Aabayaashu Waxa Ay Jecel Yihiin Inantooda In Ka Badan Inta Ay Jecel Yihiin Wiilasha Ay Dhaleen

0
738

Daraasad cusub ayaa daahfurtay in aabayaashu u dhego-nuglaan badan yihiin una jajaban yihiin hablaha ay dhalaan in ka badan inta ay innamadooda u dhego nugul yihiin. Cilmibaadhistu waxa ay sheegtay in aabayaashu ay u feejigan yihiin hablaha, una fahmaan si ka badan sida ay u fahmaan innamada.

Daraasaddan ayaa tijaabadeedii lagu ogaaday in aabuhu jecel yahay in uu si kalgacal badani ka muuqdo ula hadlo, si naariisi ka muuqatana ula ciyaaro inantiisa, halka laga dareemayo in uu wiilki ula macaamilayo si ka qallafsan sidaas hore, oo xitaa ciyaarta ay la ciyaarayaan ka qallafsan tahay.

Daraasaddan uu Geeska Afrika soo akhriyey oo lagu faafiyey Shabakadda Al-Carabiya ayaa intaas ku dartay in marka ilmuhu ooyo ama u qayshado aabihii uu aabuhu inanta u raadiyo una dhaqsado si ka badna sida uu wiilkiisa ugu ordo ama u maqlo.

Si kastaba ha ahaato ee cilmibaadhayaasha daraasadda sameeyey waxa ay sheegeen in daryeelkaas iyo kalgacalkaas dheeraadka ah ee uu inantiisa kula macaamilayaa aanu ahayn jacayl dheeraad ah oo uu innamada iyada ka jecel yahay. Waxa aanay khubaradu sheegeen in dabeecadda ah in uu aabuhu u janjeedho dhinaca inantiisu ay tahay arrin uu ku kacayo isaga oo aan ku talogelin ama maskaxda ka imanaya iyada oo aanu isagu saamayn ku yeelan doonin. Waxa ay daraasaddu tilmaamtay in hab-macaamilkan gaarka ah ee aabuhu ku qaabilo inantiisu ay inta badan aad u muuqato marka da’da inantu tahay hal sano jir illaa saddex jir.