Wasiirkii Hore Ee Ganacsiga Oo Xukuumadda Ugu Baaqay In Suuqyo Kale Loo Raadiyo Dhoofka Xoolaha

0
672

Hargeysa (Geeska)-Dr Cumar Shucayb Maxamed, oo Xukuumaddii hore Axmed Siilaanyo ka soo qabtay xilka Wasiirnimo ee Wasaaradda Ganacsiga, ayaa ku baaqay in Somaliland loo raadiyo suuq kale oo dhoofka Xoolaha ah, waxaanu Xukuumadda ku taageeray go’aanka ay ka soo saartay dalabka uu Sucuudigu ku doonayey in dhoofka Xoolaha ee Somaliland loo soo maro Somaliya, waxa kale oo uu ku taliyey in la sameeyo kabayaal dhaqaale oo dalka ah sida Warshadii Sibidhka iyo in wax soo saarka dalka xooga la saaro.

Wasiirkii hore Ganacsiga Dr Cumar Shucayb Maxamed oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay “Suuragal maaha in Sacuudigu boqol sano aynu u xidhanano, adduunyada xoolo nool oo soconaya ( Life stock) cid dhofisaa way yartahay markaa suuqa kawanada Casriga ah ee hala badiyo sida ka Togdheer ay ka wadaan Malasia , waa in la helaa suuq kale oo inoo bedala xolaheena,  waana muhiim in la helo suuq kale oo xoolaheena loo dhoofiyo, sidoo kale waa muhiim in la helo suuq kale oo xoolaheena hilib ahaan loogu dhoofiyo.Xoolaheenu hadaynu Sucuudiga ka joojino, suuq kale oo dawladaha iyo Deegaanada jaarka ah ayay u baydhayaan, waayo suuqu isagaa is xukuma lama joojin karo, ee  waa in Sacuudiga Wefti culus loo diro iyada oo la kashanayo Saxibadeena aynu ilaha dhaqalaaheena   ku wareejinay,  Waana muhiim in Arintan aan la dhayalsan, Xukuumaddana waxaan ku taageersan nahay go’aanka ay gaadhay in dhoofka xoolaheena aan Somaliya loo marin, ”.

Mar uu ka hadlaayey in la sameeyo ilo dhaqaale ayaa yidhi “Waxaa loo baahan yahay inaynu isku tashano, oo aynu xooga saarno sidii ilo dhaqaale u sameeysan lahayn, waxaa loo baahan yahay inaynu Warshadii Sibidhka iyo Warshado kaleba aynu yeelano, waxaa loo baahan yahay inaynu wax soo saarka dalkeena xooga saarno, si aynu wax u dhoofino, uguna maarano wax badan oo dibadda inooga yimaada, oo aynu la soo bixi karno”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here