

Laakiin mid ka mid ah gorgorkaas weeraray wiilasha geela la joogay deegaanka Ceel-ma-xidho ee gobalka Doolow ayaa gurmad ka dib waxay nolol ku qabteen gorgorkii soo weeraray oo ay soo bandhigeen muuqaaladiisa.

Wasiirka deegaanka Somaliland Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, oo ka hadashay shimbirahan weerarka ah ayaa waxay tidhi “Waa wax innagu soo kordhay waana wax cusub horana umay jiri jirin baadhitaan ayaanu ku maqannahay Caalamka waanu la xidhiidhnay meelo badanna wax bay ka soo

sheegayaan,shimbiraheena waynu naqaanaa waa Shimbiraha Caalamka oo dhan waa la garanayaa waana wax qoran dalka Itoobiya xuduud dheer ayaynu wadaagnaa wax badan ayaa ka soo gudba xuduudkaas oo jaar ayaynu nahay inta badana xayawaanku xagooda ayay ka soo gudbaan.Shimbiraha qaar ayaana ka taga xageena waxaana aad ogaanaysaa in wixii ay ku noolaayeen shimbiruhu in ay isbedeleen.”ayey tidhi wasiir Shugri.

Dadka deegaanada Somaliland ee Togdheer iyo dhulka Soomaalida Itoobiya ayaa ku jira heegan buuxa, waxaana suurtogal ah inay laayaan shimbiro aan ahayn kuwa weerarka ah oo ay qaar ka mid ah dhaawac ama dhimasho u gaystaan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here